Ku Dhawaad 60 Ruux Oo Cudurka Shuban Biyoodka Ugu Geeriyootay Ow-dhiinle

0
Saturday March 04, 2017 - 12:26:24 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1409
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ku Dhawaad 60 Ruux Oo Cudurka Shuban Biyoodka Ugu Geeriyootay Ow-dhiinle

    Wararka naga soo gaaraya Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in saacadihii aynu soo dhaafnay Deegaano hoostaga Degmada Ow-diinle ee Gobolkaas ay ku Geeriyoodeen in ka badan 65 ruux oo caruur u badan, kadib markii uu soo ritay cudurka Shuban Biyoodk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in saacadihii aynu soo dhaafnay Deegaano hoostaga Degmada Ow-diinle ee Gobolkaas ay ku Geeriyoodeen in ka badan 65 ruux oo caruur u badan, kadib markii uu soo ritay cudurka Shuban Biyoodka.

Maamulka Degmada Ow-diinle ee Gobolka Baay oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dadka Geeriyooday ay u badan yihiin caruur islamarkaana uu soo ritay cudurka Shuban Biyoodka oo dhawaan ka dilaacay Deeganada Gobolada Baay iyo Bakool ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

Maamulka Degmada Ow-diinle ee Gobolka Baay waxa uu sidoo kale sheegay in 10 kamid ah dadka dhintay ay Geeriyoodeen galabnimadii shalay aheyd kadib markii ay heli waayeen daawooyinkii loogu talagalay shubka.



Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip