Heshiiskaan ayaa la soo sheegayaa inay labada dhinac isku raaceen arrimo dhowr ah, waxayna ka midoobeen sidii ay ula dagaali lahayeen kooxaha haysta Gobolada Jubooyinka, gaar ahaan Magaalada Kismaayo.
Waxaa sidoo kale socda Wadahadalo ay leeyihiin Ciidamada Dowladda ee ku sugan Bay, Bakool, iyo kuwa jooga Afmadow, iyadoo Ciidamadaasi ay heshiis ku wada gaareen inay qaadaan dagaal dhowr jiho ah oo ka bilaabanaaya Bay, Bakool ilaa Jubooyinka.
Sarkaal lagu magacaabo Ibraahim Shukri oo ka mid ah Gudiga Amniga qaranka Dowladda KMG ah ayaa sheegay in Ciidamo faro badan oo ah kuwii laga soo saaray Magaalada Kismaayo lagu qoraayo deegaanka Afmadow, wuxuuna sidoo kale sheegay in Ciidamo kale oo dowladda Taabacsan dowladda KMG ah laga qoraayo deegaanka Dhoobley.
Ciidamada la qoraayo ayaa ku sugan Deegaan lagu magacaabo Cabdi Dhoore oo ka tirsan Deegaanka Afmadow, waxaana halkaasi laga wadaa abaabul xooggan oo ku soo wajahan magaalada Kismaayo, iyadoo Ciidamada ku soo socda Jubooyinka uu sheegay sarkaalkaasi inay ka imaanayaan dhowr jiho.
Dhanka kale waxaa iyana socda kulamadii Beelaha daarood ay ku lahaayeen magaalada Nairobi, iyadoo la saaray Guddi 27-xubnood ka kooban oo ku jira abaabul xooggan, waxaana la sheegayaa inay mar qura wada dhaqaaqi doonaan Ciidamada Dowladda taabacsan ee ku sugan Gobolada Bay, Bakool iyo Jubooyinka
Ma Dhabaa in La Xaliyay Qilaafki Sheekh Axmed madoobe iyo Coll: bare Hiiraale, Dagaalna kuyihiin Jubooyinka
Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in la wada hadshiiyay Sheekh Axmed Madoobe iyo Xildhibaan Barre Hiiraale, iyadoo wadahadalkaasi ay ka dambeysay Dowladda Itoobiya, waxayna labada dhinac ka wada heshiiyeen wixii khilaaf ah ee horay u dhax yaalay.