Xukuumada Soomaaliya Oo Cambaareysay Gantaalo Lagu Garaacay Magaalada Barakeysan Ee Makka Al Mukaramah

0
Saturday October 29, 2016 - 14:22:14 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 2023
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Soomaaliya Oo Cambaareysay Gantaalo Lagu Garaacay Magaalada Barakeysan Ee Makka Al Mukaramah

    Waxa aanu si walaac ku jirto ula soconnaa xaaladaha halista ah ee ka jira Yemen, waxa aanu cambaareyneynaa maleeshiyooyinka Xuuthiyiinta oo gantaal balaastiko ah ku ganay deegaan ka tirsan Magaalada barakeysan ee Makka Almukaramah , waxa aanu u aragn

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa aanu si walaac ku jirto ula soconnaa xaaladaha halista ah ee ka jira Yemen, waxa aanu cambaareyneynaa maleeshiyooyinka Xuuthiyiinta oo gantaal balaastiko ah ku ganay deegaan ka tirsan Magaalada barakeysan ee Makka Almukaramah , waxa aanu u aragnaa dhaqankaas cadowtinimada baxsan leh fal aan marmarsiinyo noqon karin oo ka hor imaanaya dhammaan mabaadiida, waxa aanu cadeyneynaa sida aanu uga soo horjeedno xadgudubkaas halista leh ee dambiga xambaaran ee loogu tallaabay sharafta meesha dhulka ugu daahirsan, uguna xurmo badan iyo goobaha la xurmeeyo ee Islaamka.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay markale ugu baaqeysaa Xukuumadda Sharciga ah ee Yemen, dhammaan dhinacyada hubeysan iyo ururada siyaasadeed ee kale inay u istaagaan soo afjaridda loolanka dhiigga ku daatay , iyaga oo u maraya dib u heshiisiin qaran iyo wadahadal dhab ah si loo ilaaliyo nafta dadka rayidka ah , loona joojiyo dhiigga shacabka aynu walaalaha nahay ee Yemen.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip