Muhiimada Caruurta ay uleedahay Naas Nuujinta Hooyada (By Abati)

0
Friday December 25, 2009 - 13:25:04 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 9796
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Muhiimada Caruurta ay uleedahay Naas Nuujinta Hooyada (By Abati)

    Arar 2. Muhiimadda naas nuujinta 3. Naas nuujinta casriga Tignoolajiyada 4. Faa'iidooyinka caanaha hooyadu uleeyihiin carruurta: v Korriinshaha garaadka v Difaaca jirka v Infekshinada v Buurnaashaha v Cudurrada xasaasiyada ama cuncunka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arar 2. Muhiimadda naas nuujinta 3. Naas nuujinta casriga Tignoolajiyada 4. Faa'iidooyinka caanaha hooyadu uleeyihiin carruurta: v Korriinshaha garaadka v Difaaca jirka v Infekshinada v Buurnaashaha v Cudurrada xasaasiyada ama cuncunka v Kaadi macaan v Cudurro kale v Dareenka nafsiyadeed ee ilmaha yar 5. Faa'iidooyinka hooyada ay ka helayso naas nuujinta: o Kansarka o Kaadi macaanka o Isku uruuridda ilma galeenka o Dhismaha jirka o Uureysiga (uur qaadid) 6. Caanaha hooyada iyo caanaha warshadeysan ama xoolaha 7. Isbarbardhigga caanaha hooyada iyo caanaha warshadeysan


8. Miisaanka u kordhaya carruurta naaska nuugta
 
 
Naas nuujinta gaarka ah
10. Tixraaca Qormada
Arar
Waxaa mahad oo dhan iska leh allaah sw, allahii nagu hanuuniyay diinta islaamka na tusana dariiqa Cilmiga iyo aqoonta, nabad gelyo iyo naxariis ha ahaato nabigeena dushiisa.
Intaa kaddib, haddii ilaah noo suurageliyo waxaan soo bandhigayaa qormadan aadka uxiisaha badan ee diiradda saareysa naas nuujinta faa'iidada ay uleedahay carruurta iyo hooyada labaduba, anigoo soo qaadanaya daraasado ay sameeyeen saynisyahanno reer galbeed ah. Waxaa kale oo ku jira qormadan isbarbardhig aan ku sameynayo waxyaabaha ku jira caanaha hooyada iyo kuwa ku jira caanaha lo'da iyo weliba faa'iidada mid waliba leedahay iyo faa'iido darradaoodaba.
Qormadan waxay aad u anfacaysaa qeybaha bulshada oo idil, si gaar ah hooyooyinka soomaaliyeed oo intooda badan aan aqoon ulahayn faa'iidada ay caanaha naaska u leeyihiin carruurta. Dadka qaar baana aaminsan in caanaha naaska ay barax yihiin oo aaney ilmaha wax nafci ah ulahayn, sidaa awgeed waxaan filayaa in dad badan ay ka ororsan doonaan cilmi aaney horey u ogeyn.
Naas nuujinta
Ilaah sw waxa uu quraankiisa ku leeyahay:
أن يُتّم الرضـاعــة) (و الوالـدات يُرضِعن أولادهن حَولين كاملـين لمـن أراد
Suurat Albaqarah, aayadda 233aad.
Aayaddan waxa ay tilmaamaysaa seddex arrimood oo muhiim ah, waxa ayna kala yihiin:-
1. Ahamiyadda in hooyada naaskeeda nuujiso ilmaheeda yar, cuntana ay unoqdaan caanaha naaskeeda, maya caana xoolaad.
2. in naas nuujinta socoto muddo dheer.
3. in naas nuujintu ku buuxsameyso 2 sano, si ilmuhu u helaan faa'iidooyinkeeda xag caafimaad iyo xag sharciyadeedba.
Ereyga naas nuujin iyo kuwa laga soo dhiraandhiriyay waxa uu ku soo arooray quraanka kariimka ah 11 jeer.
Sheekh ibnu kathiir waxa uu ka yiri aayaddaas: tani waa hanuunin uu alle ku hanuuninayo hooyooyinka inay carruurtooda u dhammaystiraan naas nuujinta, waana laba sano, wixi intaa dhaafsiisanna looma ictibaarinayo naas nuujin, sidaa awgeed ayuu yiri:[ أن يتم الرضـاعــة لمـن أراد ] oo micnaheedu yahay; qofki doonaya inuu naas nuujinta dhammeystiro.
Qataadah ibnu dacaamah waxa uu yiri: naas nuujinta waxa ay noqon lahayd waajib haddii uunan ilaah raacin lahayn aayadda qeybteeda dabe ee micnaheed yahay qofki doonaya inuu naas nuujinta dhammeystiro.
Muhiimadda naas nuujinta
Quraanka kariimka ah waxa uu caddeeyay muhiimadda naas nuujinta leedahay, isagoo ka dhigay nooca cuntada ee ugu fiican oo ilmaha la siinayo labada sano ee ugu horreeya noloshooda, itaas oo dhanna waxa ay ku caddahay hal aayad oo qura taasoo ah mucjisada uu wato quraanka.
Seddex qarni ka hor ayaa hay'adaha Caafimaadka iyo kuwa Daryeelka hooyada ee reer galbeedka waxa ay billaabeen inay u dardaarmaan hooyooyinka inay carruurtooda naaska nuujiyaan 6da bilood ee ugu horreysa noloshooda, balse muddo kaddib ayay siyaadiyeen oo ay ka dhigeen hal sano, sanado kaddibna waxay ka dhigeen 2 sano oo kaamil ah. Arrintan ayaa timid kaddib markii tobannaan sano ay wadeen cilmi baarisyo ku baxday tobannaan milyan oo dollar, waxayna ogaadeen in naas nuujinta ay waqtigaas iyo lacagtaas faraha badani ku baxday uu aad ufaah faahiyay quraanka kariimka ah 14 qarni ka hor.
Ururka Caafimaadka adduunka WHO iyo sanduuqa badbaadada carruurta UNICEF waxa ay sheegeen in hal malyan iyo bar carruur ah ay sanad kasta dunida ugu dhintaan hooyada oo aan naaskeeda nuujin darteed [1], inteeda badana ay ka dhalato carruurta oo la siiyo caanaha gasacadeysan (caanaha lo'da) laguna siiyo basaasadda oo ay adagtahay in si fiican loo nadiifiyo. Iyadoo tiro dhan 9 milyan oo kalene ay nafaqo darro soo food saarto sababtoo ah caanaha oo si aad ah loo barxo, taasoo horseedda inay carruurta ku dhacaan cudurro badan oo dhimasho keena [2, 3].
Siyaasadda naas nuujinta ee akaademiyada mareykanka ee caafimaadka carruurta American Academy of Pediatrics (AAP), waxa ay leedahay:'' dib udhig miisaamidda, qiyaasaha (dhererka iwm), u meyridda iyo irbadeynta ilaa uu ilmaha ka dhammeysto naas nuugidda kowaad''.
Carol Huotari oo la taliye ka ah kooxda Le Leche League International ee dhiiri galisa naas nuujinta ayaa tiri: suurta gal ma aha in caanaha la warshadeeyay ay udhigmaan caanaha naaska hooyada, xataa haddii ay sharikaadka caanaha sameeya isku taxalujiyaan inay usoo dhaweeyaan kuwa hooyada, waxa ayna kala sinnaan karin faa'iidooyinka nafsadeed, jaceyl iyo isbedellada hormuun iyo dhisme ee ka dhasha nuujinta dabiiciga ah [4, 5]. Sida ay caddeeyeen cilmibaarisyo la sameeyayna caanaha hooyda waa cuntada ugu faa'iidada badan ilmaha xataa naaska hooyo kale.
Naas nuujinta casriga tignoolajiyada
Inkastoo ay jiraan waanooyin fara badan oo soo noqnoqda, haddana 50% ka mid ah hooyooyinka mareykanka ayaa ilmahooda nuujiya marka ay umulaan, 22% ayaa iyana nuujiya carruurtooda muddo 6 bilood ah, halka 45% hooyooyinka iswiidhan udhashay ay carruurtooda nuujiyaan muddo 9 bilood ah.
Hooyooyinka carruurtooda nuujiya 12 bilood waxa ay gaartay dalka ustareeliya 21.2%, dalka ingiriiskana 21%, taliyaanigana 9.3% [6, 7, 8, 9]. waxaana xusid mudan in inka yar 2% oo qura hooyooinka ay yihiin kuwa aanan awoodin naas nuujinta sababo caafimaad awgood [ 10 ].
Faa'iidooyinka caanaha hooyadu uleeyihiin carruurta
Korriinshaha garaadka:-
Daraasad lagu sameeyay dalka Mareykanka ayaa muujinaysa in xiriir adag ka dhexeeyo garaadka ilmaha/ kartidiisa wax garasho iyo Muddada uu naaska hooyadiis nuugayay. Carruurta nuugayay naaska in kabadan 18 bilood iyo ka badan waxa ay dhigeen iskoor 6-8 dhibcood ka sareeya kuwa la siiyay caanaha la warshadeeyay marki laga qaaday cabbirka garaadka ee loo yaqaan IQ [ 11,12,13].
Waxaa kale oo jira daraasado taageeraya arrintan oo lagu sameeyay dalalka Denmark, New Zealand iyo UK.
Difaaca jirka:-
Caanaha naaska hooyada waxay uga soocanyihiin kuwa xoolaha iyo kuwa la warshadeeyayba inay yihiin daawo iyo cunto. Dambarka oo ah caanaha ugu horreeya ee ka yimaada naaska hooyada, socdana 3da maalmood ee ugu horreeya ilaa usbuuca kowaad waxa ay muhiim uyihiin nolosha ilmaha iyo difaaciisa ka hortaga cudurrada, waxaa ku jira walxaha difaaca ee looyaqaan globulins gaar ahaan (IgA, IgG), oo lagama maarmaan u ah ka hortagga noocyada bakteeriyada, qaar ka mid ah fayrasyada sida kan keena sinyarada ama dabeesha ee loo yaqaan (polio), kan keena jadecada iyo ka keena qaaman bararka (qaamow qashiir) ama (mumps), waxaa kale oo ay ka hortagaan xanuunnada ku dhaca sanka, dhegaha, hunguriga iyo dheefshiidka[[14]].
Waxaa kale oo intaa sii dheer caanaha hooyada waxaa ku jira borotiinnada difaaca jirka ee loo yaqaan interferon lana dagaalama fayrasyada, laaktoferrin iyo laysosaym, qaar ka mid ah walxaha loo yaqaan complements iyo tiro fara badan oo ah unugyada cad cad ee dhiigga. Hal qaaddo (mulqacad yar) oo caanaha hooyada ah waxaa ku jira ilaa 3 milyan oo unugyada difaaca jirka ah [ [15] ], halka caanaha la warshadeeyay aaney ku jirin wax unugyada iyo borotiinnada difaaca jirka ah[[16],[17]].
Waxaa intaa sii dheer, in carruurta aan naaska la nuujin ee la siiyo caanaha caadiga ah ama kuwa la warshadeeyay ay aad uliidato la qabsigooda tallaalka carruurta[[18][19]], kana hooseyso kuwa naaska la nuujiyo ilaa 500 jeer[[20]].
Infekshinada:-
Unugyada difaaca jirka waxa ay ka hortagaan noocyo fara badan oo bakteeriya ah sida: Cholera vibrio oo sababta daacuunka, E. coli, Shigella, Salmonella, iyo qaar ka mid ah fayrasyada sida: Coxaki-B viruses, Herpes simplex iyo Polio virus.
Cudurrada kale ee ku badan carruurta aan naaska hooyadood la nuujin waxaa ka mid ah; cudurrada neef mareenka iyo Kuwa dheef shiidka sida shubanka.
Buurnaashaha:-
Daraasaduhu waxa ay muujinayaan in buurnaashaha ay ku badantahay carruurta aan la nuujin naaska hooyada ee la siiyo caanaha lo'da ama kuwa la warshadeeyay, kuwa naaska la nuujiyo waqti dheerna ay ku yartahay buurnaashaha.
Naas nuujinta waxa ay hoos udhigtaa buurnaashah xad dhaafka ah ee carruurta da'doodu udhexeyso 39 ilaa 42 bilood [[21]], habka ka hortaga buurnaanta ee naa nuujintana waxa uu sii kordhaa markasta oo uu sii dheeraado waqtiga naas nuujinta [[22],[23]].
Cudurrada xasaasiyada ama cuncunka:-
Daraasadaha waxay caddaynayaan in carruurta la siiyo caanaha lo'da ama kuwa la warshadeeyay ay ku badantahay xasaasiyada noocyadeeda kala duwan, Tusaale ahaan; xasaasiyada dheefshiidka 50-60%[[24],[25]], neef mareenka 30%, cuncunka maqaarka 70%, taana waxaa ugu wacan borotiinada ku jira caanaha lo'da oo aaney xamili karin carruurta dhaliyana tiro badan oo xasaasiyada ah.
Kaadi macaan:-
Naas nuujinta dabiiciga ah (gaarka ah) waxa ay ka hortagtaa kaadi macaanka (nooca 1aad) ee caadiyan ku dhaca carruurta da'da yar [[26],[27],[28],[29]], waxa ayna hoos udhigtaa xaddi dhan 25- 50%, sababtuna waxa weeyaan borotiinnada ku jira caanaha lo'da waxa ay dhiiri geliyaan difaaca jirka inuu weeraro ganaca isla markaana bur buriyo.
Waxaa kale oo la ogaaday in naa nuujinta qeyb ahaan ka hortagto Kaadi macaanka nooca 2aad [22, 23] sababtoo ah raadka ay ku leedahay Buurnaashaha carruurta [[30]].
Cudurro kale:-
Naas nuujinta caadiga ah waxa ay ka hortagtaa cudurro kale oo aan ahayn kuwa kor ku qoran, sida cudurka loo yaqaan (celiac disease), shubanka, lafa jileec, maskax garaadka, kansarrada qaar, xanuunnada kaadi mareenka iyo kuwo kale.
Dareenka nafsiyadeed ee ilmaha yar:-
Daraasaduhu waxa ay caddeeyeen in naas nuujinta dabiiciga ah iyo laab ku qabashada ilmaha ay door weyn ka cayaarto korriinshahooda iyo kalsoonida nafsadeed, saameynna ku yeelato dhaqanka ilmaha mustaqbalka. Waxaa kale oo ay daraasadu isla xariirisay falalka dambiyadeed ee dhalinyaranimada iyo naas nuujin la'aanta carruurta.
Faa'iidooyinka hooyada ay ka helayso naas nuujinta
1. Kansarka:-
Naas nuujinta waxay dawr weyn ka cayaartaa ka hortagga kansarrada ku dhaca naasaha, ugxan sidaha iyo ilma galeenka[ [31],[32],[33],[34] ]. Daraasado gaaraya 47 daraasadood oo laga sameeyay 30 dal waxa ay muujinayaan in hooyooyinka naaska nuujiyay muddo 6 bilood ah dalalkaas ay hoos udhitay 25kun oo xaaladood oo sanad kasta dhici jiray, halka naas nuujinta muddo 12 bilood ah ay hoos udhigtay 50 kun oo xaaladood sanad kasta [[35]]. Daraasaduhu waxaa kale oo ay sheegeen arrin cajiib leh oo ah in gabdhaha naaska la nuujiyay inta ay yaraayeen ay hoos udhacayso 25% inuu ku dhaco kansarka naasaha [[36],[37]].
2. Kaadi macaanka:-
Daraasad ay si wada jir ah u sameeyeen Jaamacadda caanka ah ee Harvard iyo isbitaalka haweenka ee Boston ayaa tibaaxday in hooyada nuujisa naaska carruurteeda muddo dheer ay yartahay inuu ku dhaco kaadi macaanka, sababtuse weli lama qeexin [[38]].
3. Isku uruuridda ilma galeenka:-
Naas nuujinta waxa ay gacan ka geysataa isu uruurka raximka iyo inuu ku soo laabto dhumucdiisi caaidga ahayd, sababtuna waxa weeye; naas nuujinta waxa ay badisaa soo saarista hormuunka la yiraahdo Oksitosiin (Oxytocin) oo lagama maarmaan u ah ka soo saaridda caanaha naaska, iyo isu uruuridda raximka iyo ku noqoshadiisa xaaladdi iyo muggiisi ka hor uurka, waxa uuna sababaa yareynta dhiig bax ku dhaca hooyada kaddib marka ay umusho [[39]].
4. Dhismaha jirka:-
Naas nuujinta waxa ay kaalin weyn ka cayaartaa dhalaalinta xeydha ku uruurtay jirka haweeneyda xilligii uurka, waxa ayna usuuragelisaa hooyada inay dib ugu soo laabato muuqaalkii jireed ee ay lahayd ka hor uurka muddo bil gudaheed ah [[40]], waayo soo saarista caanaha waxa ay ubaahantahay tamar dhan 500 kalori maalin kasta. Dumarka aan naaska nuujinaynin si ay tamartaas u isticmaalaan waxa ay ubaahanyihiin inay alamiinteeyaan in kabadan saacad maalin kasta [[41]].
5. Uureysiga:-
Naas nuujinta waxa ay ka hortagtaa inay uur qaaddo hooyada wax nuuinaysa 98% lixda bilood ee ugu horreysa. Naas nuujinta waxay kordhisaa soo saarista hormuunka la yiraahdo Prolactin ee sameeya caanaha, isla markaana ka joojiya ugxan sidaha inuu soo saaro ugxanta, taasoo keenta in hooyada naaska nuujinaysa uunan dhiigga caadada ka imaan 6da bilood ee ugu horreeya, mararka qaarna dhaafta sanad. Waxayna keentaa in ilmuhu kala fogaadaan, taasoo faa'iido u ah hooyada iyo ilamaha naaska nuugaya.
Caanaha hooyda iyo caanaha warshadeysan ama xoolaha
Caanaha naaska waxaa ku jira in ku dhow 1000 walxood oo dhammaantood faa'iido u leh ilmaha yar, marka la barbardhigo caanaha xoolaha ama warshadeysan oo aaney ku jirin marka laga reebo walxo yar.
Borotiinnada iyo amayno aasidhka:-
Caanaha hooyada waxaa ku jira borotiinnada aad uu ugu baahanyahay ilmuhu, halka kuwa lo'da ay ku jiraan borotiinno aan shaqo ku lahayn iyo kuwo xasaasiyad ku keena ilmaha. Intaa waxaa sii dheer, borotiinnada ku jira caanaha hooyada waa kuwo si fudud uu shiidi karo dheefshiidka ilamah yar inkayar 15 daqiiqo, halka kuwa caanaha lo'da ay yihiin kuwo aaney shiidi karin dheefshiidka carruurta, una baahan inkabadan saacad, taasoo fursad siinaysa in qaarkood ay gaaraan mindhicirrada ka hor inta aan la shiidin, isla markaana sababa xasaasiyad ku beeranta ilmaha yar.
Caanaha hooyada waxaa ku yar amayno aasidhka la yiraahdo phenyl alanine, halka caanaha lo'dana ay qani ka yihiin amayno aasidhkaas, sidaa daraadeed waxaa jira cudur dhaxal ah oo la yiraahdo phenylketonuria, carruurta qabta xanuunkan waxa ay waxyeelo daran kala soo gudboonaataa caanaha lo'da, maadaama amayno aasidhkan uu ku badanyahay, balse wax dhib ah kalama kulmaan marka naaska la nuujiyo [[42],[43]].
Sidoo kale caanaha naaska waxaa ku jira xaddi badan oo cysteine:methionine kana badan inta ku jirta caanaha lo'da. Maskaxda ilmaha yarna waxaa ku yar insaymka la yiraahdo cystathionase oo methionine ubedela cysteine, waana maaddada (cysteine) muhiimka uah korriinshaha maskaxda carruurta, ahna isha ugu weyn ee laga helo taurine.
Sokorta:-
Xaddiga Sokorta caanaha ee lactose la yiraahdo kuna jirta caanaha hooyada waa 7%, halka caanaha lo'da ay ku jiraan 4.7%. Lactose ka waxa uu ka koobanyahay (glucose + glactose), sidaa awgeedna xaddiga sokorta lactose ee aadka ugu sareeya caanaha naaska waxa ay lagama maarmaan uyihiin sameysanka iyo korriinshaha maskaxda carruurta, gaar ahaan bilaha ugu horreeya noloshooda. Dhanka kale caanaha naaska hooyada waxa ay qani ka yihiin Sokorta nooca silsiladdiisa gaabantahay ee loo yaqaan oligosaccharides oo lagama maarmaan u ah korriinshaha maskaxda ilmaha mar dhaw dhashay, halka inta badan caanaha la warshadeeyay aaney lahayn sokortaas.
Aasidh dufaneedka (fatty acids):-
Kolistaroolka waxa uu ka mid yahay dufanaha muhiimka u ah korriinshaha maskaxda, sameynta nudaha Dareen wadka iyo dheecaanka xameetiga ku jira. Caanaha warshadaysan waxaa ku jira xaddi dhan 1-2 mg/100cm2, halka naaska hooyada ay ku jiraan xaddi dhan 7-47mg/100cm2.
Caanaha naaska hooyada waa isha ugu weyn ee laga helo dufanaha arachidonic acid (AA) iyo docosahexaenoic acid (DHA), labada sano ee ugu horreeya, waayo jirka carruurta ma soo saari karo labadan maado ee muhiimka u ah korriinshaha maskaxdooda.
Macdanta iyo Faytamiinnada:-
Caanaha hooyada waxaa ku jira Macdanta uu ubaahanyahay ilmaha, xaddi munaasib ah oo dheeli tiran, jirkooduna si fudud ushiidi karo. Halka caanaha lo'da ay ku jiraan xaddi fara badan oo faa'iido lahayn, dhib iyo daalna ku keena kilyaha ilmaha yar.
Caanaha naaska waxaa ku jira Macdanta la yiraahdo bir ama (iron) xaddi dhan 1mg/litre, waana xaddi si dhammeystiran unuugi karo jirka ilmaha, halka caanaha lo'da ay ku jiraan xaddi dhan 12mg/litre. Badnaashahaasna waxay keentaa waxyeello jirka gaarta.Caanaha naaska waxaa ku jirta maaddo la yiraahdo lactoferrin oo fududeysa in jirku nuugo birta 50-70%, taasoo ka dhigta ilmaha naaska hooyada nuuga kuwa ay yartahay inay ku dhacdo dhiigyarida [[44]]. Intaa waxaa sii dheer, caanaha naaska waxaa ku jira in kabadan 15 curiye, insaymyo iyo faytamiinis badan iyo in kabadan 15 hormuun.
Ka hortagga bakteeriyada iyo jeermis dhaliyaasha:-
Caanaha naaska waxaa ku jira xaddi fara badan oo ah lysozyme, oo muhiim u ah ka hortaga bakteeriyda cudurrada dhalisa ee dheefshiidka, waxaana ku jira xaddi 30 jeer ka badan inta ku jirta caanaha lo'da, waxaa kale oo caanaha naaska ku jira bakteeriyada faa'iidada leh ee la yiraahdo Lactobacillaceae oo ka hortagta inay ku badato dhefshiidka bakteeriyada nooca loo yaqaan (gram +ve) xaddi kabadan 10 jeer inta ku jirta caanaha lo'da.
Mugga qanjidhka loo yaqaan thymus galand ee carruurta naaska hooyada la nuujiyo waxa uu dhanyahay labalaabka kuwa aan naaska la nuujin. Qanjidhkan waa mid dowr weyn ka cayaara difaaca jirka.
Jadwal isbarbardhigaya caanaha hooyada iyo caanaha warshadeysan [[45],[46]]
 
Nafaqo  CAANAHA NAASKA CAANAHA LA WARSHADEEYAY FAALLO   
Dux ( Dufan) • Waxa ay qani ka yihiin maskax dhisaha omega 3s, magac ahaana loo yaqaan DHA iyo AA.
• Waxa ay si weyn u daboolayaan baahida ilmaha, heerka daboolideedana hoos ayuu udhacayaa markasta oo uu ilmuhu sii weynaado.
• waxay qani ka yihiin kolesterol
• Dhammaantiis jirka ilmuhu wuu soo nuugaa.
• Waxaa ku jira insaymka burburiya dufanka ee loo yaqaan laybees (lipase). • kuma jiro DHA
• ma wada dabooli karo baahida ilmaha.
• kuma jiro kolesterol.
• dhammaantiis jirka ilmaha sooma nuugo.
• Kuma jiro laybees. Dufanka waa kan ugu muhiimsan nafaqada ku jirta naaska hooyada, kamaqnaashaha DHA iyo Kolesterol waxa ay ilmaha ku keenaysaa inuu ku dhaco cudurrada maskaxda iyo wadnaha ee dadka waa weyn ku dhaca.
Dufanka aan jirku soo nuugin waxa ay ku keentaa ilmaha la siiyo caanaha lo'da ama warshadeysan inay dhigaan saxaro aad u ur badan.   
Borotiinis • Waa mid jilcan, si fududna lagu shiidi karo.
• intooda badan waa mid jirku nuugo.
• Waxaa ku jira Laktoferrin.
• Waxaa kale oo ku jira Laysosaym, oo lid ku ah ilma-aragtida (antimicrobes).
• Waxay qani ka yihiin borotiinnada dhisa maskaxda iyo jirka.
• Waxay qani ka yihiin walxaha korriinshaha ee loo yaqaan (growth factors).
•waxaa ku jira borotiinnada hurdada keena ama dhaliya.  • Way adagtahay shiididiisa.
• Dhammaantiis lama soo nuugo, aadna way ugu adagtahay kilyaha ilmaha.
• Kuma jiro laktoferrin.
• Kuma jiro Laysosaym.
• Way ka liitaan borotiinada dhisa jirka iyo maskaxda.
• way ka liitaan walxaha korriinshaha (growth factors)
• Kuma jiraan borotiinnada hurdada dhaliya. Ilmaha yar xasaasiyad kama qaadaan borotiinnada caanaha naaska ku jira.   
Karbohaydareyt • Waxay qani ka yihiin laaktoos.
•waxay qani ka yihiin (oligosaccharides), oo xoojiya Caafimaadka mindhicirrada.  •kuma jiro laaktoos qaar ka mid ah caanaha warshadeysan.
• way ku yartahay Sokorta nooca loo yaqaan oligosaccharides  Laaktoos waxa uu muhiim uyahay horumarka maskaxda. Heerkiisana waxay bar barro la tahay weynaanta iyo kobaca maskaxda.    
Difaac xoojiye •waxay qani ka yihiin unugyada cad cad ee dhiigga, halki mar oo uu nuugana waxa uu ka helayaa malaayiin.
• Waxaa kale oo ay qani ka yihiin walxaha difaaca jirka ee loo yaqaan immunoglobulins. • Kuma jiraan unugyada cad cad ee dhiigga.
• in yar oo Igs ayaa ku jira, balse waa kuwo aanan jirka ubaahnayn. Marki hooyada la kulanto jeermis, jirkeeda waxa uu sameysanayaa difaac (antibodies) dabadeedna ilmaha naaskeeda nuugaya ayay ugudbinaysaa (antibodies) iyadoo usii marinayso caanaha.    
Faytamii nis & Macaadin • aad ayuu usoo nuugaa irka, gaar ahaan birta, zinc, iyo calcium
•50-75% birta jirku wuu soo nuugaa.
• waxaa ku jira xaddi badan oo ah seleniyam oo ah (antioxidant) • si fiican jirka uma soo nuugo.
•5-10% birta ayuu jirku soo nuugaa.
• Waxaa ku jira xaddi yar oo ah seleniyam. Faytamiinnada iyo macaadinta ku jirta caanaha naaska waa kuwo intooda badan jirku soo nuugo. Si ay taa ubuuxiyaan waxa ay sameeyaan warshadaha caanaha inay ku daran xaddi fara badan oo ah macaadiinta iyo Faytamiinnada ka maqan, taasoo culeys ka dhigeysa in caloosha ilmaha yari shiiddo.   
Insaymis & Hormuunno • Waxay qani ka yihiin dheecaannada wax shiida sida laybees iyo amilees.
• Waxay qani ka yihiin hormuunnada thyroid, prolactin, Oxytocin, iyo inkabadan 15 kale.
• Waxay ku xirantahay hadba cuntada hooyada cuneyso. • warshadda marka la marinayo waxaa dhimanaya insaymiska waxshiida.
• Waxay kaloo dishaa hormuunnada muhiimka ah. Insaymyada waxshiida waxa ay xoojiyaan caafimaadka mindhicirrada. Waxay kaloo gacan ka geystaan dheeli tirka falalka kiimikaad ee jirka ka dhacaya. 
Jadwal caddeynaya xaddiga ay kaafinayaan caanaha naaska iyo baahida ilmaha sanadkiisa 2aad.
 
Baahida ilmaha Xaddiga uu daboolayo naaska Baahida ilmaha Xaddiga uu daboolayo naaska   
Tamar  29% Foolik aasidh  76%   
Borotiin  43% Faytamiin B12 94%   
Kaalsiyam  36% Faytamiin 60%   
Faytamiin A 75%   
Miisaanka u kordhaya carruurta naaska nuugta:-
Ilmaha naaska la nuujiyo caadiyan waxaa u kordha miisaan, waxaana ku soo koobayaa sidan:-
0–4 bilood: 170 garaam todobaadkiiba
4–6 bilood: 113–142 garaam todobaadkiiba
6–12 bilood: 57–113 garaam todobaadkiiba
Celcelis ahaan carruurta naaska la nuujiyo miisaankoodu wuu laba jibbaarmaa marka ay gaaraan 5-6 bilood. Marka ay sanad gaaraane waxa uu gaaraa 2.5 jibbaar miisaanki ay ku dhasheen. Muuqaal ahaan carruurta naaska la nuujiyo marka ay sanad gaaraan way ka dhisma qurxanyihiin kuwa caanaha la siiyo [ [47] ].
 
 
Naas nuujinta gaarka ah:-
Naasnuujinta gaarka ah waxaa loola jeedaa in ilmuhu nuugo caanaha naaska oo qura iyadoo loo raacin waxyaabo kale (sida biyo, casiir, caano kale oo aan naaska ahayn, iyo cunto nooc kasta oo ay ahaataba 6da bilood ee ugu horreeya noloshooda).

Naas nuujinta waxa ay soconaysaa iyadoo ay cunto la socoto wixi ka dambeeya 6bilood ilaa 2 sano jir.

Naas nuujinta carruurta ee gaarka ah waxaa la siinayaa ilmaha 6 ilaa 14 jeer maalinti. Ilmaha kol dhaw dhashay waxa uu isticmaali karaa 30 ilaa 90ml, kaddib 4ta todobaad ee ugu horreysa waxa uu isticmaali karaa ilaa 120ml.

Sidaa awgeed marka naaska la nuujinayo ilmaha waxaa hooyada looga baahanyahay inaaney ka joojin ilaa ay ka dareento in naaskeeda aanu caano ku jirin, waayo nafaqada ugu badan iyo difaaca jirka waxa ay la socdaan qeybaha dhexe iyo dambe ee caanaha.

Ma jirtaa xaalado hooyadu aaney naaska nuujin karin ilmaheeda?

Naas nuujinta oo ah fal dabiiciya oo eebe ku uumay aadanaha, way yartahay inay dhacdo xaalad aanaey hooyadu nuujin karin ilmaha ay dhashay. Culeysyo fara badan ayaa si fudud waxaa loogu xallin karaa adeeg wanaagga caafimaad ee isbitaalka hooyadu ku umuleyso, umuliso tababaran, dhaqaatiir iyo shaqaale caafimaad oo feejigan iyo latalin wanaagsan oo naas nuujinta ah.

Waxaa jira xaalado aan caafimaad ahaan hooyada loo oggolayn inay ilmaha nuujiso, sida hooyada qabta HIV iyo tan ku summowday wasakhda deegaanka sida curiyaha lead oo kale. Waxaa kaloo jira xaalado dhif ah oo aaney caano ka imaanayn naaska hooyada, sababtoo ah hormuunka caanaha dhaliya ee prolactin la yiraahdo oo yar ama aan la soo saarin awgeed, xaaladdan waxaa keena cudur loo yaqaan Sheehan's syndrome, oo ka dhasha cadaadiska dhiigga oo si kedis ah hoos ugu dhaca waqtiga dhalmada sababtoo ah dhiigbax culus.
w.q dr.ali omar abati binfaghi
email is ao_abati@hotmail.com

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip