Madxaweynaha Maamulka Ahlusunna Oo Maanta Soo Gaaray Muqdisho (Sawirro)

0
Tuesday February 21, 2017 - 13:53:25 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1805
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madxaweynaha Maamulka Ahlusunna Oo Maanta Soo Gaaray Muqdisho (Sawirro)

    Waxaa maanta Magaalada Muqdisho soo gaaray Wafdi Balaaran uu Hogaaminayo Madaxweynaha maamulka Ahlusunna Waljameeca ee Gobolada Dhexe Sheekh Maxamed Shaakir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho soo gaaray Wafdi Balaaran uu Hogaaminayo Madaxweynaha maamulka Ahlusunna Waljameeca ee Gobolada Dhexe Sheekh Maxamed Shaakir.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowlada Soomaaliya.

Sheekh Maxamed Shaakir Madaxweynaha maamulka Ahlusunna Waljameeca ee Gobolada Dhexe ayaa Magaalada Muqdisho u yimid si uu uga qeyb galo Caleemo saarka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Maamulka Ahlusunna Waljameeca ayaa si weyn uga soo horjeeda maamulka Galmudug iyo sidoo kale dowladdii waqtigeedi dhamaaday ee Hogaamiyaha uu ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud.

Maamulka Ahlusunna Waljameeca ayaa horay u sheegay in ay taageersan yihiin Madaxweyne Farmaajo , islamarkaana ay la shaqeyn doonaan.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip