Sheekh Umul ‘ 20, Sano Dadaalki Diinta aan soo Wadnay waa la babi’iyay’ Muxadaro Xasaasi-ah .

0
Friday October 16, 2009 - 22:31:50 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1528
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Umul ‘ 20, Sano Dadaalki Diinta aan soo Wadnay waa la babi’iyay’ Muxadaro Xasaasi-ah .

    Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo si weyn looga yaqaano Soomaaliya iyo Dalka Kenya ayaa waxa uu habeenki labaad muxaadaro xasaasi ah ka jeedinayaa Masjidka Al-Hidaaya ee Magaaladatan Nairobi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo si weyn looga yaqaano Soomaaliya iyo Dalka Kenya ayaa waxa uu habeenki labaad muxaadaro xasaasi ah ka jeedinayaa Masjidka Al-Hidaaya ee Magaaladatan Nairobi.



Sheekh Umul ayaa sida horay loo iclaamiyay uga hadlay muxaadaradiisaan qodobo xasaasi ah oo dadka qaar ay la yaabeen cabirka sheekha oo ka bixiyay marxalada siyaasadeed ee dalka maraya iyadoo ay kazoo qeyb galeen dadweyne aad ufara badan kuwaasi oo isugu jiray mucaarad iyo Muxaafad.

Sheekh Maxamed Cabdi Umul ayaa ugu horeen waxa uu ka hadlay Guuldarada iminka heesato Kooxaha is biirsaday ee kuwada Abtirsada Sheekh maxamed Cabdi Wahaab isagoo si weyna ugu nuux nuuxsaday dadaalka dheer ay sameeyeen kooxdaan labaatanki sano ay ugu dambeesay iyo sida halgankii loo dayacayo iminka.

Sheekh Umul ‘ kudhawaad labaatan sano wixi aan kusoo dadaaleenay ayaa iminka waxa laga dhigayaa mid baaba’ay mana jirto xal aan uga bad baadi karno burburka inagu socda oo manta umuuqdo mid fashilinayo xusul duubka aan ku jirnay’ Ayuu Shiikha ka shanqariyay isagoo uqudbeenayay boqolaal soomaali ah oo isugu soo aruuray masjidka alhidaaya oo ah xarunta sheekha ee magaalada Nairobi.

Sheekh Umul ayaa sidoo kale waxa uu si aad ah uga hadlay dagaalada iminka ka socda gobolada jubooyinka oo sida muuqata sheekha ku ahaa falaar wadnaha kaga abaaran isagoo ukala safartay labada koox ee halkaa isku haya oo mid midka kale ku tilmaamaya mid islaaminiyada iyo jihaadki qilaafay.

Sheekh Umul’ waxa ay dileen (Alshabaab) dhamaan dadki waxgaradka ahaa oo ay ku jiraan culimadi dadka kaga dagaalami jirtay caqiidada fasahaadsan ee culima’u suufiyah ku beeray shacabka soomaaliyeed waana ayaan daro qaabka ay udhaqmayaana waa wajigii khawaarijta oo aan maldahneen’

Sheekh maxamed Cabdi umul ayaa dhanka kale waxa uu qiray karaamadi iyo sharafki culuma’u suufiyah ay dalka soomaaliya usoo hoyeen isagoo mar uu ka hadlaayay karaamaadka Culuma’u suufiyah kutilmaamay.

Sheekh Umul ‘ Culimadi hore ee Dalka Soomaaliya waxa ay ahaayeen kuwa ay dadku ka heebeestaan oo runtii xataa dowladihi hore ee dalka si kalitalisnimo ah uga talin jiray xataa ay ka heebeesan jireen laakin culimada iminka soo baxday maaha kuwa ilaah ka baqa’ ayuu si kulul uyiri sheekha.

Sheekh Umul ayaa sidoo kale waxa uu daaha ka rogay qaladaad badan oo ay ku kacayaan rag muuqaalka kore isaga ikeesiiyay sheekhyada diinta gudahana ka ah  qaa’imiin.

Sheekha oo hadalka sii wata ayaa yiri ‘ Culimada Iminka jirtaa oo inta badan isku qeybiyay qeybaha ganacsiga gaar ahaan shirkadaha Xawaaladaha ayaa dhaafi la’a in ay la goostaan lacago yar yar oo ay soo diraan hooyo soomaaliyeed oo si sharci daro ah ugala dhuuntaan’

Iyadoo  hadalka sheekha ay lunsashada lacagaha shacabka ku xawishaan qaar kamid ah shirkadaha soomaalida waxa ay kusoo beegmeesaa kadib marki shirkada dahabshiil Xafiiskeeda Nairobi ay lacag kala gooyay mid kamid ah hoganaka sare ee Shirkada lana ogeen halka uu jaan iyo cirib dhigay .

Hadalka carada iyo catawga isugu jira ee kazoo yeeray sheekha ayaa waxa dadka qaar kutilmaameen in uusan aheen mid ku cusub dhagaha shacabka hadalka sheekha bacdamaa oo caan ku noqday in dhawaalaba muxaadarooyin is qilaafsan oo bishiiba dhoor mar qabto wallow tani ay kaga gedisan tahay sheekha laftiisa in ay saameen ku yeelatay dagaalka jubbooyinka oo sheekha si qaab qabyaaladeesan uga qeyb qaadanayo balse wax garadka jubbooyinka ayaa waxa ay qabaan in labada dhinac ay siyaasada isku haya aynan ku gorgortamin dhiiga shacabka dhibaateesan.

Sheekh Maxamed Cabdi umul oo kal hore caan ku ahaa muxaadarooyin isdaba jog ah oo ku qabta dalka Kenya isla markaana in badan is qilaafo ama ah sheikh is ged gedis badan ayaa kal hore iftooday in xarakada alshabaab ay ku taagantahay dhabaha saxda ah halka madaxweyne shariif iyo dowladisa tahay rido isagoo mar uu muqdisho soo booqday kadib hadana jeediyay in dowladi tahay dowlad islaami ah .

Fiiro Gaar ah Muxaadarada sheekha oo gashay Habeenki labaad ayaa habeen danbe waxa lagu soo gabagabeen doonaa su'aalo toos ah oo sheekha lasoo weydiin doono iyadoo shabakada warsheekhna idin balan qaadeeso in aan idin soo gudbino su'aalaha  ay weydiiyan kasoo qeybgalayaasha iyo jawaaba shiikha oo kaga jawaabo

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip