NISA oo Muqdisho ka fulisay Howlgal Culus & Nin Halis ah oo lagu qabtay

0
Wednesday November 14, 2018 - 12:38:48 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 998
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    NISA oo Muqdisho ka fulisay Howlgal Culus & Nin Halis ah oo lagu qabtay

    Ciidamada Amniga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku soo dhigay Xubin ka tirsan Argagixisada Daacish, sida uu sheegay Taliska NISA.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Amniga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku soo dhigay Xubin ka tirsan Argagixisada Daacish, sida uu sheegay Taliska NISA.

War kooban oo kasoo baxay Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in qabashada Dhagar qabahan ka tirsan Daacish ay dhantaaleyso marinada dhaqaale ee ISIS maadaama uu u qaabilsanaa kala gudbinta Dhaqaalaha.

"Ciidamada Amniga ayaa fiidnimadii xalay oo ku beegan 13-ka Nofembar 2018, Magaalada Muqdisho kasoo qabtay shakhsi Ururka ISIS ee Soomaaliya iyo Xagjirka wadamada kale ka jira u kala gudbin jiray dhaqaalaha, Qabashada shakhsigan ayaa dhantaalaysa marinada dhaqaale ee ISIS”.ayaa lagu yiri war kooban oo lasoo dhigay Twitterka NISA.

Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada Dalka waxaa ka socda Howgalo ay wadaan Ciidamadda Hay’adda nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka iyagoona gacanta kusoo dhigay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad qorsheynayay inay waxyeelo u geystaan Shacabka Soomaaliyeed.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip