Munaasabad Si Heer Sare Loo Soo Agaasimay Oo lagu xusayay Nabiga NNKH oo ka dhacday Cape Town.

0
Wednesday July 22, 2009 - 12:41:19 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 651
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Munaasabad Si Heer Sare Loo Soo Agaasimay Oo lagu xusayay Nabiga NNKH oo ka dhacday Cape Town.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo lagu weynaynayay Nabiga NNKH ayaa waxay ka dhacday Magaalada Cape Town Gaar ahaa Xaafada ay soomalida u badan tahay ee Bellville iyadoo ay ka soo qaybgaleen boqolaal muslimiin ah oo ka kala yimid xaafadaha ku dhow dhow magaalada Cape Town.

Munaasabadani ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Dhalinyaro isku aruursatay kheyr-ka iyo weyneynta Nabiga NNKH oo ku sugan dalkani K/Africa oo shartiisa aad u badan tahay.

Dhalinyarada aya horay ugu dhigi jirtay munaasabadaha Ceynkaan oo kalaa intii ay ku sugnaayeen Magaalada Muqdisho intii ay ka soo barakicin dagalada aan dhamaadka lahayd ee ka aloosan somaliya.

Macalin Axmed Diikow ayaa munasabada ka aqriyay siirada Nabiga NNKH oo kooban wuxuuna ku dheeraaday ka sheekaynta

Siirada Nabiga NNKH isagoo ugu danbeyn dhalinyarada ku baraarujiyay in mar walba ay sedan oo kalaa u weyneeyaan. Sidoo kale waxaa xaflada isagane wacdi yar oo baraarujin ah ka aqriyay Sheekh Maxamed oo si gooni ah ula hadlay dhalinyarada.

Goobta Munaasabada lagu qabtay aya si weyn loo soo camiray ayadoo dadkii ka soo qeyb galay ay midba mid ka kale uu marxabaynayo ergooyinka qaar aya ka yimid degaano aad u fog ugu danbeyna xaflada aya si heer sare ah u soo gaba gaboowday.

Isku soo wada duuboow Munaasabadani oo kale aya lagu qabtay meelo kale oo ka tirsan dalkani K/Africa sidoo kale xaflad sidani oo kalaa aya waxa ay caawa ka dhacaysaa magaalada Jhb sida uu ku soo waramayo wariyaha Warsheekh eek u sugan Magaaladasi.

Qaban qaabiyaasha xaflada ayaa waxa ay kala ahaayeen

1.      C/qaadir Xuseen Jiinow

2.      Maxamed Jimcaale Hilowle (Diide)

3.      Xuseen Macalin (Laacibka Cape Town)

4.      Axmed Xasan Dheere

5.      Axmed Xasan Raage (kabtan Kabaay)

6.      Maxamed Cali Baraawe.

Iyo dhalinyaro kale oo aad u fara badan oo halkani lagu soo koobi Karin

Maxamed Deeq Muuse Nuur Deeqdarajo100@hotmail.com

Tell 27721277344  Cape Town: South Africa

Xafiiska warqabadka Ee dalka K/Africa

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip