Ka dib waxaa dhacday Dowladdii Soomaaliyeed ee la soo dhisay raggoodii madaxda ahaa in ay sheegeen in hal Calan iyo Hal Baasabuur la qaadanayo walibana Dhulka la isku fasixi doono,markaas ayaa waxaa biloowday rag,dumar,ganacsato, aqoonyahan iyo dhalin yaradii iyagana safka hore u'istaageen in ay Dadka,Dalka,Calanka iyo Ciida in ay daafacaan,halkaasna uu ka biloowday dagaal oo illaa hadda aan dhamaan.
Eritrea iyadoo diidan dhibka ay waddo Itoobiya ayna leedahay faragalinta ay waddo ha kala baxdo Soomaaliya ayaa IGAD inta isku biirsadeen ayaa lagu soo rogay cuno'qabateen. "Waxaan is waydiinaynaa Soomaaliyeey Itoobiya maxaa cuno qabateen loo saari waayey?" Itoobiya waxaa lala rabaa in badda kismaanyo in ay la wareegto oo ay udhiibato ragga ay ka mid yihiin Moorgan iyo Xasan Abshir intaasna waxaan ka war sugaynaa kuwa dhahaya maamul gobaleed ayaan usameenaynaa Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.
Arintaan maamul usameenta Koonfur Galbeed waa arantii Nayroobi lagu qabtay muddo hore ee uu shirka iskugu yeeray GEBRE doonayayna in uu maamul ka arimiyan raggan uu udhiibo oo walibana waxaa lamaga caabay beel walba inta ay xildhibaan ahaan uhelayaan. Raggii aan lagu aqoon jirin khayaano iyo is daba marin albaabka ayey iskaga baxeen oo waliba shir jaraa'id inta ay qabteen mooqifkoodii sheegeen. Kuwana illaa hadda ayey waxa ay wax ka sugayaan GEBRE ISKABER inta uu uqabto JUBBALAND waxa ugu magacdareen in ay ku fariisiyo oo ay ka arimiyaan.
Haddaba Soomaaliyeey arintan Kismaanyo aad ayey usoo laalaabataa mar walbana dagaal ayaa ka dhaca kuwo kalana shidaal in ay ka qotaan ayey rabaan waliba wasiiro ayaa dalaaliin ka ah oo diidaya in arintan uu Madaxweynaha saxiixo kadibna Qaramada midoobay loodiro warqaddaas oo illaa hadda xafiiska Madaxweynaha taal Golihii Baarlamaankana ee xeer dajintana cod aqlabiyad ah ku diiday ayaa illaa hadda la garaneyn macnaha loo haysto warqaddaas oo loogu diri waayey xafiiska Qaramada bidoobay.
Waxay isku dayayaan kuwa Madaxweynaha ka agdhoow in ay dib ugu usoo ceshaan warqaddaas Golaha Baarlamaanka oo la horkeeno iyagoo midkiiba shan kun oo doolar "$5ooo,oo Doolar" la siinayo oo codkiisa laga gato halkaasna dhulkii Soomaaliya loogu saxiixo Kenya iyo Itoobiya oo iyana rabta in ay hesho dalaal iyo furdada Kismaanyo in ay isku hesho.
Fara galinta ay wado Itoobiya maxay wax oga qaban waayeen beesha caalamaka dhibaatada ay ku hayso Dadka iyo Dhulka Soomaaliyeedba.Dagaalkan dabe ee la isku diyaarinayo iyo soo galitaanka Itoobiya ay soo galayso dhulka Soomaaliyeed waxa uu noqon doonaa laba arimood mid kood "kii ay ku maamuli laheed Itoobiya dhulka Soomaaliyeed amase kay ku bur buri aheed.
Soomaaliya mar naba gacan gumaysi iyo mid lamid ah galimayso,taariikhdaana sheegaysa mar walbana sheegi doonta laakiin mid korka Soomaali ka ah ayaa jira oo Dadkiisii iyo Diintiisii ka haray kadibna meel cidla ah ku soo dhaca hoy uugalo iyo geed uu harsadana waaya. Kaas Allah inagama dhigo ee Rabi talo kufilan.
Cuno-qabateentii Eritrea lagu soo rogay waa mid farxad galinaysa itoobiya! (W/D, usrababdallahahotmail.com)
Cuno'qabateentan lagu soo rogay Eritrea waa mid in mudo ah looga digayey in ay waxa ka waddo Geeska Afrika in ay ka waan toowdo oo ay joojiso qaska iyo taageerida ay siiso macaaradka ka soo hor jeeda Dowladda hadda jirta amase middii horaba. Nas