Ciidamada amniga dowlada oo howlgal culus ka fuliyay Duleedka Muqdisho

0
Sunday November 11, 2018 - 11:47:09 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1149
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada amniga dowlada oo howlgal culus ka fuliyay Duleedka Muqdisho

    Ciidamada ammaanka dowlada federaalka Soomaaliya kuwa Booliska ayaa xalay waxa ay howlgalo ka sameeyeen Duleedka Magaalada Muqdisho,halkaasi oo maalmihii la soo dhaafay ay ka dhaceen dilal qorsheysan oo loo geystay dad isugu jiray Askar iyo dad shaca

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada ammaanka dowlada federaalka Soomaaliya kuwa Booliska ayaa xalay waxa ay howlgalo ka sameeyeen Duleedka Magaalada Muqdisho,halkaasi oo maalmihii la soo dhaafay ay ka dhaceen dilal qorsheysan oo loo geystay dad isugu jiray Askar iyo dad shacab ah.

Ciidamada amniga ayaa sigaar ah howlgalka uga sameeyay deegaanada KM13 iyo Garasbaaley ee Duleedka Muqdisho,iyagoo aad u baarayay guryo bartilmaameed u ahaa Ciidamada.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa ay u sheegeen in ciidamada ay baarayeen guri guri, iyagoona dadka su’aalo weydiinayay.

Howlgalka ay sameynayeen Ciidamada dowlada ayaa intii uu socday waxa ay kusoo qab qabteen dad u badan dhalinyaro,kuwaasi qaarkood la sheegay inay hore u wateen Ciidamada.

Ilaa iyo hadda ma jirto wax war oo kasoo baxay Sakaariisha Ciidamada Booliska Soomaaliya oo ay uga hadlayaan howlgalkii ay ka sameeyeen deegaano ku yaalla duleedka Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

Shalay ayey aheyd markii kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ay deegaanka Waydoow ee Duleedka Muqdisho ku dileen laba Askari oo ka tirsanaa Ciidamada dowlada Soomaaliya,isla markaana xalay sidoo lagu toogtay deegaanka Waydoow ee Duledka Muqdisho Nin ka tirsanaa Ergadii Doorashada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip