Baarlamaanka Cusub ee maamulka Hirshabeelle oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Jowhar ayaa doortay gudoomiyaha shir gudoomin doona Baarlamaanka cusub ee maamulka Hirshabelle tan iyo inta laga dooranaayo gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle.
Baarlamaanka ayaa si KMG ah u doortay Maxamuud Siyaad Barqadle in uu noqdo shir gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hir Shabeelle inta laga dooranaya gudoomiyaha Rasmiga ah ee Baarlamaanka.
shalay Magaalada Jowhar waxaa lagu qabtay Munaasabada Dhaarinta xildhibaanada waxaa ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) Mas’uuliyiin ka socotay IGAD, Waxgarad iyo xubno kale, waxaana la dhaariyay 73, mudane.
Maamulka Hirshabeelle ayaa lagu wadaa dhismihiisa in la soo gaba gabeeyo Bishan October dhexdeeda, maadaama Howlihii ugu badnaa ee dhismaha Maamulkan laga soo gudbay.
Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle Oo Maanta Kulan Yeeshay
Baarlamaanka Cusub ee maamulka Hirshabeelle oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Jowhar ayaa doortay gudoomiyaha shir gudoomin doona Baarlamaanka cusub ee maamulka Hirshabelle tan iyo inta laga dooranaayo gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeell