Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya oo qaabilay Madax Caalami ah

0
Sunday September 30, 2018 - 14:28:48 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1035
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya oo qaabilay Madax Caalami ah

    Wasiirka Boostada Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng. Cabdi Cashuur Xasan ayaa maanta waxa uu xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Bankiga Adduunka oo uu hoggaaminayay Niraj Varma oo ah mas'uulka Bariga Africa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Boostada Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng. Cabdi Cashuur Xasan ayaa maanta waxa uu xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Bankiga Adduunka oo uu hoggaaminayay Niraj Varma oo ah mas'uulka Bariga Africa ee mashaariicda Maaliyadda iyo Teknoolojiyada.

Waxaa ay ka wada hadleen labada dhinac arrimo badan oo ay kamid yihiin sidii ay uga wada shaqeyn lahaayen horumarinta isgaarsiinta iyo teknolojiyada Soomaaliya iyo waxyaabaha laga baran karo qorsheynta, fulinta mashruucii taakuleynta ICT ee soo socday 2014-2018.

"Bankiga Adduunka lagu saleeyo baahida dalka iyo dadka, balse aysan noqon sidii kuwii hore ee kor laga soo go'aamin jiray oo aan inta badan laga fekeri jirin sida ay ku sii baahida loo qabo iyo sida uu ku sii socon karo,ayuu yiri Eng. Cabdi Cashuur Xasan.

Wasiirka Boostada Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Soomaaliya ayaa tilmaamay in shacabka iyo Dawladda Soomaaliyeed ay leeyihiin cidda go'aamineysa in waxa lala qabanayo Bankiga Adduunkana laga doonayo inuu dalabkaas ka eego inuu waafaqsan yahay hawlaha ay u igman yihiin iyo inay miisaaniyad u hayaan.



Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip