Howlgal saakay ka socda Magaalada Boosaaso

0
Thursday October 04, 2018 - 08:49:00 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 998
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Howlgal saakay ka socda Magaalada Boosaaso

    Waxaa saakay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ka socdo howlgal ay ay sameeynayan Ciidamada amaanka Maamulka Puntland,kadib markii halkaasi uu dil ka dhacay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa saakay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ka socdo howlgal ay ay sameeynayan Ciidamada amaanka Maamulka Puntland,kadib markii halkaasi uu dil ka dhacay.

Ciidamada amaanka Maamulka Puntland ayaa waxa ay howlgalkan si gaar uga wadaan Xaafadda Raf iyo Raaxo ee Bariga Magaalada Boosaaso oo dil loogu geystay qof shacab ah.

Dadka deegaanka Boosaaso ayaa waxa ay inoo sheegeen in qofka la dilay lagu Magacaabi jiray Allaha u naxariisteen Siciid Maxamed Maqadeeye.

Sidoo kale Marxuum Maqadeeye ayaa waxaa la sheegay in uu ka tirsanaa Guddiga iskaashatada Gaadiidleyda Magaalada Boosaaso.

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa labo habeen ka hor koox hubeysan afar qof oo Itoobiyaan ah ay ku dileen Boosaaso,iyadoo dilkaasi ay Mas’uuliyadiisa sheegatay Daacish.




Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip