Hoos udhac kuyimid tirada dadka iska soo dhiibaya dalka Sweden (Sawiro)

0
Thursday January 05, 2017 - 12:27:20 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2521
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoos udhac kuyimid tirada dadka iska soo dhiibaya dalka Sweden (Sawiro)

    Dadka magangalyo doonaka ah ee dalkaan Iswiidhan ku soo qul qulayey ayaa hoos u sii dhacaya marba marka ka sii dambeeysa.Arrintan ayaa salka ku heeysa baaritaanka, ilaalada xoogan ee laga hayo xuduudaha dalka iyo Sharciyada adag ee la soo saaray maga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadka magangalyo doonaka ah ee dalkaan Iswiidhan ku soo qul qulayey ayaa hoos u sii dhacaya marba marka ka sii dambeeysa.Arrintan ayaa salka ku heeysa baaritaanka, ilaalada xoogan ee laga hayo xuduudaha dalka iyo Sharciyada adag ee la soo saaray maganlyo doonka waxeey intaba keeneen in hoos u dhac ku yimaado dadka dalkaan magangalayad ka soo doonta.


Sanadkan 2016-ka ee sii dhamaanaya ooay maalin keliya naga xigto, ayaa dadka magangalyada soo weeydiistay tiradooda gaareeysa 28.000, halka sanadkii ka sii horeeyey ay aheyd163.000 oo qof.

Arrintan ayuu ku macneeyeyFredrik Bengtsson, oo ah madaxa warbaahinta u qaabilsan laanta socdaalka, in ay ugu wacan tahayisbadaladda siyaasadeed ee la xirriira magangalyo doonka oosharciyo adag laga soo saaray, midowga Yurub oo mowqif mideeysan ka qaatay iyo Turkiga oo isagana qeyb ka ah heshiis qaxootiga loogu ogolaaneyn ineey u talaabaan xadka Yurub.
"Waxaa jira heshiis u dhaxeeya Midowga Yurub iyo Turkiga oo adkeeynaya in xadka Yurub loo soo talaabo, Iswiidhan ahaana waxaa isbadal lugu sameeyey sharcigii joogtada ahaa, mana bixino hadda sharci joogto ah, sidoo kale waxaa aad u adkaaday isku keenista reeraha kala maqan” ayuu yiriFredrik Bengtsson, oo ka warbixinayey asbaahaha keenay hoos u dhaca ku yimid magangalyo doonka.

Sidaas si la mid ah ayaa waxaa hoos u dhac ku yimid dhalaanka keli socodka ah ee dalkaan ku soo jabay mudooyinkii ugu dambeyey. Sanadkan oo keliya ayaa waxaa magangalyocodsaday dhalaan keli socod ah oo tiradooda gaareysay 2..100, kuwaas oo da.doodu ka yar tahay 18 jir halka sanadkii hore ay tiradoodu gaartay 35369 oo dhalaan keli socod ah.

"Sanadkii hore dhalaanka keli socodka ah ee ugu badan ee Iswiidhan yimid waxeey ahaayeen afgaaniyiin ka yimid Afgaanistaan, waxaana dhif ahaa kuwa watay aqoonsi, taana waxeey keentay ineey adkaato in dalkaan yimaadan sababo la xirrira meelaha ay soo marayeen oo ay kala kulmayeen baaritaano adag” ayuu yiriFredrik Bengtsson.

Sanadka soo socda ee 2017-ka iyo sida xaaladu noqon doonto ayaan haatan si waadix u muuqan marka la eego shariyada loo maleeynayo in laga soo saaro xudduudaha dalka.

"Ma waxaa sii jiri doona heshiishkii midowga iyo Turkiga, mise dal kasta isaga ayaa sii wadanaya adkeynta iyo baaritaanada xadkiisa ciddii soo galeeysa ama ka baxeeysa? Haddii la eegana baahida dadku ay u qabaan ineey ka bad bad baadan dagaalada dhacaya taasina ma eeysan noqon mid naaqus ah ee weli waa ay sii kordhayaan dadka muhaajiriinta ah” ayuu markale yiriFredrik Bengtsson oo madaxa u qaabilsan warbaahinta laanta socdaalka oo tilmaamyey in si kasta oo mowqif mideeysan looga qaato muhaajinta weli ku soo qul qulaya qaarada Yurub ay hadana muuqato baahida ay dadyowga qaarkood u qabaan ineey helaan nolol meel ammaan leh.

 

Raad- raac

Shaxdan hoose waxeey sheegeysashanta wadan ee magangalyadda weeydiistay Iswiidhan iyo dalalka ay ka yimaadeen marka la bar bar dhigo sanadkii hore ee 2105-ka:

Sanadkii 2016

Suuriya: 5410

Afgaanistaan: 2920

Ciraaq: 2700

Soomaaliya: 1630

Aan cadeeyn wadan: 1310

Sanadkii 2015

Suuriya: 51338

Afgaanistaan: 41564

Ciraaq: 20857

Aan cadeeyn wadan: 7711

Eritereya: 7231

Tirakoobkan ayaa ah mid la sameeyey ilaa 18-ka bishan diseember. Dadkan aan la aqoon (Aan cadeeyn wadan) inta badan waxaa loog yeeraa falastiiniyiinta ka cararay Suuriya.

Xigasho: Migrationsverket

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip