Nasashada Jimcaha Shabakada Warsheekh, Maxaa ka taqaan Xaalada Nolosha Somalida Konfur Afrika ?

0
Friday November 06, 2009 - 22:18:57 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1061
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nasashada Jimcaha Shabakada Warsheekh, Maxaa ka taqaan Xaalada Nolosha Somalida Konfur Afrika ?

    Nasashada Jimcaha Shabakada Warsheekh ayaa waxa maanta kusoo qaadan doonaa qormo aan ugu magac darnay Nolosha Somalida Konfur Afrika iyo Nolosha Wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nasashada Jimcaha Shabakada Warsheekh ayaa waxa maanta kusoo qaadan doonaa qormo aan ugu magac darnay Nolosha Somalida Konfur Afrika iyo Nolosha Wadankaasi.

 

Ku dhowaad 20 sano oo Soomaaliya ay ka jireen dagaallo lagu hoobto bara kac iyo dhibaatooyin dhinaca nabadgelyada la xiriira ayaa dadka Soomaliyeed qaar badan oo ka mid ahi dalka ka qaxeen, oo wadamo kale oo Africa, Asia, Yurub iyo Waqooyiga Ameerikaba tageen, iyagoo baadi goob ugu jira nolol dhaanta tii dalkooda ka jirtay ee ay ka soo carareen.
 
Wadamada Africa ee ay Soomalidu tagtay meheraddana ka sameysay waxaa ka mid ah, South Africa, oo hadda ay Soomaalidu noqotay sida ay dowladdu dalkaasi sheegtay kuwa ugu firfircoon dhinaca shaqada iyo ganacsiga, ee dadka ajaaniibta ah ee ku nool dalkaasi.

Waxaase la soo gudboonaaday dil, dhac iyo dhibaatooyin kale oo ay ka muteen joogista wadanka, Soomalida oo meherada ugu weyn ee ay South africa ka qabtaan ay tahay ganacsigu ayaa waxaa lagu dilay wadankaasi tan iyo 1996 dii tiro ku dhow Kun qof oo Soomali ah, halka sanadkan aanu ku jirno ay tirada Soomalida ee sida ula kaca ah loo dilay ay kor u dhaartay soddon qof.
Haddaba si aan wax badan uga ogaano xaalada somalida kowfur afrika ayaa waxa wareesiyo kala gedisan la yeelanay  Soomaali badan oo wadankaas ku nool, iyo Warfdiyeeno wax badan kala socda Arimaha Somalida Kowfur afrika

Hadaba aan wax yar ku hor marno taariikh kooban oo ku saabsan wadanka kowfur afrika, Gobolada,Luqada, Qowmiyaha ,  diinta, iyo wiliba lacagta laga isticmaalo.

Wadanka konfur afrika waxa looga hadlaa 11 Luqadood oo 5 luqadood yihiin kuwa ugu caansan oo ay ku hadasho saxaafada sida Radiyaha, TVyada iyo macluumaadka dhan ay ka yihiin luqadaha rasmiga ah.

1.     English
2.     Khoza
3.     Zulu
4.     Zuthu
5.     Afrikanis
 
Wadankaan Koonfur afrika waxa uu ka kooban yahay 9 Gobol oo waa weyn mdi walibana oo leeyahay qeyraad ugooni ah

1.     Guanting
2.     IMpulanga
3.     Limpopo
4.     Western Cape
5.     Eastern Cape
6.     Northern  Cape
7.     Free State
8.     kwa zulu natal
9.     North Waster

Qowmiyahada wadanka kofur afrika ayaa waxa looga saaraa afar qeyb

1.     Madow
2.     Cadaan
3.     Hindi
4.     Malay

Dadka reer Konfur afrikaa ayaa waxa ay ka dhaqmaan marki diin ahaan la yiraahdo sadex  Diin oo kala ah

1.     Muslims
2.     Christens
3.     Diin dhaqamaeed
 
Wadanka Kowfur afirka waxa ay lacag ahaan isticmaalaan Rand oo qiimaheenuna yahay mid adag tusaale ahaan
1ki Dolar waxa udhigmaa 8.5 Rand
Hanaanka Dowliga ah ee Wadanka konfur afrika ku dhaqmo ayaa ah mid loo yaqaano Dimuqraadiyada .

Hadaba su’aalaha aan ku jeex jeexi doono qormadeena ayaa waxa kamid ah

1.     waa side Xaalada Somalida ku dhaqan dalka konfur afrika ?
2.     Maxey Tahay sababta loo ugaarsado somalida Konfur Afrika ?
3.     Waa Maxey Sababta ay uga bixi karaan somalida Konfur afrika Dhibka heesto
4.     Somalida iyo Dadka Reer konfur Afrika xiriir intee la eg ayaa ka dhaxeeyo ?
5.     Su’aalahani iyo qeybo kale oo aan idin sii qariyay waxa looga doodi doonaa

Qeybta labaad ee barnaamijka Nasashada Jimcaha oo aan idin soo bandhigi doono jimcadaha soo socota.

W/D: Abdirahman Sheikh Abdullaahi
Webmaster Shabakada Warsheekh
E-mail:
farxad95@hotmail.com Ama webmaster@warsheekh.com
C/o: Kampala-Yugandha

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip