Ra'iisul Wasaaraha iyo Madaxda Maamul Gobolleedyada oo warbixino ka dhageystay Guddiga Gurmadka Abaaraha

0
Sunday April 16, 2017 - 22:09:20 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1699
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaaraha iyo Madaxda Maamul Gobolleedyada oo warbixino ka dhageystay Guddiga Gurmadka Abaaraha

    Muqdisho, Abriil 16.2017-------Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Madaxda Maamul Gobolleedyada, Puntland, Jubbaland, Koonfur-Galbeed, , Ku-simaha Madaxweynaha Galmudug, Hirshabeelle iyo Guddoom

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho, Abriil 16.2017-------Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Madaxda Maamul Gobolleedyada, Puntland, Jubbaland, Koonfur-Galbeed, , Ku-simaha Madaxweynaha Galmudug, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddiga Gurmadka Abaaraha, waxana ay warbixino la xiriira wax yaabihii u qabsoomay ay siiyeen madaxda.

Sheekh Nuur Baaruud oo ku hadlayay magaca Guddiga gurmadka abaaraha ayaa tilmaamay in mudadii saddexda bilood ee guddiga shaqeynayay lacagihii ay qabteen badan keeda ay gaarsiiyeen dadka dhibaataysay, wuxuna si gaar ah mahad uga celiyey cid walba oo gacan ka geystay gurmadka.

Qaar ka mid ah Madaxda maamul gobolleedyada ayaa ku ammaanay Guddiga gacanta ku haya gurmadka Abaaraha sida ay u dhawrayaan ammaanada loo dhiibay, waxayna sheegeen in loo baahan yahay guud ahaan dadka Soomaaliyeed ay isku tashadaan si looga maarmo kaalmo shisheeyo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay muujiyeen isku tashi, isagoo tilmaamay in gurmadkani uu ka turjumayo soo noqoshada kalsoonidii ay isku qabeen bulshada Soomaaliyeed.

"Si looga tabaabusheysto inay soo laabtaan abaaraha, xukuumadu waxay abuuri doontaa mashruucyo lagu horumarinayo beeraha iyo wax soo saarka, sidoo kalena waxay sameyn doontaa biyo xireeno, si looga faa’iideysto xilliga jiilaalka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka hadlayay markii uu soo dhamaaday kulanka.

----DHAMMAAD----
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip