Kaftanka Siyaasadda: Yuusuf Garaad iyo Baanki-Muun

0
Saturday November 12, 2016 - 23:38:46 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 4771
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kaftanka Siyaasadda: Yuusuf Garaad iyo Baanki-Muun

    Markii Yuusuf Garaad waraaqihii laga gudoomay, lana soo dhaweeyey ayaa intii gabadha xog haynta ahi diyaarinaysay, Warqadaha Habraaca xubbinimada shaqo iyo waajibaadka saaran Yuusuf loogu qeexayo iyo xuquuqdiisa qofeed iyo daleed Ayaa sheeko dhex mar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii Yuusuf Garaad waraaqihii laga gudoomay, lana soo dhaweeyey ayaa intii gabadha xog haynta ahi diyaarinaysay, Warqadaha Habraaca xubbinimada shaqo iyo waajibaadka saaran Yuusuf loogu qeexayo iyo xuquuqdiisa qofeed iyo daleed Ayaa sheeko dhex martey isaga iyo Banki muun.


Banki muun: Yuusuf waan ku faraxsanahay inaan wada shaqayno Mr Yuusuf soo dhawoow iiga warran xaaladda Soomaaliya?

Yuusuf: Dalkii weli ammaan rasmiya kama jiro, Dowladdu gobollada ma wada gaadhin, Ciidanka dowladda ammaanka laguma halayn karo, Madaxweynayaashuna iskuma san bannaana, Doorasha xor ah inay dhacdona werwer ayaa laga qabaa.

Banki Muun: Yuusuf werwer badan ayaa kaa muuqda, waxaadna moodaa inaad daalantahay, Xafiiska qaramada midoobey warka gudaha inaad uga warranto maaha ee kan guud ayaa la rabaa intuu hoos ula xanshashaqay ayuu dhahay" Sidii wariye dalkaaga hawga warramin ee sida masuul uga uga warran!

Yuusuf Garaad: Ayaa hadalkii ku margaday, markaasuu ku koobay waayahay mudane.

Banki Muun: Ayaa mar kale weydiiyey, Arrinka Gaalkacayo xal ma loo helay?Ka warran haddii ciidamo Jabuutiyaan ah la geeyo magaalada, Maamul madax bannaana loo sameeyo.

Yuusuf Garaad: Arrinka Gaalkacayo ma sahlana labada beeloodna colaad soo jireena dhextaal haddana waxaa laysku haystaa meel Maxjara, marka dowladda Puntland halala hadlo, weliba inaad adigu Gaas wacdo ayaa wanaagsan, Guuleed isagana wacdo.

Banki Muun: Yuusufoow weligaa xafiis dowladeed oo aan wariyanimo ahayn kama aadan soo shaqayn ayaan filayaa?

Yuusuf Garaad: Eeen een aan haa maya?

Halkaas markay sheekadu mareysay ayaa gabadhii xoghaynta ahayd waraaqihii keentay lana soo fadhiisatay.

Banki Muun: Yuusuf waxaad tahay erayga Soomaaliya u fadhiya Qaramada midoobey, Soomaaliya adigaa halkan u metela, anagana adigaa na metela, wax kastoo aad aragto haka hadlin hana ka warramin, Shirka markaad ka qayb gasho, qaybta aad ku leedahay iyo meesha danta waddankaagu ku jirta awoodda Saaran, Bloggaaga iyo facebook- gaaga waxaad ku qoreysona ha koobnaadaan, hana ka baxsanaadaan siyaaasada xafiiskan

Yuusuf Garaad: Waayahay Mudane:

Banki Muun ayaa istaagey, wuxuuna ugu daray, Ogoow waxaad si rasmi ah meesha ugu fadhidaa dowladda Soomaaliya, Madaxweynahaaga Xasan igu salaan, Ogoowna inuu aad kuugu kalsoonyahay hadduu halkan kuu soo diray, marka waa inaad siyaasadiisa ku shaqayso iyo tan xukuumadda hadda jirta inta mid kale laga soo dooranayo.

Yuusuf Garaad: Waayahay,

Banki Muun ayaa istaagay oo meel gaar ah halkay fadhiyeen gabadhii xoghaynta ahayd u yeedhay, oo ku yidhi ninkan xilkan loo soo doortey si weyn ugu balbalaadhi masuuliyadda ka saaran, cida uu u coddeynayo ee mar walba Soomaalidu u codeyso, una sheeg shaqooyinka laga rabo inuu xafiiskiisu u qabto, Jimciyada una fududeeyo iyo kuwa isaga loo qaban doono.

Xoghayntii: Maxaa miyaan waddankiisa looga soo sheegin hawshiisa gaar ahaaneed, hannaanka siyaasadeed uu ka shaqaynayo?

Banki muun: Ilaa hadda Soomaaliya inuu metelo ma rumeysna ee adigu ugu dhaaro oo ugu celceli, Gudoomiyayaashii Gobollada iyo Madaxweynihiisii ayuusan xitaa kala garanayn, Annagu ma iskool baannu u dhignaa? mise siduu u shaqaynayey ayaanu barnaa, Xasan sheekh muxuu nin siyaasadda arrimaha dibadda yaqaan oo la socda noogu soo diri waayey.

Yuusuf Garaad oo werwer ka muuqdo, ayaa gabadhii meeshii ka kicisay waxaana lala galay qof xidhan si uu hannaanka meesha looga dhaadhiciyo, loona fahansiiyo sarta dheer iyo qaabka ay u dhisan tahay.Yuusuf Garaad oo hawshii ku jira ayaa waxaa soo wacay Gaas,

Gaas: Hello Yuusuf warqada aan ku soo direy emailkaaga u gudbi oo iga gaadhsii Banki muun saaxiiboow, waynagii ballanayey.

Yuusuf Garaad: Cabdiweli niyaw dowladda dhexe warqad aan soo marin uma gudbin karo Banki Muun, hadduu ii sheegay, ee wasaaradda arrimaha dibadda u dir iyaga haysoo diraan.

Gaas: Haye ma sheekadaasaad billowday, iminkaan aniga iyo Axmed Madoobe dacwad kaa dhan ah u gudbinaynaa MAYKAL KEETIN, waayahay, Gaas ayaa xanaaqay, war ninku saaxiibnimo ma lahayn, maanigii ayuu igu yidhi dowladda dhexe soo mar.

Yuusuf: Xasan sheekh inuu xertayda oodhan igu diruu xafiiskan ii keenay, hadhoow hadduu soo noqdana waan ogahay wuu i beddelayaa, haddii mid kale yimaadana kaas kalena kolay qof ayuu ka balan qaaday, shaqadeeda mooyaana meesha Nayroobi armeey dhaantey.

La soco kaftanka siyaasadda iyo sabtida.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip