Farriinta Sannadka 2017 U dhug yeesha dhibaatooyinka yaryar ee isbiirsada!

0
Monday January 02, 2017 - 02:47:46 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3332
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farriinta Sannadka 2017 U dhug yeesha dhibaatooyinka yaryar ee isbiirsada!

    Faylasuufkii, qoraagii iyo cabqarigii ee u dhashay waddanka Ruushka Leo Tolstoy waxaa laga hayaa xikmad uu inagu tusaaleynayey mushkiladaha bulsho ee isbiirsada. Tijaabo iyo u kuurgalid dheer ka dib waxa uu ogaadey in dadku si degdeg ah uga falceliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faylasuufkii, qoraagii iyo cabqarigii ee u dhashay waddanka Ruushka Leo Tolstoy waxaa laga hayaa xikmad uu inagu tusaaleynayey mushkiladaha bulsho ee isbiirsada. Tijaabo iyo u kuurgalid dheer ka dib waxa uu ogaadey in dadku si degdeg ah uga falceliyaan mushkiladaha waaweyn ee muuqda, sida daadka oo kalana dadka u wada gaara laakiin ayan u dhug yeelan mushkiladaha yaryar ee gala dhuuxa tiirdhexaadka bulshada ka dibna dumiya.


Isaga oo tijaabinaya doonayana dadka inuu tuso ayuu tuubo(rubuneeto) biya yar ka tifqayaan ama ka gobo' leeyihiin hoos dhigay dhalo/quraarad. Dadku dhibcaha ku dhacaya dhalada dhug uma yeeshaan, qof kasta oo soo ag marana mar haddii uu eego mar labaad ma eego. Waxay sidaa ahaataba muddo ka dib biyihii waxay ka awood badiyeen quraaraddii. Quraaraddii iyo agagaarkeediiba way madoobaadeen ur qarmuunina wuu ka dhashay. Dadkii iyaga oo aan weli garan sababta urtan qarmuun keentay iyo weliba cuduro degmada ku soo batay ayay goobtii uraysey marka ay ag marayaan sanka ka qabsadaan.

Leo oo intaaba u fiirsanayey sida dadku u dhaqmayeen ayaa habeen fiidkii tuubadii si kas ah u jebiyey. Biyihii ayaa butaacey oo jidkii gooyey, sii dhaafey oo guryahoodii ugu tagey. Dadkii ayaa sasay oo qayliyey oo qof waliba iskii wixii uu awooday qabtay. Mid baaldi biyaha isaga gura, mid iska moosa, mid qaylo iyo canaan la soo istaaga. Markii dambe dadkii waxay xoog saareen inay kabaan tuubada jabtay halkaana ay ku xalliyaan dhibaato u wada muuqatay. Leo Tolstoy oo dadkii la hadlaya ayaa ku yiri " dhibta weyn dadka oo dhan ayaa wada xalliya ee u dhug yeesha dhibaha yaryar ee marka ay isbiirsadaan ka culus dhibta weyn.

Soomaaliyeey marka colaadu muuqato ayaynu ka falcelinaa, sidoo kale marka abaartu innagu habsato. Labaduba waa calaamado caddaynaya inay yihiin xanuuno-bulsho oo isbiirsaday. Qab qab dhaafay, quursi, eex, gardarro garab og ayaa dhexdeena sidii tuubada biyaha u gobo' leh. Way inoo muuqdaan laakiin sidii dadkii rubuneetada tiftifqaysey eegayey iskana dhaafayey ayeynu u eegnaa. Hadba qof, qoys iyo deegaan biyaha uraya ag maraya ayaa inta ay ka gudbayaan urkaas ka qayliya, inta kalana urta iyo qaylada ayey wada daawadaan. Dhirtii gubney, goyney gasiin dhacayna ku bedelaney. Deegaankii dekhow, daaqii la waa danse kamaynu lihinoo sidii tuubadii dhibcuhu ka gobo' lahaayeen ayeynu u daawanaa jeer abaari innagu habsato, kolkaasaynu sidii dadkii tuubadu daadka guryahooda ugu keentay qaylina, midina gorof la ordaa oo dunida ku dewersadaa.

U dhugyeesha dhibaatooyinka yaryar ee isbiirsada. Sannadka 2017kana u asteeya sannadka la dagaallanka quursiga ku salaysan hayb, deegaan, af guri, eexda, laaluushka, dawarsiga shisheeye iyo sokeeyaba. Isugu taga daryeelidda deegaanka.

Soomaali waa isku Sinji, isku Seere, isku Soor. Kala saarayow, kala seeraynayow, kala soorayow soco

FG: Sinji haddii uu shalay inoo ahaa isir, maanta ha inoo ahaado Qaran. Qaran ayaa ina wada qaada, quruxdeenuna ku jirtaa.

Qoraankan waad faafin kartaa haddii aad ilaalinaysid xuquuqda lahaanshiyaha copyright ©

Burhaan Cali

1-1-2017

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip