Sidee loo yarayn karaa qalaqalka furiinka deg dega ee ku yimaada Hablaha Somaliyed‏ ?

0
Sunday November 29, 2009 - 18:28:56 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 4055
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee loo yarayn karaa qalaqalka furiinka deg dega ee ku yimaada Hablaha Somaliyed‏ ?

    1. Waxaa lagu yarayn karaa iyadoo la raaco Jidka toosan lagana dheeraado wixii hadhow dhalin kara Buuq iyo Shaki oo ay kow ka tahay Beentu. Raga badan ayaa aaminsan in beenta oo loo sheego qofka dumarka ahi ay tahay wax loo baahan, iyagoo arintaasi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1. Waxaa lagu yarayn karaa iyadoo la raaco Jidka toosan lagana dheeraado wixii hadhow dhalin kara Buuq iyo Shaki oo ay kow ka tahay Beentu. Raga badan ayaa aaminsan in beenta oo loo sheego qofka dumarka ahi ay tahay wax loo baahan, iyagoo arintaasi ku salaynaya Maahmaahda ah (Dumar Beena waa lagu soo xero geshaa Runa waa lagu dhaqaa) laakiin waxay, hilmaansan yihiin Maahmaahda kale ee odhanaysa (Beentaada hore Runtaada danbe ayay Raacdaysaa) waxaan leeyahay wax Runi qaban wayday Beeni qaban mayso ee la laga digtoonaado balan qaadyada aanay waxba ka jirin.

2. Maadaama uu guurku yahay mustaqbal iyo Nolosha qaybteeda ugu muhiimsan, waxaa haboon in lamaanaha kalgacaylka bilaabayaa qorsha hooda ku darsadaan in ay aragti midaysan ka yeeshaan dhinacyada Nolosha, sida dhaqaalaha,
barbaarinta ubadka, xidhiidhka Ehelka, isu soo dhawaynta labada qoys ee ay lamaanuhu ka kala yimaadeen iyo iyaga qudhooda oo mid waliba si hagar la’aan ah af iyo qoraalba ku gudbinaya waxa uu Nolosha ka aaminsan yahay, si midba mid ka kale u dareemo farqiga u dhexeeya oo aanay arintu noqonin hadhaw sidaa maan moodayn, iyo dabeecado kale ayay la soo baxday ama uu la soo baxay.

3. Waxaa kale oo kaalin mugleh ka qaadan kara isfahamka lamaanaha, iyo yaranta Khilaafka Qoyska Soddohda dhashay Haweenayda oo runtii ah Mus danbeedka Reerka, waxaana inta badan la sheegaa in dhibta xoogeeda ay ka qayb qaadato.

4. Belwedaha kala gedisan sida, Qaadka, Alkoolka, Sigaarka iyo Badeecada ayaa ah arin qayb libaax ka qaadata buuqa iyo barbilowga khilaafaadka reeraha badan Noloshoodii Ragaadiyay, Waxaana loo baahan yahay in laga waantoobo ama marka hore heshiis laga gaadho arimahan muqaadaraadka ah.

5. Waxaa kale oo arintan Gurmad ka geli kara, Ururada Bulshada, iyo Wasaaradaha ay arintani Khusayso sida Wassaarada Qoyska, iyo Hay"adaha ay ka mid ka yihiin Ururada Haweenka, oo runtii aan ka soo bixin kaalintii looga baahnaa.

6. Waxaa kale oo iyana Khilaaf keena Ninka oo Guursada Haweenay kale, arintaasi waxay gelisaa Marwadiisii hore welwel hor leh kaas oo ku salaysan in ay aragtay in lala qaybsaday Saygeedii. Haweenayda Caqliga badani iyada ayaa kaantarooli karta Ninkeeda iyada oo maraysa dariiqa ah in ay u samayso soo jiidasho badan iyo raali gelin ay xaga Allaah kaga helayso Ajar faro badan, diintuna in badan ayay ka hadashay Raali gelinta Ninka ay Raali gelinayso haweenaydiisu. Ninkuna waa inuu ka digtoonaadaa Guurka Haweenka tirada badan hadii aanu u cadaalad samayn karayn, arinta cadaalada oo ah arin runtii aad u adag, xisaab Allaahna ay ka danbayso.

Dumaashu miyay ka qayb qaadataa dhibta Furiinka

Bal aynu isku dayno in aynu arintaas wax ka taataabano.
Dumaasha ayaa ah dhaqan in badan ku dhaqmi jireen dadka Soomaalidu, run ahaantiina iila muuqda arin lagu higsanayo horumar, taasi oo ay ugu wayntahay in la daryeelo ubadka ay haysato haweenayda la dumaalayaa, arintan waxaa la odhan karaa waxaa keentay daruuf, si kasta oo ay tahayba marna ma soo dhawaynayso hawaanayda guriga hore usii joogtay tan danbe ee duruuftu keentay.,

Waxaa odhan lahaa arintan in ay sabir badan dumarka la yimaadaan, gabadhii hore aanay u arag in ninkeedii uu ka daldoorsaday balse ay u fahanto in uu qadar Eebe yimid. Markastana lamaanaha is qabaa ay dulqaad is muujiyaan.isla markasna ay isku kol soonaadan si ay ugaraan mow qofkooda ay ku haminayaan,
Ugu danbaytii ra’yiga oo laysku qabto dhib maleh, waa in la wada hadlaa oo sidii wax ku hagaagayaan la yeelayaa iyada oo arimaha dhinacyo badan laga eegayo. Xaqiiqadii Qoyska oo hagaagaa waxa uu la midyahay bulshada oo wada hagaagta, kalsoonida, sabirka ayaa nolosha u noqon kara furayaal. Qoraaga Weyn Maxamed Yusuf Xaji Cabdiraxmaan kuna magacdheer (Keyse) ayaa gabaygiisa galiilyo u noqon karaa xaalada aynu hada ka sheekaynayno marjac ay ku gaadhi karaan horumar, waxaa uu sidoo kale gabaygu uu si wax ku ool ah ugaga hadlayaa danta guud, waxaan ka soo qaadan doonaa dhower bayd oo ka mid ah maansadii Galiilyo ee Tiriyay Qoraaga Weyn, Maxamed Yuusuf X. Cabdiraxmaan ( Kayse) waxaan sidoo kale ka cudurdaaranayaa in aanan isugu xigsiin doonin sidii uu abwaanku ku soo saaray,
waxaanu Yidhi,

Markaad samo gorfaysee
Garataa xilkaagaad
Waajibkaaga gudataa.
Markaad guudka waabtiyo
Danta loo gudboonyey
Adna taada gaarkii
Godaloolo beeshaa.
Marka aad gefkaagiyo
Guracaaga hubisee
Garta waafaqdaa baa
Dadku kuu garaabaa.

intasi hadaan ku dhaafno Gabaygii Maxamed Yuusuf X. Cabdiraxmaan (Kayse) waxayna Qayb ka ahayd Maqaalka aan maanta Diirada ku Saaraynay Fariinka Dumarka ,iyo Marxalda kala gadisan ee ay Soo mareen
Qayb miyay ka tahay Furiinka Dumarka Saxaabnimada,?

Haa waa la oran karaa way ka tahay Qayb waxaana lagu orankaraa Dumarka waxay inta badan yihiin kuwa hadalada isku sheegta hadii aan tusaale ka soo qaato waxay ku dhahaysaa Ninkaa waxaa uu hada la taagnaa Naag marka ifur dheh maxaadku falaysaa,waana tan inta badan ka dan baysaa Faruunka deg deg ee ay Qoys ku bur buri ,isla markaasi waxaa laga yaabaa inay hadalkii ay qaatado markaas ku tiraahdo waxaan Doonayaa war qadaydii halkaasna uu ka dhasho Buuq lixad leh oo markasi ay ku kala tagaan Lamane is jeclaa waxaana intaasi ka dan baysa Hadal lagu soo yire Dumarkana waxay Caado ka dhogteen inay inta badan ay ka shaqeeyaan Xumaanta Qoyska ,

Hadii ay dhacda lacag la,aan waxay Dumarka Badaaanaba ay iska Dhaa dhiciyaan amaba Dumarka ay ushegaan inay iska Furto ninka aan Waxba haysan waxayna inta badani ay ku soo lifaaqan Arimaha Qoyska ayna ku Xujeeyaan inuu keena aqalka waxay yadu u bahan tahay,lakiin isla markaasi waxaa dhacda inuu san awood u lahay inuu waxay ubaahan tahay isla markaasi keeno ayna ku xirto haduu san iikeenay waxaan raba muxuu ugu Qabaa ,la yaab ayay mar marka Qaar taasi noqotaa Maalka iyo maal la.aanta allahaa aya hayae waxaana dhaci karta inuu helo maal ku filay isla markasna ay kuwada Farxaan Reerka oodhan .lakiiin waxaa dhacda inay san Dumarka Qaar kood aysan lahay Iimaan isla markasna ay u sam rayn Saygeeda waayo haday Raaliyo tahay ayna u samarta waxay helaysaa Jano waayo Naagta Ninkeeda u Noqotaa Raaliyo waxay helaysaa Jano Adunkana waxay ku noolanaysaa Nolal wanagsan (Samirku Diinta Islaamka ayay Bar ka tahay )waxaana laga yaaba in ay Raacda wado xun taasi oo ah inay B

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip