War Deg Deg ah: Taliyihii Booliska magaalada Jowhar oo goor dhow qarax lagu dilay

0
Saturday January 21, 2017 - 22:28:35 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1816
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg ah: Taliyihii Booliska magaalada Jowhar oo goor dhow qarax lagu dilay

    Taliyihii Booliska magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe Khaliif Cabdulle Carfaaye ayaa caawa lagu dilay magaaladaas sida ay sheegayaan warar goor dhow halkaas naga soo gaaray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyihii Booliska magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe Khaliif Cabdulle Carfaaye ayaa caawa lagu dilay magaaladaas sida ay sheegayaan warar goor dhow halkaas naga soo gaaray.

Dilka taliyaha ayaa waxaa Shabakadda allbanaadir goor dhow u xaqiijiyey gudoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan (Axmed Faal).

Wararka ayaa sheegaya in taliye Carfaaye uu ku dhintay bam gacmeed goor dhow weeraray hoygiisa oo ku yaalla agagaarka saldhiga booliska magaalada Jowhar.

Waxaa wararku intaa ku darayaan in weerarkan uu sidoo kale ku dhintay mid ka mid ah labo nin oo dhowaan sarkaal ka tirsan Al-Shabaab ku soo dilay degaano hoos taga Sh/dhexe kaasoo joogay hoyga Taliyaha.

Labo askari oo ka tirsanaa ilaaladiisa ayaa sidoo kale la xaqiijiyey iney ku dhaawacmeen qaraxan caawa ka dhacay magaalada Jowhar oo la aaminsan yahay iney ka dambeyso kooxda Al-Shabaab.


Xigasho: Allbanaadir
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip