Wax badan ka Ogow Wada hadal dhexmaray Soomaaliya iyo UNHCR + Sawirro

0
Thursday October 04, 2018 - 10:06:58 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1318
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax badan ka Ogow Wada hadal dhexmaray Soomaaliya iyo UNHCR + Sawirro

    Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa kula kulmay Magaalada Geneva ee Switzerland Guddoomiyaha hey'adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobey (UNHCR) M

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa kula kulmay Magaalada Geneva ee Switzerland Guddoomiyaha hey'adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobey (UNHCR) Mudane Filippo Grandi kaas oo looga hadlay Arrimaha Qoxootiga Dalka Liibiya.

Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa sidoo kale kala hadlay Filippo Grandi barnaamijka dib ugu celinta dalka si iskeed ah qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Kenya, Yemen iyo Liibiya,islmarkaana kaalmo u fidin degdeg ah loo lala gaari lahaa qaxootiga kahor intaanan dalka dib loogu celin iyo kadibba.

Kulankan shalay ka dhacay magaalada Geneva waxaa goobjoog ka ahaa Ergeyga Joogtada ee Soomaaliya u qaabilsan Xarunta Qaramada Midoobey ee Geneva, Marwo Faadumo Cabdullahi Maxamuud (Insaaniya), Safiirka Soomaaliya ee wadamada la isku yiraahdo "Benelux” iyo Xarunta Midowga Yurub ee Brussels Dr. Cali Siciid Faqi, Guddoomiyaha Hey’adda Qaranka ee Arrimaha Qaxootiga iyo Barakacayaasha, Mudane Axmed Cabdikarim Nuur (Axmed-Daahir) iyo Ergeyga gaarka ee Soomaaliya ee Tahriibka iyo Xuquuqda Caruurta, Marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf.



Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip