Waxaan kaloo Idinku Salamaya Salaanta Muslinka Ah Asalama Caleykum Wa Raxmatu Laah Wa Barakaatu.
Maanta Dhamaanteen Somaali Meel Walba Aan Jogno Waxaa Inaga Qarsoonayn Belada Iyo Baaska laga Soo shegayo dhulkeeni hooyo. Wadankeeni Qanagi Ahaa Qayraadka Allena Ku Maneystay. Qoraalkayga Waxaan Rabaa Inaan Ku Soo Qaato Arima Dhawr Ah oo runtii maskaxdayda iyo maskaxda somali badan ku soo maaxda marki la maqlo war kaa nixiya ama aan aragno wax naga nixiya. Hadii aan qoro wax aydaan ku farxin ama aydan jeclaysan Ogaada wa rayiga Qoraaga Wa Rayigayga oo Qura Qofkalena aan igu dhalin. Muddo Badan Oo aan ahaa qof ku soo jirta siyaasada dhegeysigeda iyo la socodkeda Waxa iso baxay oo an is bar bar dhigay Mucaradka Iyo Mucarad magacisa nin qaata aanse ahayn lehna mabda kale. Tuugta In La Tumo Tabarna Ay Yeelan. Somaliyana Somali Ayaa Leh .
Maanta Shaki Kuma Jitro In Somali Badan Ay Tahay Agoon Ay Tahay Rajo Ama Agoon Iyo Rajo Isku Jira. Inay Tahay Gablan Inay Tahay Marwo Asaay Qaaday. LAAKIN NINWALBA GIBULKU LAHA WA U GUBANAYAA.
Anigu Gibilkayga wa somali, gibilkayga wa maatada dhibta haysata, Gibilkayga waxa ah Marxuum Maxamed Farax Weheliye Cadoow Sindaco. Walaalkay Curadki Aabahay ahnaAabihi Ilma Aad u badan iyo Saygii Laba Xaas o maanta asaay saaran. Maxamed Wuxu Ahaa Electric Qof ku taqasusay dagaal ilaa maalinki qarankena jabay aan shaqa ku lahayn qorina qaadan. Maxamed Wa la dilay dilkisana ilaa hada cidi ma sheegan taana wuxu kala siman yahay ugu yaraan 2 million somali ah oo qof dishay iyo sababti lo dilay aan la ogayn. Waxaa website yadu qoreen oo La Yiri XISBUL JAXSHA AYA DISHAY Waxay uga shakiyeen basaasnimo. Bilaahi Caleykum basaas waxaa naqda qof dowlad iyo siyaasa ku dhexjira marxuumku xoolihii aabihis iyo xoolihii agoonta ayaa masuul looga dhigay ilaa maalinki aabihi geeriyodayna hanjabad talefan iyo in loogu yimaado hotelka oo la yiraah saan hadadan yeelin saan baa ku sugaysa ayaa jirtay. Marxuumka isagaa nasiib badan leh oo bil baraykaysan oo SHAHRAL RAMADAAN la dilay isaga ayaa gacan ka xaqdaran dishay. KALIGISNA MAAHE ILAA 16 QOF OO HAL FAMIL AH BAA MAQAN. WAXAA KALOO MAQAN MUWADINIIN SOMALIYED OO AAN HUBNA SIDAN DAGAALNA KA QAYB GALIN OO GARDARO CAD IYO EDEB DARO LOO DILAY. INTII KU DHIMATAY DAGAALKA IYAGOON WAXNA DILIN LANA DILAY ALAHA U NAXARISTO.
Mucaaradku Waa Kuwa Waxna Ogol Waxna Diidan
Somali Wa is dishay Qabiil Bay Isu Dishay. Haadba Haad Buu Kiciyay Wa Caydiid Iyo Cali Mahdi . Wa Ka gudubnay Wa Cabdiqaasin Wa Ka Gudubnay Wa C/laahi Yusuf Iyo Professor Gheedi oo Dowladi Impighati iyo Maxkamadaha Islaamiga oo Hal Dhinac Ah. Ambassador His Excellency Nuur Hassan Hussein Ayaa Yimid Hishiis Buu Mucaaradki la Galay Shiiq Sharif Shiiq Ahmed Shiiq Muuse Shiiq Cigalle Ayaa Ku Dooranay Hadaan nahay Somali Dalka Jamhuuriyada Jabouti Isagoo Ku Helay Cod 293 Xubnood Oo Parliement Members Ah. Xubnaha Parliementka Waxay Matalayeen Soomali Geeska Gees Aniga Ahaan Ilaa Subaxas Ano Shaqa Ka imid Ilaa Habeenki wa u soo jeeday. Waligay Ma taagerin Maxkamadaha Islaamiga Ah Waxaanse Taageray Dowlad Qaran Somaliyed Ah Hadii la yiri mucaradka dowlada wa lagu soo daraana waaba ayiday. Hadii la yiri Shariif ayaa imanaya waba ogolaaday maqsuud ayan ka naqday maxaa yelay dowlad la aan wa dhibaato.
Mucaaradku Macnihiisa Maaha inay xun yihiin laakin waa dad wax ogol waxna diidan.Anigu kolay sidaas baan u aqaana macnaha MUCAARAD. Marka Haday Saas Tahay Mucaaradka waxna ogol yahay waxna diidan yahay yaa mucaarad ah maanta?
XISBUL JAXSHA IYO SHABABAL KARAHIYA MA MUCARADBAA MISE WA KUWA NAGA IIBINIYA MABDA'A AJNABI AAN DIIN IYO DOWLAD KU SALAYSNAYN?
Horta Caqligu wa shay qaali ah xisbul jaxsha iyo Alshababal Karahiya ma aha mucarad. Sabahaha Ayna u Ahayn Mucaraadna wa kuwa soo socda:
1. Haday Mucarad yihin waxay diidanayen wa la bixiyay ( ethopia) waxay dhigi lahaayen hubka waxay tagi lahayen miiska wada hadalka. Ninka Kursiga madexweyne ku fadhiya wa nin ay hada baran wa nin ay iskula jiren dagalka wa nin ay isla jireen safar wa nin ay isla noqdeen qaxooti ilaa iyo Asmara.
2. Jihaad ayay aclaamiyeen cidamada shisheeye ee ethopia wa inay dalka ka baxaan ayay yiraahden. AMISOM ma oran. Hadii Ethopia baxday YAA CADAWGA ILAAHAY AH MUGA? Ma Shacabka Masaakinta ah ayaa ah cadawga Ilaahay Ah? Ma Maatada Idin Taagertey oo biyaha idinka daba siday maalinki amxaarku joogay? Ma Wiilka Yar ee soo koraaya ee aad qasbaysid inaw dagaal kuu raaco hadi kalena aad ledahay jaajus bu aha ama wax buu xaday gacnaha iyo lugaha isdhaafka u goynaysid baa? Ma culumada islaamka ah ee somaaliyed oo aad geedaha hostoda jiifisay? ma waayelka aan socon karin? WAA KUMA CADAWGA ILAAHAY? ILAAHAY SUBXANAHU WA TACAALA AAQIRADA IYO ADUNKA GUUDKEDA INTA KU NOOL SAMAYSTAY MIYUU LAHAAN KARAA CADAW?
3. ALshababal Karaahiya Iyo Xisbul Jaxsha Inay Ahayn Mucaarad Waxa Si cadeynaysa inay maalinki u hadlay Osama Ay iyagana sameyaan waxa aw faray. ILAAHAY BAA WUXU KU FARAY LA SAMEYA ADOON ILAHAY WALIBA CARAB WADANKIISI AAN TAGI KARIN WAXAW KU FARAY WAXA KA WAYN WAXA WALALAHAGA SOMALIYED KU FARAAN. Carabka waxaa ka muhiimsan somaliga dhibataysan.
4. Inay Mucarad Ahayn Waxa lagu kasaa Waxay qabaan 100 af hayeen kuli wa wada shiiq hebel ma qabaan brigadier ma qabaan ninka isgarsinta u qabilsan ma qaban mid u qaabilsan dhinac walba wa isku dhex yaac waxay ku tartaman dhexdooda power ( exercise of power between them). Mucaradku wuxu u turaa dadkisa mucaradka kama dhex dagalamo maatadisa, mucaradku wuxu leeyahay MABDA BILAW LEH DHAMAADNA LEH. KUWAN MABDA'OODU WA MAXAY?XAGUUSE KA BILAWDAY XAGUUSE KU DHAMADAY?
5. Qodobka Shanaad Ma Aha Mucaarad Ee Waa niman naga iibinaya si qasab ah mabda shisheeye waliba mabda criminalska aduunka laga soo nacay oo cabsi darteed aan wadankodi ku naqan karin. TUSAALE: OSAMA BIN LADEN ma tagi karaa YEMAN? Ma Tagi Karaa Dalka u ka haysto dhalashada e boqortoyada Sacudia?Aljeriga ku taqasusay chemicals ka ee jooga somalia ma tagi karaa Aljeria? Tunisian ka lagu leyahay qariidad buu dhigaa ma tagi karaa Tunisia ma u tagi karaa ZEIN EL ABEDEEN BIN ALI? Jawaab Walba waa haa iyo maya inta aan ogahayna nabee wa maya.
Aduunka Waxa lagu dagaalama qalin waxana la iska iibiya mabda waxaa la iska iibiya mabda la socdo strategy soconaaya. Nimankan Carbeed wa idin qaldeen hada tihiin Alshabab iyo Xisbul Islaam. Beesada Qadar iyo carabta la idinka siiyo ma socon doonto waxa radihaysiina wa Mission very very hard to accopmlish. Keep dreaming. Laakin carabka lama qaxdiino wadamadooda lama aadino ama jihaadka wadankoda kuma tijaabisiino haday run idinka tahay!
TUUGTA WA IN LA TUMAA TABARNA AY YEELAN.
Horta Somalia Somaali baa leh. Somaaliya waxaa leh wiilka so koroyo iyo gabdha so koreysa. Waxaa iska leh Ubaxa Dalka. Somalia Ajnabi ma leh Aqii Aqii Iyo Umu Umu Ma laha. Carabka dal aw leeyahay ee dalkisa ha aado. Aduunka Legitimate way ayaa lagu gala wadamada la iskama soo galo albaabkodana ma furna. BAL SACUDIA AAD EE AQII FADALI HA LAGU YIRAAH. Sacudia hada gasho visa wa ina wadata wa ina document s Sax ah wadata. Muslin Waye Wa Walalaahena Mujahidinta ah aa la yiri. Marka qof somali ah tago wadamada aduunka wa walalkeyna so dhawaw ma la yiraah? mise away passportkaga away visahaga aa la yiraah? Somaliyey runta an isu shegno- maalinki markabka somali saarantahay u ku rogmaday yeman dadki ugu horeyey ee u gurmaday wa dowlada Germany away aqii aqii iyo umu umu. Aqii Aqii wadankeena o dowlad ka jirto somaaliya oo nabada ha yimado hana dego hana ku ceesho umadaas ajnabiga ah e dowlada somaliyed waaxda socdalka ay siisay visaha deganaansho ha ka mid naqayo laakin ANIGOO SOMAALIYA IMA SIIN KARYO AMAR KAMANA QAADANAYO ILEEN ANAA AH MUWAADIN ASAGU AMA IYADU MAAHA MUWAADIN. SOMALI FIRST, ALL FOREIGNERS ARE EQUALLY A SECOND CITIZEN AND SECOND CITIZENS ARE SECONDARY WHEN IT COMES IN TO THE SOMALI SOIL. WALIBA WADANKOW RABO HA KA YIMAADE AJNABI WA AJNABI DIINTISA IYO DHALASHADISA XABAD NAGAMA GALIN SOMAALIGA AYAA KA LEH PRIORITYGA.
Marka Xasan Dahir Aweys Iyo Nimanka Kale O Alshababa waxay na yirahden Aqwani muslimin waye? Macnaha Saas maaha ee nimanka mesha haysta waa ajnabi iyagana waxaa loo isticmaala in walaalahooda dhibataysan ay ku maquuniyaan mabda shisheeye. Waxaa Lagu leeyahay Dhibka ka socda Phalestine iyo Iraq an u dagalamayna sas ayan u wadna jihadka somalia iyo kuwa kaleba Nimanyahow Phalestine Ilaahay ha u sahlo waxay radihayso Iraqna Alaha U fududeyo laakin tiisa daryela tu kale ku daro anaga wax noo naxaya ma jiraan? teena aan u dagalano teena an u ducayno.
Wali Ma Maqasheen Jihaadkan Baas oo wiil Xasan Dahir Dhalay ka qayb galayo ama Wiil Aw Dhalay Godane Ama Fuaad Shangole Ama Robow Mansuurow? Wax ma dhalin miyaa? maya wa dhaleene away ilmahoodi? Waxa la yiri kuwa wa dhaleen oo JAMHURIYATAL MASR EL ARABIA ayay joogan kuwana kenya kuwana sweden.
Ilmihii Somaliyeed Jihaad aa dhegohooda laga buuxshay oo xata america ma ku nabad galin. Marka TUUGTA WA BADAN TAHAY tuugta waxay ku dhex jiraan walalaheen waxay ku dhexjiraan somali geeska gees. Tuuga wa kan masaajidka ilmaha beenta ugu shegay. Tuugta wa tan cayrta ay dowlada ay iska dhiibtay ilmaheda yaanyo gaduudan iyo pasta u walaqda ee siisa XISBUL ISLAAM IYO ALSHABAAB oo waliba dhiiga tax payerka ku noolata kuna disha masaakinta kuna naqatay gacan ku dhiigle daboolan.Tuuga wa ninka isku shegaya inaw qabo Ph.D oo adunka mahaw tago ka mucaradayo dowladii timaado.
Labadan Tuug oo Alshabab iyo Xisbul Jaxsha wa in lala galaa dagaal maskax mid gacan mid af iyo mid qalin (af iyo adin).Dadka ay laynayaan kama dhalan ciid dhulkana kama soo bixin. Maatada la laynaayo waxay ka dhasheen soomali waxay la dhasheen somali uun naga mid ah.
Waa In La Helaa jid lagula dagaalamo Sidii Aljeria. Waa In Dagaalka Laga bilaaba Midka Qalinka Iyo Afka Iyadoo Waliba Kan Gacantana socon doono.
1. Dagaalka Wa in Laga Bilaaba Shaqsi kasta o somali ah gurigiisa, magaladiisa, gobolkiisa dibada iyo dalka. Dibada muwadiniinta somali oo joogta ka bilaaban senatorka u jooga ama u fadhiya gobolkoda ama regionkoda.
2. Waa In Laga Bilaaba Dadka Taakuleeya beeso iyo afba gacan ku dhiiglayaasha Iyagoo waliba DOWLADAHA SHISHEEYE EE MAGAN GALYADA SIIYAYNA KA QAATA CAYR.
3. Shiiqa Beenta u sheega ilmaha kana badala maskaxdi ay kula jaanqaadi lahaayen aduunyada ay ku noolyihiin qarniga 21aad dadka ay la noolyihiin kuna beeraya colaad isago u isticmalaya maskaxiyan kana dhaadhicinaya 73 qof o familkaga aya jana galaysa. Kuwa Magaca Islaamka meel uga dhacay. Kuwa beenta u tarjumay diinta islaamka oo Ah NASTEXO KANA DHIGAY DIIN HOROR AH.
Somaali hada nahay waxa u qaybsana qabiilo waxanse wadagna jinsiyad, dhaqan, luqad iyo diin. Ninwalba wa yaqaan shiiqisa iyo culumadiisa. INTA SHIIQ BEEN AH TAAGEREYNO NABAD SOMA DHAWA MANA SOO SOCOTO. Dagaalka somaliya ka socdana maaha jihaad wa dagaal qabiil wa dagaal damac waa dagaal kursi.
Shiiqna Hadawna Shiiq Macalin Nuur Maxaa Siyaad Ahayn iyo culimadow wax so baray Ama Shiiq Muxyadiin Celi iyo culimadow wax soo baray Ama AUN Shiiq Ahmed Gabale iyo culimadow wax so baray Iyo Shiiqyada badanoo beriga joogta iyo dadkay wax so bareen oo aan mahaan ku soo koobi karin XABAD I SHEEGI MAAYO KANA AQRISAN MAAYO. RUNTA WA RAYSAA IN LA ISU QARSHAaNA MAAHA. MA WAXA DHEGEYSTA OO I NAQAAYA SHIIQ NIN HADAL KA BARTAY LENIN IYO MARXISM INAW KA HADLO OO SCHOOLKA CLASSKA 5AAD IYO 6AAD LAGU DHIGO. MA WAXAA I DHAHAYA JIHAAD KA GAL CADAWGA ILAHAY KA DIFAAC NIN AAN CILMI DIINEED BARAN. NABEE RUNTA WAA XARAAAR " GAAL NINKI KU DUULA WALEE USNA GAAL KALE MAAHA"
Xasan Daahir Aweys Iyo Nimanka Karaahiyada ah dadkay barakacsheen iyo kuwa uu dilay cadaabtooda waa sugee -cadaab aaqiro iyo mid aduuna wa u taal beriga usuga naga wal wal badan ALLOW YAA QALBIGIISA FIIRSHA. XASAN DAAHIR QUUSAN MAAYO LAAKIN NINAAN OGAHAY ON MAGACIISA MAHAAN KU QORAYN OO MARXUUMA MAHOW MARAY AMAW MARAA , AMAA MAR LA WAAYA "HITLERBA MEEL UU HAAD KU CUNAY HUBANTI LOO WAAYEE."
Dagaalka Ajnabiga Hogaaminaayo Ee Ka Socda Dalkeeni Hooyo Casimadi Dalkeena Muqdisha Xaruntii Umadeena Waa In Tuugta Isku bahaysatay la tumaa waa inayna tabar yeelan waa in la isugu tagaa cod iyo cuddud. Tuugta Wa in Laga guulaysta Buuga Tariqdana lagu qoraa Waa in Wilasha u dagalamaya qaranka somaliyed inaw so noqdo bilad dahaba la gudoonsiiya aaqirka. Tuuga Ninka Taagersana Inaw ama rayidka ku biira oo cafis loo fidiya ama dalka aw nooga guura. Habarta Iyo Odayga Iyo Single Motherka Cayrta Qaata ee Taagera tuugtana dowladaha ay maganta u yihiin la ogeysiiya.
Fil Aaqir Runta Waa xanuun, Waxaydaan Ogayn Somaliyeey Mahaan kuma qorin laakin waxaa la yiri Beri ma dhamaato maalinba maalin ayaan ku amaahanay 19 sano saas ayay nagu gudubtay. Horaa nin u yiri 30 sano nin suuxsanaay oo soo kacay saatanaw u yaal ee suuxdimaadka ma ka kacnaa dadka iyo dalka ma ka bixinaa tuugta? ma tunaa si ay tabar u yeelan?
INSHA ALAAH NABAD NABAD WALIBA NABAD WAARTA INSHA ALAAH
Iman F. W. Addo(qahira)
Iman.Addo@live.com
Tuugta Wa In La Tumaa Tabarna Ay Yeelan (By, Iman F. W. Addo(qahira)
Walaalaha Somaliyed Inta Nabada Jecel, Qaranimada Iyo Midnimada Jecel Waxan Idinku Salamaya Ha Noolato Somaliya Ha Waarto Wa Gobee Ha Jirto O Ha Joogto.