Wararka naga soo gaaraya Saakay Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi xalay uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidamo kala taabacsan maamulada Soomaaliland iyo Puntland.
Dagaalkan ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Laagta-xagarta oo ka tirsan Gobolka Sool,waxaana dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Sidoo kale waxaa la sheegay in dagaalka uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray laba dhinac ee dagaalamay.
Dadka deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa saakay inoo sheegay in xalay saqdii dhexe ay maqlayen dhawaqa Rasaas culus,ayna weli is hor-fadhiyaan Ciidamada labada dhinaca.
Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxaa dhowr jeer ku dagaalamay Ciidamo kala taabacsan maamulada Soomaaliland iyo Puntland,kuwaasi oo sababay Khasaaro kala duwan.
Dagaalkan ayaa kusoo aadaya xilli shalay iyo maalin ka hor uu Magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe kula kulmay Madaxweyneyaasha Soomaaliland iyo Puntland Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom,isagoona sheegay in ay ka wada hadleen xiisadda ka taagan deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.
Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Tukaraq
Wararka naga soo gaaraya Saakay Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi xalay uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidamo kala taabacsan maamulada Soomaaliland iyo Puntland.