Ku soo dhawaada Aqalka Golaha shacabka.

0
Tuesday August 15, 2017 - 15:57:19 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 6261
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ku soo dhawaada Aqalka Golaha shacabka.

    Xaruunta Golaha shacabka oo ah halka ay fadhiistaan xildhibaanada qaranka oo ah hayada ugu sareeysa sharci dajinta qaranka.ilinka hore waxaa ku qoran ku soo dhawaada ( welcome). Alabaabkani waxa uu ku soo xasuusinayaa, sawirkii caanka ahaa ,khiyaalig

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaruunta Golaha shacabka oo ah halka ay fadhiistaan xildhibaanada qaranka oo ah hayada ugu sareeysa sharci dajinta qaranka.ilinka hore waxaa ku qoran ku soo dhawaada ( welcome). Alabaabkani waxa uu ku soo xasuusinayaa, sawirkii caanka ahaa ,khiyaaligana ahaa ee dhawr qarni ka hor farshaxaniiste Devinji ,uu sawiray Naarta ,kadibna irida uu uga dhajiyay Tabeele weeyn oo ay ku qoran tahay " kuwa Galayoow isla hilmaama raja kasta oo ah inaad ku dhax badbaadiin" .

Waxa uu aqalku lahaa laba Hool oo waaweeyn oo lagu shiro, iyo kan weeyn oo xildhibaanadu fadhiisan jireen oo u dhisan sida baarlamaanada aduunka ( waxaa dhisay EU) oo qofka hortaada fadhiyo kaa qarin maaya waxa hortaada ah, kaa badalkiisa waxaa la dayac tiray hoolkii hanuuninta waxaa loo fadhiyaa garba siman, qofka ku hor fadhiyo ayaa kaa qarinayo muuqaalka hortaada ah,waxaa la dhigay kuraastii baararka .

Aqalka Ummada waa la dayac tiri karaa haddi xildhibaan kasta hal bil oo kaliya mushaarkiisa laga jaro $1000. Muuqaalka dibada oo aad u fool xuna waa is badali lahaa.Taa laga sugi maayo, ee beel kastaba qofka ay soo dirsatay haka dhiibto $10 bishiiba.

( Baarlamaanka muuqaalkiisa iyo xildhibaanadu waa isku eg yihiin. Qofkii musqul ku dhax fekera barambaro ayuu kaaga sheekeeyaa, gurigaas qofkii ku dhax fekerana…...iyo Mooshin.) War aqalka aan quruxsano,oo dad aragti qurxoona aan keesano waaye taladeeydu ee xumaan ha u qaadan.

Isbar bar dhig 8da sawir ee baarlamaanka hadda iyo 8da sawir ee baarlamaankii hore. Xildhibaanoow xaal qaado, hadaad iga xanaaqdiin yaan mooshin la iga keenin.

Qore: Yahya Amir


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip