Faah Faahin:-Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Suuqa Kaawo Godeey

0
Sunday February 19, 2017 - 15:50:13 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1541
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin:-Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Suuqa Kaawo Godeey

    Inta la xaqiijiyay 30 ruux oo dad shacab ahaa ayaa ku dhintay kadib markii gaariga laga soo buuxiyay waxyaabaha uu ku Qarxay Suuqa Kaawo Godeey Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inta la xaqiijiyay 30 ruux oo dad shacab ahaa ayaa ku dhintay kadib markii gaariga laga soo buuxiyay waxyaabaha uu ku Qarxay Suuqa Kaawo Godeey Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Gaariga Qarxay ayaa ahaa kuwa Xamuulka qaada islamarkaana lagu qarxiyay Suuqa Kaawo Godey Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, markuu Qaraxa dhacayay Suuqa ayaa ahaa mid aad u mashquul badan oo dad ay ka dukaamaysanayeen.

Saraakiil ka tirsan Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaliyeed ee NISA ayaa xaqiijiyay in Qaraxa lala Bartilmaameedsaday Suuqa Kaawo Godey islamarkaana ay ku dhinteen in ka badan 30 ruux oo shacab ahaa, haatan lagu mashquulsan yahay sidii loogu gurman lahaa.

Ilaa haatan ma jiro cid sheegatay Mas’uuliyada Qaraxa ka dhacay Suuqa Kaawo Godeey Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip