Taariikh Nololeedkii Allaah Unaxariistee Garsoore Cabdi C/llaahi Calasow

0
Friday August 08, 2008 - 12:03:21 in Sports by Xarunta Dhexe
  • Visits: 4870
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikh Nololeedkii Allaah Unaxariistee Garsoore Cabdi C/llaahi Calasow

    Allaah Unaxariistee Garsoore Cabdi C/llaahi Calasow waxa uu ku dhashay Sanadkii 1968 Degmada Boondheere ee Gobolkan Banaadir, Isagoo Waxbarashadiisa Dugsiyada Hoose/ Dhexe iyo Sare kusoo Qaatay Dugsiga General Da’ud ee Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allaah Unaxariistee Garsoore Cabdi C/llaahi Calasow waxa uu ku dhashay Sanadkii 1968 Degmada Boondheere ee Gobolkan Banaadir, Isagoo Waxbarashadiisa Dugsiyada Hoose/ Dhexe iyo Sare kusoo Qaatay Dugsiga General Da’ud ee Magaalada Muqdisho.


 


Ex, Garsoore Cbadi C/llaahi Calasow iyo Aabaha Garsoorayaasha Soomaaliyeed iyo Afrikaba Mudane Faarax Sendiko



Garsoore Cabdi C/llaahi Calasow oo ahaa Halyeey Isboorti ayaanu Taariikhdiisa ku qaadaa dhigi doonaa Sooyaalkiisa Quruxda Badnaay ee bahweynta Isboortiga Soomaaliyeed .

Allaah Unaxariistee Garsoore Cabdi C/llaahi Calasow Waxa uu Isboortiga kusoo biiray Yaraantiisi Isagoo ka Cayaari jiray Garoomada Yar yar ee Xaafadaha loona Yaqaan (Bacaadka), Isagoo durba noqday Raga ugu fir fircoonaa Dhalinta Jiilkiisa eheed ee Isku Xaafada ahaayeen Isla Markana ahaa Kabtanka Ama abaabulaha Dhalinyarada.


Kadib Allaah Unaxariistee Cabdi C/llaahi Waxa uu usaftay Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare ee General Da’ud Isagoo uga Cayaarayay dhanka weerarka waxa uuna noqday Gool dhaliye aad loola dhacay.

Wixi ka dambeeyay Xiligaasi Cabdi C/llaahi Calasow waxa uu ka mid noqday Dhalinyaradii ku tilmaamneed Xirfadeenta iyo Qaabeenta kubada Cagta oo isaga Cabdi ahaan Heybad gaar ulahaa laguna qiimeen jiray Kubada Cagta.



Allaah Unaxariistee Garsoore Cabdi C/llaahi Calasow waxa uu nasiibka usaamaxay Sanadkii 1988, Bisha Desember 31, in uu ka mid noqdo garsoorayaasha heerka sadexaad ee Sare C” ee udiiwaan gashneed Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta.

Kadib Marki uu tababar soconaayay Mudo Bilooyin ah oo Xiriirka Qaban Qaabiyay oo ka qeyb galay kana mid noqday 27 Garsoore oo ku guuleesatay Imtixaanadi laga qaaday, Tababarkaani ayaa waxa lagu qabtay Dugsiga Sare ee Sheekh Xasan Barsane.


Allaah Unaxariistee Ex Garsoore Cabdi C/llaahi Calasow waxa garsoorka kubada Cagta macalin ugu ahaa Allaah Unaxariistee Garsoore Maxamed Axmed Jaamac (Madadaal), Macalin Garoosre Maxamed Muqtaar Sheekh iyo Garsoore Mowliid Macaani Maxamud.

Inta uu socday Tababarkaani Garsoorenimo, Cabdi C/llaahi waxa uu ahaa mid ka dhax muuqday Ardayda Fasalka uu inta badana ka jawaabi jiray Su’aalaha Macalimiinta waxa uuna ahaa Tusaalaha ee Macalimiinta soo Qaataan iyagoo ku jeclaa go’aan gaaristiisi .


wixi ka dambeeyay xiligaasi Cabdi waxa uu lasoo baxay Bilaawgiisaba Hanaan iyo Rabitaan uu uga hor maray garsoorayaal kaga horeeyay garsoorka kubada cagta .

1990, Cabdi C/llaahi waxa uu ka mid ahaa Garsoorayaasha loo joogteeyay Cayaaraha Gobolada oo lagu qabtay Garoonka Stadium Muqdisho iyadoo aysan ka wada qeyb galeenin Garsoorayaasha isaga ku loodka ahaa.

1992dii ilaa 2000 Ex, Garsoore Cabdi C/llaahi waxa uu wax ka dhax dhaxaadiyay Tartamada uu xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta uu Qabtay.

Sanadkii 2000 bisha November 30keedi Cabdi C/laahi waxa uu ka mid noqday 9 Garsoore oo loo doortay in ay soomaaliya Matalaan oo ay ka mid noqdaan Garsoorayaasha Kubada Cagta Aduunka (FIFA REFEREE) .
Wixi intaasi ka dambeeyay Allaah Unaxariistee Garsoore Cabdi C/llaahi waxa uu ka mid ahaa Garsoorayaasha ay ku faanto Soomaaliya iyo CECAFA, waxa uuna wax ka dhax dhaxaadiyay in ka badan 15 Cayaar oo ka kala dhacday Wadamada, Kenya, Yugaandha, Tanzaniya, Rwanda, Egypt iyo Ithiopia, Isagoo amaan kusoo muteestay Tartamadii uu soo dhax dhaxaadiyay waxa uuna tababar kusoo qaatay Dalka Yeman

 Ex Garsoore Cabdi C/llaahi Calasow Waxa uu ahaa Nolosha mid la qeybsaday Dhamaan Garsoorayaasha Soomaaliyeed isagoo Xiligii Adkaa ee Dagaalada Sukeeya isagoo Degan xaafada Juungal Habeen waliba Waqti danbe ka rawixi jiray Stadium Konis, Taasow ugu wacneed sida uu ujeclaa in waqtiga la qeybsado Garsoorayasha kale ee Xaafadahani Degnaay.

Sidoo kale Ex Garsoore Cabdi C/llaahi Calasow waxa uu ahaa daadihiyaha ugargaara Dhalinta yar yar ee kubadaha ku Cayaara Xaafadaha Isagoo uqaban jiray Jiiroonyo isla markaana Aqoontiisa ugu faa’iideen jiray isagoo hadiyado Gudoonsiin jiray kolka ay idlaaday Tartamada Ceenkaas, Sidoo kalena Dhiira Gelin jiray dhamaan bahweynta Isboortiga una huri jiray Waqtigiisa iyo Hiiladiisa Maal iyo Nafba leh .



Mid ka mid ah Kulamadi ugu Xiisaha Badnaay Tartamadi ramadaanka ee Garoonka Qoobdoore Degmada Kaaraan ee uu soo Abaabulo Ex Garsoore Cabdi C/llaahi Calasow iyo Naadigii United Brothers.

Kabtanka Naadiga United Brothers Gool Haye Kaatamo oo lagudoonsiinayo Koobka ramadaanka ee Garoonka Qoob Doore oo ay Gudoonsiinayaan marti Sharaf Xiriirka ka tirsaneend Gaar ahaa Marxuum Kobey oo halkaa ku casuumay Ex Garsoore Cbadi C/llaahi Calasow.

Kooxdii United Brothers oo Galabtaas udabaal degeesa Koobka Ramadaanka ee QOobdoore iyadoo ay hor kacayaan Cayaartoy Dhowr ah Sida
C/joon, Farxaa, Gaatamow, Cumr Warsheekh,Raambow, Max'ed Cabdi, AX'ed Saqiir,


Allaah Unaxariistee Cabdi C/llaahi ayaa waxa sidoo kale Aad loogu Xasuustaaa Tartamada Joogtada ahaa ee Bisha Ramadaan uu ka qaban jiray Garoonka Qoobdoore ee Degmada Kaaraan oo runtii ahaa Tiirka kaliya ee suura galin jiray Habsami usocodka Tartankaasi .isagoo Tartamo kale oo loogu magic daray Qoriga dhig ee Kubada Cayaar kasameeyay Isla Degmada Kaaraan



Garsoore Cabdi C/llaahi Calasow iyo Hogaankiisi Shirkada Isgaarsiinta Hormuud
.

Garsoore Cabdi C/llaahi Calasow waxa uu ahaa mid bulshada dhankasta ka dhax ifaayay Isagoo sanadkii 2005ta noqday, Madaxii Shirkada Isgaarsiinta Baaxada weyn ee Hormuud Xafiiskeeda W/Muqdisho,

Kadib marki karti iyo Fir fircooni kala soo dhax baxay Mas’uuliyiin isaga Shaqada Shirkada uga horeesya loona gartay in uu daadihiyo Maamulka Shirkadaan Baaxada Weyn ee Hormuud.

Ex Garsoore, Cabdi C/llaahi Calasow ayaa waxa aad loogu Xasuustaa tan iyo Goortii uu Qabtay hogaanka sare ee Shirkada Hormuud ayaa waxa telfoonada Shirkada ee aad iyo aad ugu baaheen dhamaan gobolada loo xilsaaray isagoo si aan caadi aheyn uga haqabtiray dhamaan Macaamiisha Hormuud.

Iyadoo Macaamiisha Shirkada Isgaarsiinta Hormuud ay wehel la ahaayeen Cilado iyo dhibaatooyin Xaga Isgaarsiinta inta uu Cabdi qaban Hogaanka iyadoo Cabdina Saamaxay in ay dhamaan Macaamiisha noqdaan kuwa ku faraxsan Adeegsiga Adeega Shirkada Hormuud iyagoo wheel la noqday .

Ex Garsoore Cabdi C/llaahi Calasow inta uu haayay jagada ugu sareesay Shirkada Hormuud laanteeda W/Muqdisho waxa uu gaarsiiyay adeega shirkada Degmooyin eesan ebed ka howl gilin Shirkada sida Degmooyinka Warsheekh, Cadale, iyo Dhamaan Tuulooyinka Hoos Yimaada oo runtii Adeega Hormuud Aqal Aqal looga Dareemay iyo Goof Waliba hadii ay ahaan leheed Beeraley ama Xowlo Dhaqato.

Sidoo kale Cabdi ayaa marki uu geeriyoonayay waxa uu waday Ololo baaxad leh oo Telfoonada lagu Gaarsiinayo Degmooyinka Telefoon la’aanta Hareesay ee Wadada ee Xeebta ah Marta Degmada Warsheekh ilaa Degmada Ceel Dheer.

Ex Garsoore Cabdi C/llaahi Calasow ayaa sidoo kale waxa uu ku guda jiray Sare uqaadida arimaha bulshada iyo samafalka, Sidoo kalena waxa uu dhismooyin kasameeyay Wadooyin Bur bursan sida Laamiga Isgoyska Sanca ee Degmada Kaaraan.


Allaah Unaxariistee Garsoore Cabdi C/llaahi Calasow waxa uu u ambabixi lahaa dalka Tanzania 04/04/2008 isagoo ka mid ahaa Sadex Garsoore oo Cayaar halkaasi ka dhaceesay soo qaban lahaa waana ay baaqatay .

Hasa yeeshee Qadarta alle ayaa waxa ay tahay mid aan baaqaneen, maalin kadib marki uu safarkaasi Baaqday taariikhdana ku beegneed 5/04/2008 ==7:45,Pm  Saacada Muqdisho, Ayaa kooxo dabley Arxan laawayaal Ahi waxa ay ku toogteen Halyeey Ex Garsoore Cabdi c/llaahi Calasow agagaarka Isgoyska Sanca ee Degmada Kaaraan.


Hadaba waxa halkaan kusoo koobeenaa Taariikhda Halyeyga Isboortiga iyo Nabada Allaah Unaxariistee Garsoore Cabdi C/llaahi Calasow oo taariikhdiisa aan lagu soo koobi Karin Qormo qura .

Soo Gudbinta Qormadaan iyo Sawirada ayaa waxa iska kaashaday Bahda isboorita Shabakada Warsheekh  iyo Xaaji Xuseen Maxamed Maxamud ( Xaji Xusen Islow) oo ahaa Walaalka Marxuum Ex Garsoore Cabdi C/llaahi Calasow .


 W/D: Abdirahman Sheikh Abdullaahi
Webmaster Shabakada Warsheekh
E-mail:
farxad95@hotmail.com Ama webmaster@warsheekh.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip