Badka ay ku fadhiso isku geeyntooda waa 181,040 sq km(Dhul : : 176,520 sq km Bad4,520 sq km).Cambodia waxa ay xuduud la leedahay : Laos 541 km, Thailand 803 km, Vietnam 1,228 km.
Dhaqaalaha waadanka ayaa ku tiirsan dhoofinta Gaska dabiiciga, Timberka, rice, rubber iyo biraha.
Cimalada wadanka ayaa ah mid kulul inkastuu roobku yimaado xiliga mansoonka bilaha (May ilaa November) inkastuu jilaal daran jiro bilaha (December ilaa April) inkasta oo ay dhacaan fatahaado badan bilaha (June to November).
Wadanka waxaa dib u dhigay dagaalo daba dheeraaday inkastoo xal laga gaaray sanadkii 1993kii isla sanadkaasna lagu guuleeystay in uu wadanka yeesho dastuur loo dhanyahay wadanka iyo dadkaba lagu dhaqo sidaasna lagu kala dambeeyo.
Dadka ku nool wadankan ayaa waxaa lagu sheegaa 13,607,069 warbixintii ka soo baxday Qaramada midoobe sanakii (July 2005).
Isku celceliska dadka wadankan ku nool ayaa waxa eey da’dooda u dhaxeysaa sidan:0-14sano: 37.3% (lab 2,559,734/dhadig 2,510,235)
15-64sano: 59.7% (lab3,887,642/dhadig 4,232,313) 65sano iyo kaweyn :3.1% (lab 150,862/dhadig 266,283)
Wadanka waxa ku nool qowmiyado kala duwan oo kala ah: Khmer 90%, Vietnamese 5%, Chinese 1%, other 4%
Diimaha wadanka laga caabudo ayaa sidaa u badneen waxaana ugu awooda badan ama dadka badankii ay heystaan diinta Theravada Buddhist 95%, iyo other 5% kuwaa oo iskugu jira muslimiin kirishtaan iyo kuwo aan wax caabudin. Caasimada wadanka waa
Wadanka waxa uu xurnamidisa qaatay sanadkii 9 November 1953 waxa uuna ka xuroobay gumestayaashii reer Fransa.
Lacagta wadanka laga isticmaalo waa riel waxana loo soo gaabiyaa (KHR). Halkii US dollar waxa uu u dhiganmaa 4,013 riel (KHR).
Wadanka waxaa kajira xisbiyo siyaasadeed oo kala duwan kuwa ugu muhimsana waa Cambodian Pracheachon Party (Cambodian People's Party) ama CPP [Godoomiyaha CHEA SIM]; National United Front for an Independent, Neutral, Peaceful, iyo Cooperative Cambodia ama FUNCINPEC [Gudoomiyaha Prince NORODOM Ranariddh]; Sam Rangsi Party ama SRP [Gudoomiyaha SAM RANGSI]
Cambodia eey xubin katahay qaramada midoobe sidoo kalana waxa eey xubin katahay ururadan: (ACCT, APT, ARF, AsDB, ASEAN, FAO, G-77, IBRD, ICAO, ICCt, ICRM, IDA, IFAD, IFC, IFRCS, ILO, IMF, IMO, Interpol, IOC, IOM, ISO (subscriber), ITU, MIGA, NAM, OPCW (signatory), PCA, UN, UNCTAD, UNESCO, UNIDO, UPU, WCO, WFTU, WHO, WIPO, WMO,WTO).
La-soco Arbacada danbe iyo Wadanka
Soo-saaraha Caaqil Anwar Diini
isku duba-ridaha Wariye Xasan Cabdi Xersi.
Maxaad ka taqaanaa wadanka Combodia War-bixin kooban oo laga diyaariyey (Daawo Sawirada).