Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa si kulul u cambaareeyay Qaraxii maanta ka dhacay Suuqa Kaawo Godeey Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Qaraxii maanta ka dhacay Degmada Wadajir uu muujinayo Bahalnimada Ururka Al Shabaab wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaliyeed iyo Ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya in ay u midoobaan dagaalka ka dhan ah Ururka Al Shabaab.
Inta la xaqiijiyay 30 ruux oo dad shacab ahaa ayaa ku dhintay kadib markii gaariga laga soo buuxiyay waxyaabaha uu ku Qarxay Suuqa Kaawo Godeey Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Gaariga Qarxay ayaa ahaa kuwa Xamuulka Qaada islamarkaana lagu Qarxiyay suuqa Kaawo Godey Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Ilaa iyo hada majirto Cid sheegatay Mas’uuliyada Qaraxa maanta ka dhacay Suuqa Kaawo Godeey Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Madaxweynaha Soomaaliya Oo Si Kulul U Cambaareeyay Qaraxii Maanta Lagu Baaba'ay