Warbaahinta Soomalida qaar oo u hogaansamayey amar uga yimid ururka Al-shabaab..

0
Thursday May 28, 2009 - 14:32:27 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 872
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbaahinta Soomalida qaar oo u hogaansamayey amar uga yimid ururka Al-shabaab..

    Idaacadaga FM-ka ee magaalada Muqdisho ayaa u hogaansamay amar uga yimid Ururka Al-shabaab oo ahaa inay ugu yeeraan magaca Xarakada Shabaab Al-mujaahidiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Idaacadaga FM-ka ee magaalada Muqdisho ayaa u hogaansamay amar uga yimid Ururka Al-shabaab oo ahaa inay ugu yeeraan magaca Xarakada Shabaab Al-mujaahidiin.

Kadib markii uu afhayeenka cusub ee ururka Al-shabaab ku amaray idaacadaha Muqdisho inay ugu yeeraan magacaas ama ay magacooda u daayaan ayey idaacadahu qaateen amarka Afhayeenka oo ay ururka Al-shabaab ugu yeereen magaca Xarakada Shabaab Al-mujaahidiin.

Idaacadaha ayaa si aan laablaab laheyn ugu hogaansamay amarka Al-shabaab oo wixii markaa ka dambeeyey waxay ku dhawaaqayeen magaca saxda ah ee ururka Al-shabaab ee ah Xarakada Shabaab Al-mujaahidiin.

Cali Dheere afhayeenka Al-shabaab ayaa ku eedeeyey idaacadaha inay iibsan yihiin oo ay u adeegayaan wax uu uu yeeray cadowga Ilaahay, waxaana uu uga digay in hadda kadib aysan ururka Al-shabaab ugu yeeri karin magac aan kaas aheyn.

Warbaahinta Muqdisho gaar ahaan idaacadaha ayaa horey uga madax adeegay amaro ay siiyeen saraakiil katirsan Al-shabaab oo ahaa inay ugu yeeraan magaca, lamase oga waxa xiligaan ku soo beegay inay s toos ah ugu hogaansamaan amarka uga yimid urruka Al-shabaab.
 
 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip