Inkastoo uu dhowr jeer dib udhac ku yimid qabsoomida doorashada guud ee Soomaaliya, misana guddiga doorashooyinka dadban ee heer federal wuxuu iclaamiyay in bisha Oktoober sanadka 2016 dhammaan musharaxiinta kala duwan ku sugnaadaan gudaha Soomaaliya, sidaas awgeed sababta kor ku xusan ayaa keentay inaan ka tanasulo musharaxnimadaydii Xildhibaanimo ee aqalka hoose laga billaabo marka aan u soo bandhigo saxaafada kala duwan go’aankega.
Waxaan halkaan mahad celin ballaaran uga soo jeedinaayaa dhammaan asxaabteydii iyo taageerayaashaydii igu dhiirigeliyay musharaxnimadaydii hore oo habeen iyo maalinba ila garab istaagnaay taageero hiil iyo hooba leh, waxaana mar labaad si xushmad leh uga codsanaayaa inay is-garab taagaan musharaxa i bedelay oo kalsooni buuxda ka haysta jufa-hoosaadkii aan musharaxa u ahaan jiray iyo guud ahaan beelweynta Warsangeli Harti Abgaal.
Maadaama aan xog-ogaal u ahay xaaladaha hoose ee beelweynta, waxaa aad loogu baahan yahay in wax ka bedelid deg deg ah lagu sameeyo qaabka ay hadda wax u socdaan si loo helo beelweyn is jecel loogana baxo is xasidka iyo is xamasho joogta ah.
Waxaan ugu baaqayaa kuwa hadda hor-boodaaya beelweynta Warsangeli in ay ka waantoobaan ” hadafkooda ku saleysan waxkasta ee magaca beelweynta ku yimaad xilal iyo xoolaba aysan anaga na dhaafaan”, sidoo kale waxaan ugu baaqayaa 51-da xubnood ee loo xilsaaray inay soo xulaan xildhibaanka beesha u mateli doona BFS ee soo socda inaysan soo xulitaankooda ku saleyn yaa jeebka iiga buuxiyay, taas bedelkeeda waa inay ku saleeyaan soo xulitaankooda yaa ka xannuunsanaaya xumaanta gaamurtay ee beelweynta dhex taal iyo yaa ka danqanaaya qaranimada Soomaaliya oo 26 sano ka badan ku soo jirtay qaab darro iyo qallooc siyaasadeed.
Sidoo kale waxaan baaq culus halkaan uga soo jeedinaayaa Duubabka guud ee beelweynta Mudulood sida ku-simaha Imaamka iyo Ugaaska inay ka foojignaadaan magac-xumadii raacday 70% Odayaal-dhaqmeedyadii soo xulay baarlamaankii 2012-kii , magac-xumadaas oo aheyd "duubabkii derajooyinkoodii dollar ayay siisteen ”
Ugu danbeyntii, waxaan ugu baaqayaa guddiga doorashada dadban ee heer federaal inaysan mudnaantooda koowaad aysan noqon kursi u raadin siyaasigii baas ee ku soo daray guddiga doorashada dadban ee heer federaal, balse ay mudnaantooda koowaad noqoto u hiilinta shacabka Soomaaliyeed oo lagu qiyaaso ilaa 12 milyan oo 80% yihiin dhibanayaal (Victims) isugu jira qaar badaha adduunka isku tuura, qaar qaxooti ku ah wadamada hadda na quursada balse berigii aan ahayn qaran buuxa naga qar-qari jiray, qaar uu qabow ku dilooday wadamada Europe iyo waqooyiga Ameerika, dhalinyaro xabsiyada qurbaha ka buuxa iyo qaar Saharaha Carbeed iyagoo safar ah lagu silic-dileeyo iwm.
Ex. Xildhibaan Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Xilqaad12@hotmail.com
Rochester MN.
M. GHEDI: "Ka tanaasulid musharaxnimo Xildhibaan Baarlamaan iyo sababta igu kaliftay"
Kadib markaan la-tashi la yeeshay hoggaanka jufa hooseedkeyga, waxaan aad uga xumahay in aan ku wargeliyo dhammaan asxaabtayda iyo taageerayaalkeyga kala duwan ee kala jooga dunida dacalladeed, inaan arrimo caafimaad u joogo wadanka Mareykanka, dhaqa