Beesha Mudulood oo kulab Taageero ah kusoo dhaweysay gudoomiyaha Cusub ee Gobolka

0
Sunday November 15, 2009 - 22:09:30 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 747
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beesha Mudulood oo kulab Taageero ah kusoo dhaweysay gudoomiyaha Cusub ee Gobolka

    Kulan ballaaran oo maanta ay isugu yimaadeen Wasiiro, Xildhibaani, Waxgarad, siyaasiyiin iyo aqoonyahan ka soo jeeda Beesha Mudullood ayay ku taageereen Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir Eng. C/risaaq Maxamed Nuur (Eng. Nuune).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan ballaaran oo maanta ay isugu yimaadeen Wasiiro, Xildhibaani, Waxgarad, siyaasiyiin iyo aqoonyahan ka soo jeeda Beesha Mudullood ayay ku taageereen Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir Eng. C/risaaq Maxamed Nuur (Eng. Nuune).


Kulankan oo ka dhacay Hotelka Naasahablood 2 ee Magaalada Muqdisho ayaa Beesha Mudullood si weyn ugu amaantay sida dimoqraadiyada leh ee uu xilkaas u wareejiyay Gudoomiyihii hore Maxamed Cismaan Dhagaxtuur oo si aan khilaaf ku jirin u wareejiyay xilka.

Xubnihii ka qeyb galay kulankaas oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Lacagta Eng. Yariisow, Xildhibaan Muuse Suudi, Xuseen Caraale, Xildhibaan Cali Mugambe, Cumar Finish, C/llaahi Geeddi Shadoor iyo Xildhibaano kale.

Kulanka ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha C/rashiid Xidig oo lagu casuumat, waxaana uu amaan ballaaran u jeediyay Maamulkii hore wixii uu Bulshada u qabtay.

Sidoo kale Xildhibaan Xuseen Caraale ayaa sheegay in Maamulka cusub uusan wajihin mucaarad, oo ugala jeeday in habka lagu doortay ama lagu magacaabay aheyd mid xor ah, wuxuuna sheegay in ay taageersan yihiin.

Muxidiin Xasan Afrax oo ka mid ahaa waxgaradka ka qeyb galay ayaa isagoo ku hadlayay Dallada Ururada Bulshada Rayidka iyo Hey'adda CCD waxaa uu sheegay in ay la shaqeynayaan Gudoomiyaha cusub ayna soo dhoweeyeen, isagoo sheegay in ay gacan ka geysan doonaan Horumarinta Bulshada iyo wacyigelinta.

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Cismaan Dhagaxtuur ayaa sheegay inuu la shaqeyn doono maamulka cusub, isla markaana uusan aheyn nin meel iska fadhiya, waxaana uu shacabka gobolka Banaadir ka codsaday in ay la shaqeeyaan.

Wasiirka Lacagta Eng. Yariisow ayaa sheegay in Dowladda KMG ay wado qorshe ay nabad uga dhalineyso Caasimada, wuxuuna cadeeyay in Ciidamada Dowladda iyo AMISOM ay ku filan yihiin sugida Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka.
Ugu dambeyn Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Eng. Nuune ayaa uga mahadceliyay Beesha Mudullood ee uu ka soo jeedo taageerada ay u muujiyaan iyo sida ay u garab taagan yihiin, wuxuuna sheegay inuu uu soo celin doono amnigii iyo bilicdii ay laheyd Caasimada.

Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir ayaa wada wada tashiyo iyo kulamo uu la yeelanayo Beelaha Soomaaliyed, iyadoo taageerada ballaaran ee ay beelaha u muujinayaan la ogeyn sida wax ay uga badali karto Gobolka caanka ku noqday dagaalada joogtada ah

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip