Cali Dheere Oo Ka Hadlay Doorashadii Farmaajo

0
Monday February 27, 2017 - 14:20:48 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1834
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cali Dheere Oo Ka Hadlay Doorashadii Farmaajo

    Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay in lasii wadi doono dagaalka lagula jiro dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee Soomaaliya ku sugan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay in lasii wadi doono dagaalka lagula jiro dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee Soomaaliya ku sugan.

Afhayeenka Guud ee Ururka Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raagge (Cali Dheere) oo ka hadlayay Doorashadii uu kusoo baxay Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa sheegay in uu sii socon doono dagaalka u dhaxeeya dowladda iyo Al Shabaab.

Fariin maqal ah oo uu soo duubay Afhayeenka Guud ee Al Shabaab Cali Dheere ayuu ku faah faahiyay Mowqifka rasmiga ah ee Ururka Al Shabaab ka qaadatay dowladda Cusub ee Soomaaliya ee uu hogaaminayo farmaajo.

"Waxaan u sheegeynaa dowladda uu Farmaajo calanka u sida in aad mari doontaa wadadii ay mareen kuwii idinka horeeyey, Laba arrin midkood ayaadna noqon doontaan Insha’Allaah, mida koowaad oo ah in aad ku baxdaan gacanta Muslimiinta iyo mida labaad oo ah in ay gaaladu idinka badal qaadato idiinkoo duleysan sida kuwii idinka horeeyey oo kale, Mab da’a gaalada kama hirgelin doontaan dhulkan ay Muslimiintu ku nool yihiin”ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo la hadlay warbaahinta Al Shabaab.

"Waxaa leeyahay ama C/llaahi keena, ama Shariif Keena, ama Xasan Keena ama Farmaajo keena, ama Faarax iyo Jaamac keena, waxba nooma kala duwana, ujeedka dagaalkeena kuma xirna shaqsiyaad, ee waxay ku xiran tahay mabda’,” ayuu mar kale yiri Afhayeenka Guud ee Ururka Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raagge (Cali Dheere).

Ugu dambeyntii Afhayeenka Guud ee Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raagge (Cali Dheere) waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeyeen Dagaalyahanada Ururka Al Shabaab si meesha loogu saaro dowladda Cusub.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip