Shir Muhiim ah oo markii ugu horeysay Maanta ka furmaya Muqdisho

0
Saturday October 27, 2018 - 10:09:56 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1184
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shir Muhiim ah oo markii ugu horeysay Maanta ka furmaya Muqdisho

    Magalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa Maanta markii ugu horeysay ay martgelineysaa,isla markaana lagu qabanayaa Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka oo ay ka qeyb galayaan Madaxda in ka badan 15 wadan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa Maanta markii ugu horeysay ay martgelineysaa,isla markaana lagu qabanayaa Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka oo ay ka qeyb galayaan Madaxda in ka badan 15 wadan.

Wafuud ka socota Dalal badan oo xubno ah ururka Islaashiga Islaamka ee OIC ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ka qayb galaya shirkaan.

Shirkan ayaa diirradda lagu saari doonaa sidii loo xoojin lahaa xasilloonida ka jirta Soomaaliya oo ka soo kabanaysa Sanado badan oo ay xaalado amni xumo ka jireen iyo taageerada Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Sudan, Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Kuwait iyo Mas’uuliyiin ka kala socota Azerbaijan iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa saakay ka soo degay garoonka diyaaradaha Muqdisho Waxaana Halkaas Ku dhoweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda.

Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka iskaashiga Islaamka ayaa ka kooban Dalalka kala ah;

Azerbaijan, Brunei, Djibouti, Egypt, Gabon, Iran, Kuwait, Malaysia, Pakistan, Qatar, Saudi Arabia, Sudan, Turkey, UAE iyo Yemen, waana markii ugu horreysay ee ay Soomaaliya marti geliso shir caynkan oo kale ah tan iyo xilligii la asaasay Ururkan 1972-kii.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip