Dabkii Saakay Ka Kacay Suuqa Bakaaraha Oo La Damiyay + Sawirro

0
Monday February 27, 2017 - 13:40:38 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1484
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dabkii Saakay Ka Kacay Suuqa Bakaaraha Oo La Damiyay + Sawirro

    Waxaa lagu guulestay in la damiyo Dab Xoogan oo Saakay waabarigii hore ka kacay Suuqa-weyn Bakaaraha gaar ahaan Suuqa loo yaqaano Khaliifa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa lagu guulestay in la damiyo Dab Xoogan oo Saakay waabarigii hore ka kacay Suuqa-weyn Bakaaraha gaar ahaan Suuqa loo yaqaano Khaliifa.

Dabka oo ahaa mid aad u Xoogan ayaa waxa uu ku baahay dhismooyin badan oo ku yaalla gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Hanti badan ayaana la sheegayaa in uu baabiyay Dabkaasi waxaana waqti badan qaatay daminta Dabka.

Ugu yaraan 3 qof ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeyn mashaqadaasi halka 1 Qof kalena uu dhaawac soo gaaray.

Ggaadiidka Dab-damiska maamulka Gobolka Banaadir ayaa markii Dambe ku guulestay daminta Dabkii saakay waabarigii hore ka kacay Suuqa Bakaaraha.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale oo kormeeeray goobta ayaa waxa uu ka hadlay Dabka ka kacay Suuqa Bakaaraha.

Yuusuf Xuseen Jimcaale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxa uu sheegay in dib loo eegi doono sida uu u dhisanyahay Suuqaasi loona baahan yahay Wadooyin gala Suuqaasi.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip