Maxey ku sugan yihin Somalida K/Afrika, Su’aalo & Jawaabo laga Diyaariyay Ganacsatada Somalida K/Afrika (Qeybti 2,aad)

0
Friday November 13, 2009 - 20:55:27 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1225
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxey ku sugan yihin Somalida K/Afrika, Su’aalo & Jawaabo laga Diyaariyay Ganacsatada Somalida K/Afrika (Qeybti 2,aad)

    Waa markale iyo barnaamijkeeni nasashada jimcaha ee Shabakada warsheekh oo mar walba aan kusoo qaadano qormo aan is leenahay nasiinada jimcaha ha unoqoto bulshada somaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa markale iyo barnaamijkeeni nasashada jimcaha ee Shabakada warsheekh oo mar walba aan kusoo qaadano qormo aan is leenahay nasiinada jimcaha ha unoqoto bulshada somaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

 

Hadaba qormadeeni maanta ayaa waxa kusoo gudbin doonaa wareysiyo iyo doodo aan dhax dhignay qaar kamid ah ganacsatada Somalida konfur afrika anagoo weydiinay su’aalo dhoor ah oo kusaabsan xaalada dhabta ah somalida iyo dhibaatooyinka wadankaasi ku heesta.

Ujeedada shabakada warsheekh ee qormadaani ayaa ah in ay soo bandhigto dhibaatooyinka ay muwaadiniinta somaliyeed kula kulmaan nolosha wadanka koonfur afrika bacdamaa aysan jirin dowlad si dhab ah uhanatay difaacida muwaadinka somaliyeed balse inta karaankayaga ah aan usoo bandhigi doono hay’adaha udooda xuquuqul insaanka.

Dhanka kale waxa uu fariin cad uyahay Somalida kunool qurbaha gaar ahaan Wadanka Koonfur afrika maadaama iyaga qudhooda eed badani kuwajahantahay hab dhaqanka ay la wadaagaan bulshooyinka ay martida uyihiin iyaga dhaxdooda ah taasi oo ubaahan in si feejigan ay ula jaan qaadaan bulshada caalamka iyadoo la xasuusan yahay murtida somaliyeed ‘ Dal Aan dalkaaga aheyn, Waa Dareen kujoog’

Barnaamijkaan xiisaha badan ee looga hadlayo somalida koonfur afrika ayaa waxa shabakada warsheekh la soo xiriiray mas’uuliyiin somaliyeed kuwaasi oo dhamaan doonaya in ay ka qeyb qaatan barnaamijkaani si ay usoo gudbiyaan xogta ay ka hayaan xaalada somalida konfur afrika .

Maamulka shabakada warsheekh ayaa waxuu ka cudur daarnayaa in aragtida mas’uuliyiintaasi oo dhoor ah in hal mar aan lasoo wada gudbin Karin aragtidooda laakin barnaamijku noqon doono mid taxane ah.

Hadaba aqristayaasha nasiibka uyeeshay maanta in aan soo bandhigno aragtidooda ayaa kala ah sadexda Muwaadin ee ka wada tirsan somalida konfur afrika sida weyna looga yaqaano gobolada kala gedisan ee dalkaasi

 
Xasan Cadow Xasan      Xusen Max'ud Faras       C/man Sh: Abukar 

1) Xasan Cadow Xasan waa muwaadin somaliyeed kuna noolaa wadankaasi in ka badan 4 Sano kana ganacsado magaalada Xeebta ah ee CapeTown

2) Xuseen Maxamud Faras oo Jooga wadanka konfur afrika mudo 3 sano  

3) C/raxman Sheekh Abuukar waa ganacsade Somaliyeed oo mudo 9 sano ganacsi kulahaa wadankaan K/Afrika gaar ahaan Gobolada Northern Province iyo Magaalada Capetown

Xafiiska Shabakada warsheekh ee Magaalada Nairobi dalka kenya oo isaga ah midka suura galiyay habsami uqaadida wareesiyadaan iyo xog uruurintaan dheeriga ah ayaa waxa inagu soo booqday mid kamid ganacsatada somalida konfur afrika isla markaana dooda maanta marti inoogu ah C/raxman Sheekh abuukar .

Ugu horeen Ganacsatadaani waxa dhax dhignay su’aalo dhowr kuwaasi oo ninba aragtidiisi kusoo gudbiyay .

1. Dadka Somaliyeed Gormee soo gaareen wadanka  K/afrika ??

Faras: Dadka somaliyeed waxa ay dalkani soo gaareen ka hor xurnimadiisa sanadu marka ay aheed 1994 Balse xiligaasi si miisaan ah kuma aysan joogin waxa ayna badankood soo galeen Sanadu marka ay aheyd 2000 iyo wixi ka dambeeyay.

Xasan Xaaji Cadow:: Somalida waxa lagu sheegaa in ay yimiden wadankan 1990 wixi ka danbeyey madama xoogeeda uu aha 99 wixi ka danbeyey

C/raxman Sh: Abuukar: Runtii inkastoo la dhihi karo somalida maba joogin wadankaan ka hor sanadii 1997 waayo somalidi joogtay xiligi xurnimada wadanka koonfur afrika ka hor waxa ay ahaayeen kuwa tirsan oo runtii aan xitaa meel qura wada joogin kuna noolaa nolol liidata balse wixi ka dambeeyay sanadihi 1997 waxa ay somalida noqdeen kuwa si isdaba joog ah kusoo gaarayay sanadba sanadka ka dambeeyay.

2. Qofka somaliga ah kolka uu doonayo in uu ganacsi ka furo wadankaani maxa looga baahan yahay oo shuruud gaar ah ?

Xasan Xaaji Caodw : qofka somaliga eh  oo ganacsiga furanayo ma jiraan wax shuruud eh oo looga bahan yahay 

balse aragtida Ganacsade xasan Xaaji waxa mid ka gedisan qaba Ganacsade c/raxman waxa uuna yiri.

C/raxman : Ugu horeyn muwaadinka somaliyeed waxa looga baahan yahay in marka hore iska diiwaan geliyo
• Booliska
• Comunitiga Xaafada

Labadaan arin oo ah kuwa ugu muhiimsan ee bad baadi kara qofka somaliga ah ganacsigiisa ee raba in hormariyo isfahamna dhax mara asiga iyo bulshada ku nool deegaanka uu doonayo in uu ka ganacsado balse somalida ganacsiyadooda ayeey iska furtaan iyagoo wax xiriir ah aan la sameen booliska iyo Bulshada kunool meeshaasi

3. Marka qofki somaliga ah qaato sharciga maxey tahay talaabada xigta ?

Xasan Xaaji Cadow:  sharciga wadanka sidiisa waxa  waaye warqad yar oo A4 ah  oo loogu yeelo permit oo sadex bilood eh markaa kaasoo qadato aya waxa aad codsneysa sharci kale oo loogu yeero status oo isagana ka kooban laba warqad oo A4eh  kaas oo ah laba sano  kaas marka aa qadato ayaa codsan kartaa  ID=identity ducument ama teestaro oo isagana la dhacaya statuska  marka aa kaas qaadato aya waxa codsan kartaa Travel document ama passport oo qaxooti eh oo ku samaxayo in aa ku aasato wadamada carabta iyo africa oo kaliya

C/raxman : Ugu horeen muwaadinka Somaliyeed kolka uu soo gaaro wadankaan konfur afrika waxa laga doonayaa in uu tago goobaha dadka soo galootiga ah laga siiyo sharciga ay ku joogayaan wadankaan koonfur afrika , sharcigaais oo ah qaxootinimo.

Tanxigtaa qofka marka uu joogo wadanka joogo shansano waxa uu xaq uleeyaay in uu codsado degnaanshaha wadanka  marka uu helayo deganaanshaha waa uu xaq uleeyahay sadex sano kabacdi deganaanshahasi in uu hadana codsado dhalashada wadanka taasi oo usahleeso in uu noqdo muwaadin Konfur afrikaan ah .

4. Dilalka Somalida kunool wadanka koonfur afrika oo noqday mid taxane ah ayaanu weydiinay ganacsatada nagala qeyb qaadaneesa doodeena   Sababta keentay In Somalida Loo Dilo ?

Xasan Xaaji Cadow :xaqiiqdii somaliga sababaha loo dilo waxa lagu aaneyn kara dadka madowga eh oo aaminay in ay somalida dhulkooda iyo naagahooda iyo ganacsigooda isku darsanaya  madama ay somaliga la wareegtay ganacsigi yaryarowga ahaa oo ay madowga ku  ganacsan jireen iyo somalida oo aanan jirin wax safiir ah oo wadankan u fadhiya oo la xisaabtama dowlada koonfur africa ama somalida lagu qadariyo  madama ay dowlada wax culeys ku sarayo u jeedin dilalka somalida lo geysto

Isla su’aashaan ayaa waxa si kale iyadana u cabiray sababaha keena dilalka somalida ku ganacsata dalka Konfur afrika Mas’uuliyintaani:

C/raxman: Ugu horeyn dilalka somalida loo geesto
• waxa sabab u ah Amaan Xumo kajirta wadanka
 Somalida oo ka ganacsada meelaha lama degaanka ah ee qatarta badan kuwaasi oo ajaanibta kale aysan ku ganacsan taasi oo sababta in marar badan ay caawinaad ka heli waayaan hay’adaha Amaanka iyadoo marar badana dhacda in hay’adaha amaanka ay ka gaabsaday Qatar lagu soo wargeliyay in ay ka jirto goobaha miyiga taasi ookeentay in ayba la baqaan naftooda iyadoo taana wehliso in xiliyada qaar kolka ay booliska soo gaaraan goobta ganacsigaaga kaa codsanayaan in aad isaga guurto halkaasi bacdamaa ay muujinayaan cabsida ka jirta meeshaasi

 Sidoo kale dilalka somalida waxa sabab u ah hey’adaha sharciga wadanka Koonfur afrika oo runtii aan waxba ka qaban dadka dadka dila ama dhaca iyadoo arkeesid ninki xalay dhacay dukaanka somalida ama dilay muwaadin somaliyeed in isla galabti ama subaxdiba oo si xurnimo ah umaraya hareeraha dukaanki xalay uu dilka ku geestay lana yaqaano wiliba balse aysan jirin cid la xisaabtanta taasi oo dhalisay in muwaadinka somalida ahi kolka la dhaco ama la dilo in uu wax warbixin ah geenin Saldhigyada bacdamaa aysan jirin wax talaabo ah oo laga qaadayo tuugadi dhibka geesatayo iyadoo taa oo micnaheeda dhalisay in ganacsadaha somaliyeed oo xitaa usheegin muwaadiniinta somalida dhibka heesto waayo kolka uu doonayo in uu iibsado ayoo ka baqayaa qiimo dhimis in ay ku sameeso xaaladaha uu lasoo kulmay.

 Sidoo kale dilalka somalida ayaa waxa sabab u ah in aysan jirin kalsooni dhaxdooda ah oo aad mar walbo arkeeso is qabqabsi dhaxdooda ah taasi oo usahleesa dadka udhashay wadanka konfur afrika in ay somalida Dhacaan, boobaa, Dilaa, taasi oo mararka qaarba laga yaabo shirqoolo ay somalida dhaxdooda isu adeegsadeen  .

Mr Farasna muxuu ka yiri isla su’aashani.

Faras: marka hore waxa dhintay ninki waqtigiisi dhamaado balse asbaabaha soomaalida loo dilo ayaa ah mid iyada ugu wacan hadii aan kala qaad qaado sababahaas waxa kow dhihi karnaa in ay ugu wacantahay dhimashada muwaadiniinta somaliyeed.

1. waxa arkeesaa Dukaan Nin Madoow leeyahay oo kala socda ayaa agta dukaan kale looga qabanayaa kadibna beec dhimis suuq ka bixin ah ayaa lagu sameynayaa taana waxa ay ku kalifeesaa madowgi wadankaan udhashay in uu ku kaco falal dil iyo dhac.

2.  Ganacsatada Somalida K/Afrika ayaga oo kaliya ayaa isu shaqeeya sidaas darted ma jiro ganacsade Somali oo muwaadiniinta k/afrika ay ushaqeeyaan taana ay keeni karto in lagu cidleesto.

3. Ganacsatada somalida ayaa ah kuwa ka liita xaga aqoonta gaar ahaan fahamka luqada Englishka oo ah luqada 1, ee wadankaani iyadoo mararka qaar aad arkeeso in somalida si qaldan u adeegsadaan erayo dhalin kara gafaf waa weyn marka loo eego wadankaan k/afirka sida (Fukien you).

4. dilalka somalida loo geesto ayaa waxa qeyb ka ah shirqoolo iyaga qudhooda isu maleegaan taasi oo keeneeso ganacsatada qaar oo dhinac maray Dhaqankii iyo diintii umada soomaaliyeed lagu yaqiinay.

waxa kamid ah  qisadaani : Sida caadiga ah somalida iyo ajaanibtaba waxa jiro rag loo yaqaano dalaaliin kuwaasi oo ku kala dhax jira ganacsatada iyo cid walba oo dooneeso in ay wax iibasato ama sii iibiso, Tusaale qolo dalaaliin ah ayaa waxa ay keeneen dukaan Faaruq ah oo ku agyaalo dukaan kale oo somalida kowfur afrika leedahay misana qaali ah waxa ayna qaateen dalaaliinta lacag sidaana waxa dukaanki cusbaa ku furanay qofki danbe ee laga iibsaday.
Ninki ganacsadaha waxa uu si fudud ku furayaa dukaanki sida qaldan loogu agdhisay ninka walaalkiis ah isagoo aanba fiirin sharci, sharci daro iyo anshax toona waxana sidaa waxa  ku bilaabanaya dagaal dhax mara dukaanlihi hore iyo midka cusub ee ul mugdi kutuurka.

5. Dhibaatooyinka ugu badan ee ka jira somalida dhaxdeeda ayaa waxa ugu badan dukaano la isku dhinac qabto taa oo keento marar badan shirqoolo isku day dil oo somalida isu adeegsaneeso gacmahooda ama madowga wadankaani, tusaale kale :

Nin Somali ah oo ka dudsanaa muwaadin kale oo somaliyeed oo dhinaciisa dukaan kulahaa ayaa uyeertay nin madowga wadanka koonfur afrika ah waxa uuna ku yiri ila gal sxb qandaraas , Afrikaanki ayaa weydiiyay maxa kuu sameeyaa Boos, ninka Somalia ahaa ayaa dalbaday in lasoo dilo ninkaas, madoowgi ayaa yiri ma xuma ee isii qarash  00000$ ninki Somali ahaa ayaa yiri  Bar waa diyaar oo qaad barka kalena waa diyaare soo qaariji kadib iigu imow, sidaana waxa ku baxay ninki madowga ahaa waxa uuna utagay sida la filayayba ninkii somaliga ahaa ee la damacsanaa in la qaarajiyo kadib maxa dhacay .

Ninki madowga ahaa markuu utagay ninki oo lacagta kusoo qaatay in uu dilo ayoo ku yiri sxb  in aan ku dilo lacag intaan la eg oo hora dhac ah ayaan kusoo qaatay marka maku qaarijinaa mise qarash ayaa isiineesaa si aan asiga uqaarijiyo waa ninki soo diraye , ninki kale ee somaliga ah ee dilkiisa lacagta lagu soo qaatay ayaa isna balan qaaday laba jibaar inta kii hore dhiibay si dilka loogu celiyo ninka marki hore lacagta soo dhiibay ee soo diray madowgaan.

bal ufiirso maangaabnimada somalida qaarkeed heesata waxa dhacday in habeen habeenada kamid ah labadoodaba lagu soo weeraray waa labadi nin ee somalida ahaa ee lacagaha midba mid ka kale ku bixiyay in ay la qaarijiyo waxana dhacday in labadaba ay isaga soo cararaaan tuuladi ay joogeen oo ay marki horeba ay cabsida ku joogeen .

5.  Maxey tahay sababaha keenay in somalida ka furtaan ganacsiga miyiga fog?

C/raxman:  Dhaqaalah ugu badan ee wadanka konfur afrika laga soo saaro waxa uu ka yimaadaa Miyiga 90% taas ayaana ugu wacan in somalida ay ujilaab tagto baadiyaha.

Waxa isla su’aashani dhan kale ka cabiray ganacsade Xasan Xaaji Cadow .

Xasan Xaaji Cadow : sababaha ay somalida miyiga fog uga furanayaan ayaa ah madama meelo  waweyn aysan ku oolin xaafada fog gog sida shoprite yo pick en pay iyo melaha waaween oo wadanka laga adeegto somalida marka waxay ka faa'iideysanayaan dadkaas oo melaha adeega ah u dhaweyn

Mr Farasna maxa uu ka yiri .

Faras: Waxa somalida ku kalifa in ay ganacsi ka furan miyiga oo dhibkiisa badan yahay waxa sabab u ah ka ganacsiga baadiyaha waxa uu ka sahlan yahay kan magaalada waayo ganacsiga magaalada waxa uu ubaahan yahay qarash adag taasi oo usaamaxeenin dadka intooda badan in ay si fudud dukaan uga furtaan gudaha magaalada .
 
6. marki uu soo gaaro wadankaan muwaadinka aan waxba heesan qaabkee ayuu ku bilaabaa ganacsigiisa ?

C/raxman: waxa aamisanahay in Wadankaani konfur afrika oo safka hore kaga jira wadamada inta badan ay dhaqaalaha ku abuuri karaan dadka saboolka ah taasi oo usahleeso in uu si fudud ku helo shaqo ah shaqaale tan labaad waxa laga yaaba marka uu shan ama afar bil joogo wixi uu shaqeestay in uu dad kale wax isku darsadaan kana sii bilaabaan (ayuuto ) oo mudo yar kadib noqdaa nin wax leh tani waa mid kamid ah aas aaska hore ee ganacsata somalida ee aan waxba la tagin .

Xasan Xaaji Cadow : somalida wadankaan joogto ma ahan sida soomalida kale oo qurbaha joogo marka aan saas dhahayo waxan ula jeeda somalida wadanka waxay u shaqeeyaan soomali kale oo wadanka uga soo horeeyey iyagoo sas ku bilaabo shaqaalanimo  bilo kadibna lacagta u aruurto ku furto ganacsi u sheer dadkale kula noqonayo sida ayuuna ku bilaabaa

Faras:  Muwaadinka somaliga ah kolka uu soo gaaro wadankaan ugu horeen waxa uu ubaahan yahay gacan taageero in la siiyo haidi ay ahaan leheed mid ehelnimo oo raga la heybka ah ay siinayaan ama mid saaxibtinimo oo macriifadiisa ah kadib waxa uu ka howl bilaabayaa mid kamid ah dukaanada somalida oo ah kuwa iyaga isu shaqeeya oo kaliya sida aan horay usoo sheegay
kadib kolka uu kala fahmo nidaamka iyo ka ganacsiga wadanka waxa uu si fudud u heli karaa in uu dukaan dad kula shirkoobo .

Tusaale waxa uu sameynayaa in uu si dalaalnimo ah ku keeno dukaan faaruq ah oo sidaa qeyb ku noqdo ama uuyahay nin howlkar ah oo ay ubaahdaan rag ubaahan aqoontiisa lacagna heestaan ama sidoo kale lacago oo ka helo eheladiisa sidaasna dad wax ugu darto


7. Sharciga Wadanka Koonfur afrika ma yahay mid ba baadinaya Xuquuqda dadyowga soo galootiga ah mise waa mid ana in badan xooga saarin arimahaasi ?

C/raxman: Xaqiiqdi sharciga Wadanka Koonfur afrika ee dadka soo galootiga gaar ahaan somalida waa mid aad usareeya waxana loo ogol yahay muwaadinka somalida sharci gaaraya 2 sano fursadaani oo ah mid aan la wada siin dadyowga kale ee wata jannsiyadaha aan somaliga aheyn  oo ugu badnaan la siiyo 3 bil sidoo kale somalida waxa loo ogol yahay Travel Ducument oo aan loo ogoleen ajaanibta kale ee jooga gudaha wadanka koonfur afrika waxana loo ogol yahay wadamada qalalaasaha ka jira afrika sida somaliya.

8. maxey tahay Xiriirka ka dhaxeeyo Somalida iyo Kowfur Afrika ? ma mid wanaagsanaa mise waa mid somalida ka muuqato hanweyn.

Faras: Dadka somaliyeed ee ku dhaqan wadanka K/afrika waa kuwo inta badan wadankaan ujooga in ay wax kasoo saartaan dhaqaale ah kadibna ay dib ugu laabtaan wadamadi ay ka yimideen sida aan filayo ma jiro muwaadin somaliyeed ee go’aansaday in uu halkaan saldhigto sidaas darted somalida diyaar uma ahan marnaba in ay ku dhax milmaan dadka wadankaani..

Sidoo kale dadka somaliyeed ayaa ku dhax milmida dadka udhashay wadankaani waxa ay udiidaan in ay in badan la barto xogtooda hoose taasi oo somalida jeceshahay sirahooda in ay uqarsadaan wallow xaalada iminka ay faraha ka baxday oo shirqoolo dil xataa ay isu adeegsadeen somalida.

Waxa mr faras uga aragti duwan isla su’aashani Mr C/raxman
.
C/raxman: Xaqiiqdi ma jiro wax xiriir ah oo ka dhaxeeyay somalida iyo dadka wadankaani udhashay ee koonfur afrika , dadka koonfur afrika waxa waaye dad daneeyay in ay xiriir la yeeshaan dadka somalida sida Waaxda Amniga, Ururada Bulshada balse somalida ayaa waxa ka muuqataa habacsanaan ayaga dhaxdooda ah oo aan laheen wax isku xir dhaxdooda ah taasi oo mararka qaar dadka isku daya in ay sameeyaan xiriir dhax mara jaaliyada somalida iyo dadka udhashay wadankaani lagu eedeeyo in ay dhaqaalo doon yihin sababtana sii kala fogaansho somalida dhaxdeeda ah .

Mudane Xasan Xaaji Cadow isna maxa uu ka yiri .

Xasan Xaaji Cadow Xasan : xaqiiqdii somaliga iyo dowlada koonfur africa wax xiriir eh oo ka dhaxeeya ma jiryo ama ka dhaxeyn karo maxa yeelay dowlad dowlad ayey xiriiir iyo cilaaqad la yeelata somalia wax safiir ah oo meeeshan u fadhiyo wadankan ma jiro marka dowlada qof la xisaabtanto oo ay xiriir la sameyso ma joogto ayan dhihi karnaa 

9. Xiriir intee la eg aa ka dhax jira somalid iyo konfur afrika marka loo eego xaga guurka ?

C/raxman: Xaqiiqdi wax xiriir guur ah kama dhaxeeyo somalida iyo Konfur afrikaanka waxana si muuqata ujira 96% in somalida aysan diyaar u aheyn guud dhax mara somalida iyo konfur afrikaanka, balse waxa jiro hablo konfur afrikaan ah oo doonaya in ay nolol la wadaagaan somalida balse ku dacaayadeeya somalida in ay yihiin dad aan laheen wax raad raac ah oo kolka ay uureeyaan isaga dhaqaaqa sida ay sameeyaan ajaanibta kale ee ka xamaasha gudaha wadanka koonfur afrika.

Mudane Faras isna maxa uu ka yiri .

Faras: Ugu horeen Raga iyo Dumarka Somalida midna kuma dhiirado in uu guursado Hablaha iyo raga reer Konfur afrika, waa laga yaabaa in aad aragto muwaadin somaliyeed oo qaba mid kamid ah hablaha wadanka koonfur afrika waana 1% oo ay kuu muujineeso sida ay uadagtahay is dhaxgalka jinsiyadeed ee somalida iyo konfur afrika.

is dhax gal la’aanta labadaan bulshadood ayaa sidoo kale waxa qeyb ka ah dabeecadaha dadka udhashay wadankaan ay kula dhaqmaan somalida iyadoo marar badan aad arkeeso ayaga oo leh (Go Back Your Home) Wadankaaga ku laabo.

Ganacsade Xasan Xaaji isna waxa uu ka yiri .

Xasan Xaaji Cadow: xaqiiqdi dad is dhax galay way jiraan madama is dhax galka uu yahay mid aad u yar ama somalida ay ku faraxsaneyn madama ay dadkani yihiin diinta cristianka u badan


10. Somalida degan magaalooyinka waa weyn sida JHB iyo CPT IWM,  majirtaa dhibaato ay la kulmaan, waa sideese xiriirka hay’adaha Amaanka ?

C/raxman: Xaqiiqdi muwaadinka somalida ha degnaado Magaalada ama Miyiga waxa ay ku xirantahay hadba qofkasta ee somaliga ah sida uu uga xiran yahay ururada bulshada kajirta deegaana  oo ka dhax ganacsanaayo

Ganacsade Faras isna waxa uu ka yiri .

  Faras: Inta badan somalida ku ganacsata Magaalooyinka waa weyn ma jirto dhac loo geesto oo ah sida in dukaan la jabsado xiliyada habeenki oo macruuf ka ah dukaanada miyiga balse waxa jiro qaabab kale oo somalida magaalada joogto lagu dhaco ganacsigooda tusaale : sida caadiga ah Qolada amaanka ee joogta magaalada waxa ay gurmad sameeyaan kolka goob ganacsi in la dhaco loo xiro balse makuu imaanayan hadii dukaanki oo furay lagu dhacayo taasina waxa ay sahashaa in rag soo duubta afka iyo madaxa ay soo weeraraan dukaanada somalida ee kuyaaala gudaha magaalooyinka kadibna si fudud ku qaata lacagaha xiligaasi ku diyaarsan gudaha dukaanka.

Laakin dhacdooyinkaan ka dhaca magaalada kuma ika somalida oo kaliya ee waxa loo geestay xataa muwaadiniinta dhashay sidoo kale waxa xiliyada qaar dhac loo geestaa bangiyada kuyaala magaalada iyo saldhigyada xataa.

Ganacsade Xasan Xaaji isna maxa uu ka yiri .

Xasan Xaaji Cadow : dhibaatooyinka somalida la kulanto ma ahan mid yar wax security ehna ma jiraan oo somalida u qaad eh madama dilka dhaca iyo kufsiga ay wadanka ka tahay wax iska caadi ah oo an dhihi karin somalida aya lagu tankooraa hadii laga reebo bussinesska

 11. Somalida ka shaqeesa miyiga fog ma isku dayaan in dhaqankooda baraan si ay isu fahmaaan bacdamaa aysan jirin saldhigyo boolis oo sidaa ubuuran ?

Xasan Xaaji Cadow :  qof kasto qumanaheeeda ayaa qoorta ugu jiro ma jirto somali isku dayda in ay dhaqanka baraan dadkaan meel kasta oo wadanka ku taalo waxa ku yaalo saldhig police oo 24/7 ka shaqeeya

Ganacsade Faras ayaa isna qaba .

Faras:  Inta badan ganacsatada somaliyeed waxa ay ku mashquulsan yihiin sida ay u hor marilahaayeen ganacsigooda oo ay usii furi lahaayeen dukaano cusub balse qorshaha kuma dartaan in ay dhaqankooda iyo dabeeadooda ku milaan dadka udhashay wadankaan si xoolahooda ay ugalaan gaashaan adag.

Ganacsade C/raxman Abuukar isna wuxuu yiri .

C/raxman: Dadka Somaliyeed ee ka shaqeeya goboladaani inta badan dhibka waxa uu ka heestaa waxa aad uyar xiriirka ay la leeyihiin buslhada ay ka dhax shaqeesanayaan taasi oo ugu horeeso fahamka luqada oo aad uliita, taasi oo mararka qaarna sababta in ay ufududaato laba sano kadib marki uu barto dadka oo la noolyahay luqadooda in uu bilaabo kobicn balse waa waqti aad udib dhacay maxa yeelay qofka marka uu cusubyahay ayoo ubaahan yahay gurmad iyo wheel taasi oo ku gaari karo in uu ku hadli karo luqadaha ay ku hadlaan dadka ku xeeran.

marka waa wax adag in dhaqankaaga aad bartaa qof aadanba hadalkeedi garaneenin taasina waa sababaha ugu badan ee somalida loogu waxyeeleeyo goobaha miyiga ah .

hadaba aqristayaasha qiimaha lahow waxa halkaa ku hakineenaa qormadeeni xiisaha badneed oo aan uga hadleenay xaalada somalida konfur afrika waxana idinkaga tageena tan ilaa jimcade danbe sidaa iyo nabad galyo

W/D: Abdirahman Sheikh Abdullaahi
Webmaster Shabakada Warsheekh
E-mail: farxad95@hotmail.com Ama webmaster@warsheekh.com
C/o: Kampala-Yugandha

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip