Cibaar Sheekh Cali oo horey u ahaan jiray xogheynta 1-aad ee Gudoomiyihii Baarlamanka Dowladdii hore ee KMG Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa isagoo ku sugan Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Africa, waxa uu dareenkiisa ku muujiyey sida uu uga xun yahay dalabkan militari ee kasoo yeeray Dowladda Midnimada Qaran ee Somalia.
“Aragti ahaan hadii aan ka hadlo dalabka ciidamada shisheeye ay ku dalbatay Dowladda Madaxweyne Shariif, uu yahay mid la garasiiyey oo lagu qasbay, inay dalbato xoogag Shisheeye meeshay doonaanba haka yimaadaane, balse ma qabo inay xilligan Ciidamadii Ethiopia ee laga dharagsan yahay gumaadkii ay dalka ka geysteen ahna cadowga koowaad ee umadda Soomaaliyeed hadana mar kale dalka lagu marti qaado” sidaana waxaa yiri Mr. Cibaar.
Sidoo kale Cibaar Sheekh Cali Cibaar waxa uu carabka ku dhuftay in ay lagama maarmaan tahay in la helo awood ka durugsan mida haatan taalla Somalia, taasi oo horseedi karta buu yiri in laga gudbo caqabadaha haatan ka aloosan dalka kuwaasi oo soo jiitamayey Labaatankii sano ee ugu dambeeyey.
“Hadiiba maanta aanay jirin cid dheg jalaq u siinaysa baaqyada Nabadda ee ay sida aan caajiska laheyn u wadaan Culumaa’udiinkii, Caaqiliintii, Odayaashii dhaqanka iyo dad wax galka ah, ee ay inoo cadahay inaan wax walba qoriga caaradii ku baadi goobno, waxaan is leeyahay Soomaaliyey tashan waynayee Hanaloo taliyo” ayuu fekerkiiska kusoo afgooyey Cibaar Sheekh Cali oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaalida eek u nool dalka Koonfur Africa.
Cibaar Sh. Cali Cibaar “Soomaaliyeey Tashan Waynayee Hanaloo Talliyo.”. Xoghayihii Hore ee Baarlamanka FS.