Qaraxaan oo lala eegtay. gaariga agaasimaha dallada iskaashatooyinka Kalluumeysiga HIBO ayaa sababay burburka gaariga iyo dhaawac kasoo gaaray dad shacab ah oo marayay wadada halka agaasimaha uu daqiiqad un kahor uu ka degay gaariga isagoo gudaha ugalay xafiiskiisa dalada hibo ee kuleedahay Degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa kadib ayaa ciidanka waxaa ay sameeyeen hawl galo ay ku baadi goobayaaan dadkii ka dambeeyey qaraxaasi, hasa yeeshe ciidamada qeybtooda uqaabishan walxaha qarxa ayaa xaqiijiyay iney ahaayeen miinada meelaha fog fog laga hago.
Qaraxyadan noocan ee inta badan lala bartilmaamedsado mas’uuliyiinta dawlada KMG-soomaaliya iyo madaxda ururada u ololeeyay arimaha bulshada.
Qaraxa lala eegtay gaariga agaasimaha ayaa waxa uu tusaale cad uyahay iney wili jirto in kooxda alshabaab ee qaraxyo iyo dilal qorsheysan ka fulin karaan magaalada Muqdisho.
Warar aanu kahelnay ilo kudhow dhow agaasimaha ayaa sheegaya in baryihi danbe ee jirtay digniino xoogan oo kaga imaanayay kooxda Alshabaab taasi oo laba jibaarsatay kadib marki lagu arkay SNTV muuqalo uu qeyb kayahay agaasimaha iyo waliba sawiro laga helay warbahinta qaar isaga oo lagu eedeeyay in uu la shaqeeyo dowlado ajnabi ah, heyado calami ah iyo cidamada shisheeye oo eey wadajir ah ushaqeyan dallada Hibo iyadoo sidoo kale ee jiraan ururo caalami ah oo reer galbeed ah oo ee wada fuliyeen dallada mashaariic taasi oo noqotay talaabo kasii careysiiyay kooxda Alshabaab oo indhawaalaba usoo diraysay fariimo ee ugu digayeen agaasime Cali Maxamed Cabdiraxman inuu faraha kala baxo howlahu kujiro iyadoo ugu dambeentina noqotay mid loogu hanjabo dil taasi oo sababtay in agaasime cali miino loogu xiro gaarigiisa balse ka badbaaday.
Dilalka qorsheysan ee kadhaca magaalada Muqdisho ayaa ah kuwa halkoodi kasii socda iyadoo hay'adaha amniga kushaqada leh ee dowlada Soomaaliya ee ku guuldareesteen in wax badan ee ka qabtaan kooxahaan dad qalatada ah ee had iyo jeer gumaada indhaha shacabka kuwaasi oo dharaar cad lagu toogto gudaha magaalada Muqdisho.
Agaasimaha dallada iskaashatoyinka Kalluumeysiga HIBO oo ka bad baaday qarax miino oo loogu xiray gaarigiisi.
Qaraxaan oo lala eegtay. gaariga agaasimaha dallada iskaashatooyinka Kalluumeysiga HIBO ayaa sababay burburka gaariga iyo dhaawac kasoo gaaray dad shacab ah oo marayay wadada halka agaasimaha uu daqiiqad un kahor uu ka degay gaariga isagoo gudaha uga