Guddiga Qabanqaabada Aaska Qaran Ee Marxuum S/Guud Maxamed Cali Samantar Oo Shir Ku Yeeshay Magaalada Muqdisho

0
Tuesday August 23, 2016 - 15:33:13 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1775
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga Qabanqaabada Aaska Qaran Ee Marxuum S/Guud Maxamed Cali Samantar Oo Shir Ku Yeeshay Magaalada Muqdisho

    Ku-Simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta kulan la yeeshay Guddiga qabanqaabada aaska qaran ee loo sameynayo Allah ha u naxarii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ku-Simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta kulan la yeeshay Guddiga qabanqaabada aaska qaran ee loo sameynayo Allah ha u naxariistee Madaxweyne Ku Xigeenkii hore ee Soomaaliya, S/Guud Maxamed Cali Samantar.

Mudane Jawaari ayaa sheegay in hawlaha qabanqaabada aaska qaran ee loo sameynayo General Samantar ay si wanaagsan u socdaan, isla markaana calanka Soomaaliya hoos loo dhigayo muddo saddex cisho ah oo caawa ka bilaabanaysa, iyadoo lagu maamusayo, laguna sharfayo marxuumka.

S/Guud Maxamed Cali Samantar oo Madaxweyne Ku-Xigeen, Ra’iisul Wasaare iyo Wasiirka Difaaca ka soo noqdey xukuumaddii militariga Soomaaliya ayaa dhowaan ku geeriyooday gobolka Virginia ee dalka Mareykanka, waxaana la filayaa in dhowaan aas qaran loogu sameeyo dalkiisa hooyo.




-----------------------------------DHAMMAAD-------------------------------
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip