1-Su’aal Sheeg Magaca Abaan-duulaha Cali Bin Abii Daalib Rc?
1-Jawab: Waxaa la-yiraahdaa Malik Ashtar Rc.
2-Su’aal Sheeg Kumuu ahaa Macalinkii ugu horeeyey ee reer Madiina Qur’aanka Baray?
2-Jawab: Waa Muscab Bin Cumeyr Rc.
3-Su’aal Sheeg Magaca Nebi Luud Aabihii ?
3-Jawab: Waxa weeye Haaraan, Wuxuuna ladhashay Nebi Ibraahim Cs.
4-Su’aal Sheeg Magaca Magaaladda uu ku dhashay Abuu-bakar ?
4-Jawab: Wuxu ku dhashay Magaaladda Maka (Makkah).
5-Su’aal Sheeg Magaca Magaaladda uu ku dhashay Abuu Xaniifa Rc?
5-Jawab: Wuxu ku dhashay Magaaladda Kuufa ee dalka Ciraaq.
5-Su’aal Sheeg Sanadkii uu dhashay Abii Xaniifa ?
5-Jawab: Wuxu dhashay 80-kii Hijriyadda.
6-Su’aal Sheeg Magaca Magaaladda uu ku aasan yahay Abuu Xaniifa?
6-Jawab: Wuxu ku aasan yahay Magaaladda Baqdaad ee dalka Ciraaq.
7-Su’aal Sheeg Sanadkii uu dhintay Abuu Xaniifa ?
7-Jawab: Wuxu dhintay Sanadkii 150 Hijriyadda, da’diisuna waxay aheyd 70 Sano.
8-Su’aal Sheeg yaa u qaada jirka Oxygen-ka iyo Nafaqada?
8-Jawab: Waxaa u qaada Dhiiga.
9-Su’aal Sheeg waa imisa lafaha hadalka loo adeegsado?
9-Jawab: Waa 44 lafood.
10-Su’aal Sheeg qanjirka ugu weyn Bili’aadanka
10-Jawab: Waa beerka.
11-Su’aal Sheeg Qudrada Imisa ayaa biyo ah?
11-Jawab: Waxa biyo ah 20%. Boqolkiiba Labaatan.
12-Su’aal Sheeg tirade dowladaha aan Badda laheyn?
13-Jawab: Waa 26 dowladood.
14-Su’aal Sheeg dhererka Badda Cas?
14-Jawab: Waxaa weeye 2240 km.
Dhex-taal Gaaban.
Haddii aan dib idin xusuusino 6-dii su’aaladood ee aan idin weydiinay jimcihii la-soo dhaafay.
Waxay kala ahaayeen”
1-Su'aal Sheeg Aayada Kulmisa dhamaan xuruuruf hijaa'iga?
2-Su'aal Sheeg Yaa lagu soo dejiyey Kutubta Injiil?
3-Su'aal Sheeg imisa kiilo meter ayuu godka Xiraa u jiraa Magaalada Makka (Makkah)?
4-Su'aal Sheeg Magaca loo-yaqaano Neefka Caanaha Badan?
5-Su'aal Sheeg Magaca loo-yaqaano Neefka Caanaha Yar?
6-Su'aal Sheeg Kumuu ahaa Aabihii Ciidan Soomaaliyadeed?
Jawaabaha waxay kala yihiin”
1-Jawab: Waa Suuratul Fatax.
2-Jawab: Waxa lagu soo dejiyey Nebi Ibraahim Cs.
3-Jawab: Wuxu u jiraa 5 kiilo mitir.
4-Jawab: Waxa loo-yaqaanaa Madi.
5-Jawab: Waxa loo-yaqaanaa Badho.
6-Jawab: Waxa loo-yaqaanaa General Cabdule Xersi (General Daa’uud)
Ugu danbeen waxaa u maahad celineenaa dadkii ka soo wada jawaabay iyo kuwii jawaabaha qaar ka soo saxay. Iyo kuwii isku dayey iney ka soo jawaabaan balse aanan haleelin jawaabaha. Dadkaasi waxaanu lee-nahay maanta haddii aad qaladeen Insha’allah beri ayaad sixi doontaan.Sidoo kale dadka ku cusub barnaamijkaan aan ugu magac-darnay Kororso Aqoontaada Su’aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud. Haddii aad u baahan tihiin barnaamijkaan inaad ka qeeb-qaadataan, Si’aad u heshaan casharadii idin dhaafay , Waxaad kala soo xiriiri kartaan baashi053@hotmail.com Si’aad u heshaan dhamaan casharadii horey idin dhaafay. Anagana waxaa idin balan qaadeynaa inaad heshaan dhamaan casharadii horey idin dhaafay Insha’allah.
Hadaba 6-da su’aaladood iyo jimcaha soo socda. Hal isbuuc ayaad heesataa shaqo wanaagsan. Adiga oo isticmaalaaya maskax dagen, maxaa yeelay su’aalaha aan idin weydiin doono. Waxay la socdeen casharadii hore.
1-Su'aal Sheeg imisa sano ayey dacwadu (Fidinta diinta) Qarsoodi ehayd?
2-Su’aal Sheeg dagaalkii Beder Muslimiinta imisa ayaa ka shahiiday?
3-Su’aal Sheeg baarlabaankii ay ku shiri jireen kufaartii qureysheed maxaa la oran jiray?
4-Su’aal Sheeg mid kamid ah gobolada dalka soomaaliya haddii laga reebo xarafka hore wuxuu Noqonaayaa wax carfoon.
5-Su'aal Sheeg mid kamid ah gobolada dalka soomaaliya haddii laga reebo xarafka hore wuxuu noqonaayaa mid kamid ah dalalka caalamka?
6-Su’aal Sheeg Masaajidka ugu faca-weyn ee ku yaala degmada C/casiis ee magalada moqdisho Sanadkii ladhisay ?
Dabcan su’aalahaan iyo jawaabahoodaba horey ayaan u soo daabacnay. Waxayna la-socdeen casharadii aan soo qaadanay
Jawaabaha waxaad ku soo hagaajin kartaan
gacal053@hotmail.com
Waxaa isku soo daba-riday Xasan Cabdi Xersi (Xasan Cadde)
Email: adde053@hotmail.com
Kuala Lumpur Malaysia….
Kororso Aqoontaada Su’aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud Qeybtii 22-aad
Waa barnaamijkii aad inooga barateen jimco walbo. Wuxuuna xanbaarsan yahay macluumaad fara-badan ee bal kaalay oo inala faa’iideyso.