Koloneyl Gabre oo xabsiga la dhigay & Dowlada Soomaaliya oo soo dhaweysay

0
Saturday November 17, 2018 - 07:00:22 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1080
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Koloneyl Gabre oo xabsiga la dhigay & Dowlada Soomaaliya oo soo dhaweysay

    Kadib markii xabsiga loo taxaabay Col. Gebregziabher Alemseged oo ku magac dheer Koloneyl Gabre oo si weyn ay u yaqaanaan dadka Soomaaliyeed ayaa waxaa soo dhaweysaya xarigiisa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib markii xabsiga loo taxaabay Col. Gebregziabher Alemseged oo ku magac dheer Koloneyl Gabre oo si weyn ay u yaqaanaan dadka Soomaaliyeed ayaa waxaa soo dhaweysaya xarigiisa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Cabdin-nuur Maxamed Axmed oo ah Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in dowlada Federaalka Soomaaliya la dhacsan tahay xabsiga loo taxaabay Koloneyl Gabre,kaasi oo si weyn Soomaaliya looga yaqaano.

War kooban oo uu soo dhigay Cabdin-nuur barta Twitter-ka ayaa waxaa lagu yiri "Waa akhbaar wanaagsan in Itoobiya lagu xiray Koloneyl Gabre oo xumaan ku caanbaxay. Waa nin muddo dheer ku lug lahaa oo faragelin iyo xasillooni-darro ku hayay Soomaaliya. Xariggiisu waxa uu muujinayaa sida ay Itoobiya uga go’an tahay deganaanshaha geeska Afrika”.

Arrintaan ayaa waxa ay kusoo aadeysa,iyadoo warara soo baxay ay tilmaamayan in Codsi ka yimid Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo lagu xiray kolneyl Gabre,in kastoo aan si dhab loo xaqiijin karin wararkaasi.

Koloneyl Gabre, tacadiyada loo heysto waxaa ka mid noqon kara xad-gudub xuquuqda Aadamaha iyo ku lugyeelashada dibadbaxyadii qalalaasaha watay ee ka dhigay meelo ay ka mid tahay magaalada Jigjiga.

Koloneyl Gabre oo hore u ahaa taliyihii ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya soo galay sannadkii 2007, ayaa mar kasta ku lug lahaa arrimaha gudaha balse bishii June ee sannadkan ayaa laga eryay la-talintii IGAD ee arrimaha Soomaaliya
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip