Hadaba Halkaan kala soco Shaxda Barnaamijyada Todobaadlaha.
JIMCO: (NASASHADA jIMCAHA), waa Maqaal had iyo goor aan soo diyaarino jimco walba inagoo ku eegno hadba maqaal xiiso badan oo aan is leenahay bulshada ugala qeyb qaata nasashada jimcaha oo ay ka nasanayaan shaqada isbuuci, Kala soo Xiriir E-Mail: nasashada@warsheekh.com
SABTI: (KORORSO AQOONTAADA), Waa barnaamij xiiso badan xambaarsana macluumaad muhiim ah hadii ay ahaan laheed aqoon guud iyo mid gaarba waxana ugu tala galnay Ardayda Dugsiyada Hoose/Dhexe iyo Sare ilaa heer jaamacadeed sidoo kale waxana ka reebneen bulshada qeybaheeda kala gedisan oo ay kujiraan qeybo badan oo aqoon guud ah .
AXAD; (XULASHADA WARSHEEKH), Waa Barnaamij si gaar ah aan ugu qaadaa dhigi doono Maqaalo xasuus kugu reebi doona inagoo kusoo qaadan doono Qormooyin Macluumaad gaar ah Xambaarsan,
la Soo Xiriir E-mail: xulashada@warsheekh.com
ISNIIN/ KHAMIIS: (SHEEKO), Maalmaha Isniinta iyo Khamiista waxa kusoo qaadan doonaa qormo taxane ah oo noqon doonto Sheeko jaceyl oo aan kasoo xuli doono bada Qormooyinka jaceylka hadba sheeko aan is leenahay waxa laga dheehan doonaa ujeedo iyo fikrado muhiim ah isla markaana xusuus iyo kurbo jaceyl laga dhadhansan karo,
Kala soo Xiriir E-Mail: sheeko@warsheekh.com
TALAADA: (QOSOL, MURTI IYO MAAHMAAHYO), Waxa kusoo qaadan doonaa Qosolka iyo Shactiro, Murti iyo Maah-Maahyo oo aan sidoo kale kasoo dhax xulan doono dhaqanka iyo caadada aanu leenahay,
Kala soo Xiriir E-Mail: suugaan@warsheekh.com
ARBACA: (QUBANAHA ISBOORTIGA), Waa barnaamij aanu ku qaadaa dhigi doono mucjisooyinka Kubada Cagta iyo xogta hoose ee Isboortiga dunida iyo kan soomaaliga isla markaana aan kusoo bandhigi doono dhacdooyin isboorti oo aad muhiim u ah, Kala soo Xiriir E-Mail: qubanaha@warsheekh.com
‘Shabakada Warsheekh’ Soodhawaynta & Isku dubbaridaha Xurriyadda Ra'yiga!
Walaal aqriste, ma dhacday hadda ka hor in lagu cadaadshay ama aad cadaadis la kulantahy?!
Madhacday hadda ka hor in xaqaaqa aad u leedahay in aad ra'yigaaga dhiibato lagaa inkiray?!
Ma dhacday hadda ka hor in aad intaad hadal maagtay, aamus lagu yiri, oo hendedaad iyo cabsiin laguugu deray?!
Ma dhacday hadda ka hor in kuwa jahli iyo cadaawo isku gaashaan buursaday ay kugu jujuubeen in aad ra'yigooda raacdo?!
Haddii aad la kulantay waxyaabahaas kowo kale oo la mid ah, maanta waa laga baxay waqtigii lays jujuubi jiray, oo jaahilku caalimka afqabanjiray.
Adiga oo ku bishaaraysanaya horumarka warbaahinta casriga ahi gaartay ha illoobin in aad cadkaaga goosato, oo aad ra'yigaaga si madaxbannaani leh u dhiibato, adiga oo aanan cidna ka baqin!!
Shabakada Warsheekh waa wargayska kaliya ee xurnimo buuxda kuu siinaya in aad fidiso figradahaaga,
Fiiro gaar ah: dhamaan Barnaamijyadaani waxa maamuli doono Rugcaddaayaal aqoon durugsan uleh qeybaha ay maamaulayaan ee wehel ka dhigo
shabakada warsheekh.com
W/D: Webmasterka Shabakada Warsheekh
Abdirahman Sheikh Abdullaahi
Tell: 256-784-099-092
E-Mail: Farxad95@hotmail.com
- webmaster@warsheekh.com
Kampala-Yugandha
Ogeysiis: Shaxda Barnaamijyada Cusub ee Ka Bixi Doona Shabakada Warsheekh Isbuuc Walbo
Shabakada Wararka ee Warsheekh waxa ay sii deysaa barnaamijyo kala duwan, waxaana ka mid ah wararka caalamka oo aan maalin walba Nagala socotaan oo ay weheliyaan barnaamijyo isugu jira ammuuraha markaa taagan , Qubanaha Isboortiga, Wareysiyo, Fikrad