Faah faahin Kasoo Baxeyso Qarax Xoogan oo Muqdisho kadhacay

0
Tuesday April 20, 2021 - 11:07:20 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 526
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah faahin Kasoo Baxeyso Qarax Xoogan oo Muqdisho kadhacay

    – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qaraxa nooca miinada ah oo goordhow ka dhacay wadada Daarulsalaam ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho, kaas oo geystay khasaare isugu jiri dhimashi iyo dhaawac.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

– Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qaraxa nooca miinada ah oo goordhow ka dhacay wadada Daarulsalaam ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho, kaas oo geystay khasaare isugu jiri dhimashi iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa mid aad u xoogan lala bartilmaameedsaday guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadde ee maamulka degmada Dayniile, Cabdi Maxamed Maxamuud, kaas oo lasoo wariyey dhaawac culus uu kasoo gaaray qaraxaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya inay jirto dhimasho ka dhalatay qaraxan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amnmaanka Soomaaliya.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa aad u kacsan, waxaana socda gurmad deg-deg ah oo loo fidinayo dadka ay waxyeelada kasoo gaartay miinadaasi.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada Dayniile oo ku aadan dhacdadaasi.

Qaraxan ayaa qeyb ka noqonayo falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo iyo sidoo kale dilal qorsheysan oo qaarkood ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip