
Warkaan oo ay qortay wakaaladda wararka ee Walta ayaa lagu sheegay inciidamada dawlada Ethiopia ay gudaha usoo galeen dalka Somalia isla markaana ay qab qabteen dad gaaraya illaa iyo 15 ruux oo ay Ethiopia ku eedeysay inay xiriir la laheen Jabhadda xoreynta Ogadenia ee ONLF.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in ciidamada Ethiopia ay Somalia u yimaadeen kadib markii ay ka war Helen sida warka lagu sheegay in is uruursi ay degano ku yaala xadka ay ka wadaan Jabhadda ONLF iyo qaar ka mid ah xoogaga hubeysan ee gudaha Somalia ka dagaalama.
Warkaan wasaaradda difaaca dalka Ethiopia kasoo baxay ayaa waxaa sidoo kale sheegay in dadka xir xiran qaarkood ay haatan ku socdaan baaritaano iyadoo qaarkoodna lasii daayay.
Jabhadda Xoreynta Somali galbeed ee Ogadenia ayaa hjorey u beenisay inay wax xiriir ah la leedaha xoogaga Islamiyiinta ah ee Somalia ka dagaalama, iyadoona la xasuusto in dagaal uu ku dhex maray Ciidamo kala taabacsan ONLF iyo Al-Shabab qeybo ka mid ah gobolada Jubbooyinka.
Galinkii hore ee Shalay ayay aheyd markii ciidamo fara badan oo Ethiopian ay fariisimo ka sameysteen deegano ka tirsan gobolka Hiraan gaar ahaan agagaarka Magaalada B/weyne halkaasoo ay gacanta ku hayaan Ururka xisbul Islam oo ka mid ah dhinacyadii sida weyn ula dagaalamay ciidamada dawlada Ethiopia xilligii ay Somalia jogeen
Dowlada Itoobiya oo Qiratay in Howlgal Kafulisay Gudaha Magaalda Gaalkacyo
War kasoo baxay wasaradda difaaca dalka Ethiopia ayaa sheegtay in ciidamadooda ay gudaha u galeen dalka Somalia isla markana ay gaareen deegaano ku yala xadka ay Ethiopia la wadaagto Somalia.