mid kamid ah dhalinyaradii reer ogaadeeniya oo xabsiga Magaladda Boosaaso ugu geeriyooday jirdil‏

0
Monday November 02, 2009 - 18:06:52 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 700
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    mid kamid ah dhalinyaradii reer ogaadeeniya oo xabsiga Magaladda Boosaaso ugu geeriyooday jirdil‏

    Allaha u naxariistee waxaa xabsi kamid ah xabsiyadda ku yaalla magaaladda Boosaaso ku geeriyooday mid kamid ah dhalinyaraddii reer ogaadeniya.Marxuumka ayaa la-sheegay iney xabsiga ku wada jireyn Rag kale oo la-lasoo qabtay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allaha u naxariistee waxaa xabsi kamid ah xabsiyadda ku yaalla magaaladda Boosaaso ku geeriyooday mid kamid ah dhalinyaraddii reer ogaadeniya.Marxuumka ayaa la-sheegay iney xabsiga ku wada jireyn Rag kale oo la-lasoo qabtay.

 

Waxaana la-sheegay in markii hore ay ahaayeen 5 nin, mid kamid ahna ay ka xeysteen Ciidamadda Sirdoonka ee  Itoobiya, hase yeeshii afartii kale ee looga tagay xabsiga sidii loojir-dilaayey inuu mid kamid ah u geeriyooday.

Allaha u naxariistee marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray C/laahi Xasan Cali, kaasoo u geeriyooday jirdil ba’an oo ay kula kaceyn Ciidamadda Puntland.

mid kamid ah dadka deegaanka ayaa wuxuu inaga codsaday inaanan magaciisa  carabaabin hase yeeshee wuxuu inoo xaqiijiyey Marxuumka inuu u geeriyooday jirdil ay ku haayeen ciidamada Nabad Sugida ee Puntland.

Dadka deegaanka ayaa si’aad ah u dhaliilay waxa ay ku kacayaan Ciidamada Nabad Sugidda ee Maamulka, Jimcihii aanu soo dhaafnay ayay aheyd

Mar uu madaxweyne faroole ka jeediyey qudbad dheer Masjidka AL HUDDA ee Magaaladda Garoowe. Ayaa wuxuu si’aad ah ugu dheeraaday canbaareen kulul uu u soo jeediyey Reer Ogadeniya iyo dadka ka soo bara-kacay koonfurta Soomaaliya.

“Dadkaan ay lee-yihiin reer ogaadeniya waxaan wadaagnaa oo kaliya Af Somaliga balse wax kale aanu wadaagno haba-yaraatee majiraan, mana aha dad Soomaali ah” sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Maamul Goboleedka ee  Puntland.

Wuxuu kalow uu intaasi ku daray dadka ka soo bara-kacay Koonfurta Soomaaliya iney ku soo kordhiyaan oo kaliya Qashin. Hadalkaan ka soo yeeray Madaxweyne Faroole ayaa waxaa si’aad ah uga carooday Soomaali badan, kuwaasoo Dal iyo Dibadba jooga.

Isku-soo wada-duuboo Geeridda ku timid C/laahi Xasan Cali, ayaa waxay sii-hurin doontaa caloodda faraha ka baxsatay ee u dhaxeysa  Maamulka Puntland iyo reer ogaadeniya.
 
laacib143@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip