Maamulka iyo Shacabka Gobolka Banaadir oo olale nadaafadeed ka sameeyey Muqdisho Stadium

0
Wednesday August 29, 2018 - 02:56:13 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1510
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka iyo Shacabka Gobolka Banaadir oo olale nadaafadeed ka sameeyey Muqdisho Stadium

    Masuuliyiinta Maamulka iyo Shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir ayaa isu soo baxa ka sameeyey garoonka Muqdisho Stadium, kaddib markii ay banneeyeen Ciidamaddii AMISOM ee halkaas horey u deganaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuuliyiinta Maamulka iyo Shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir ayaa isu soo baxa ka sameeyey garoonka Muqdisho Stadium, kaddib markii ay banneeyeen Ciidamaddii AMISOM ee halkaas horey u deganaa.

Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir Marwo Basmo Caamir Axmed ayaa uga mahad celisay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed sida ay uga go’an tahay in dib loo soo nooleeyo garoonka ciyaaraha ee Muqdisho Stadium oo safka hore kaga jiray garoommada Qaaradda Afrika.

"Muqdisho Stadium waxa uu noqday sannadkii 1980kii, Garoonka ugu caalamisan Qaaradda Afrika, maantana waan awoodnaa in aan halkaas mar kale gaarno, kaliya waxaan u baahannahay in qof kasta oo Soomaaliyeed uu kaalintiisa ka qaato qorshaha dib u dhiskiisa.” Ayey tire Gudoomiye Basmo.

Sidoo kale, Guddoomiye Kuxigeenku waxa ay tilmaamtay dadaallada qorsheysan ee Maamulka Gobolka Banaadir uu ku bixinayo dib u soo celinta iyo dib u dhiska goobaha bulshada, si loo xoojiyo isdhexgalka iyo deris wanaagga.

Inta uu socday isu soobaxaani, shacabkii iyo masuuliyiintii ka soo qeyb galay ayaa waxa ay sameeyeen olale nadaafadeed oo ay ku soo celinayaan bilicda garoonka, iyagoona muujiyey rajada ay qabaan ee ku aaddan in dib loo furo Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho Stadium iyo soo celinta kaalinta uu ku lahaa ciyaaraha heer Gobol iyo heer Qaaradeedba.

Isu soo baxaan loogu dabaal dageyey la soo wareegidda Garoonka Qaran ee Ciyaaraha (Muqdisho Stadium) ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyeyaasha Ciidanka Xoogga Dalka, Asluubta iyo Booliska, Guddiga Difaaca Baarlaamanka Federaalka Soomaaliya, Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip