Ma Dhabaa In Ciidamada Booliska DFKMG Soomaaliya La Geynayo Suuqa Bakaaraha !!

0
Friday July 10, 2009 - 19:30:43 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 905
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Dhabaa In Ciidamada Booliska DFKMG Soomaaliya La Geynayo Suuqa Bakaaraha !!

    Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa daboolka ka qaaday inay Ciidamo Ilaaliya Suuqa Bakaaraha oo Boolis ah ay u sameynayaan, kadib markii ay sheegeen in Ciidankii wardiyeen jiray suuqaasi ay kala eriday Xarakada Al-Shabaab waa sida ay hadalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa daboolka ka qaaday inay Ciidamo Ilaaliya Suuqa Bakaaraha oo Boolis ah ay u sameynayaan, kadib markii ay sheegeen in Ciidankii wardiyeen jiray suuqaasi ay kala eriday Xarakada Al-Shabaab waa sida ay hadalka u dhigeenee.

C/llaahi Xasan Bariise  Afhayeenka Ciidamada Booliska ayaa daboolka  ka qaaday inay Suuqa Bakaaraha u samaynayaan Ciidamo Boolis ah oo suga ammaanka Suuqaasi, oo uu sheegay in Ilaaladii uu lahaa Suuqaas ay kala eryeen Kooxaha Dowladda ka soo horjeeda.

Afhayeenka Booliska ayaa sheegay  in dalka aanay  ka jirin labo Dowladood, wuxuuna  sheegay in ay Ciidamo u samaynayaan  Suuqaasi Bakaaraha, si ay u sugaan Amnigiisa.

"Waxaan ciidamo Boolis ah geynaynaa Suuqa weyn ee Bakaaraha si ay ula wareegaan ammaanka Suuqa, waayo nimankii naga soo horjeeday ayaa kala diray Ilaaladii uu suuqa lahaa jiray"ayuu yiri C/llaahi Xasan Bariise oo sheegay in ilaaladii hore ee Suuqaasi in laga qaatay Hubkii ay wadan jireen.

Afhayeenka Booliska ayaa  ku eedeeyay Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda inay lacago baad ah ku soo rogeen ganacsatada Suuqa, ayna u hanjabeen  Ganacsatada waawyn ee Suuqa waa sida uu yiriye Afhayeenka Booliska .
Dhanka kale waxaan weli ka hadlin hadalkaasi ka soo yeeray Dowladda KM ah ee Soomaaliya kooxaha Mucaaradka ah, lamina oga sida ay Ciidanka Booliska ugu suurtagelayso inay Ciidamadooda ammaanka Suuqa bakaaraha uga shaqayn lahaayeen.
 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip