Maxamed Yuusuf:''Waxaan Heysanaa Xog Fara Badan Oo Lagu Bur Burin Karo Shabakado Argagixiso"

0
Friday January 16, 2015 - 11:54:43 in Wararka by Axmed Abukar
  • Visits: 2883
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxamed Yuusuf:''Waxaan Heysanaa Xog Fara Badan Oo Lagu Bur Burin Karo Shabakado Argagixiso"

    Wasaaradda Amniga Qaranka ayaa sheegtay iney ku raad joogto shaqsiyaad ka tirsan kooxda Shabaab, kuwaasoo ka haray shabakado argagixiso oo ciidamada nabadgelyadu hor u bur buriyeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Amniga Qaranka ayaa sheegtay iney ku raad joogto shaqsiyaad ka tirsan kooxda Shabaab, kuwaasoo ka haray shabakado argagixiso oo ciidamada nabadgelyadu hor u bur buriyeen.

Afhayeenka wasaaradda amniga Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa lahadlay warbaahinta dowlada asagoo u sheegay in ciidamada ammaanka ay baadi goob ugu jiraan shaqsiyaadka ka tirsan Shabaab ee ku howllan falal argagixiso oo ay ku dhibaateynayaan ummadda Soomaaliyeed.

"Wada shaqeynta ciidamada amniga oo kaashanaya shacabka ayaa keentay in xogag farabadan la helo, lana bur buriyo shabakado argagixiso, shar wadayaal kale oo ku dhuumaaleysanaya Muqdisho ayey ciidanku ku raad joogaan” ayuu yiri Afhayeenka wasaaradda amniga.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaa raaciyay in laamaha ammaanku ay u taaganyahay ka hortagga falalka liddiga ku ah amniga, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ciidamadu ay adeegsadaan tabo casri ah oo looga hortago dhagarta ay maleegayaan maleeshiyaadka Alshabaab.

Hadalka afhayeenka ayaa imaanaya xilli ay ciidamada nabadsugidda iyo Booliisku ay kordhiyeen howlgallada ay ka wadaan xaafadaha Muqdisho, kuwaasoo lagu xaqiijinayo ammaanka caasimadda.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip