(Damac iyo Rag) Maanso ka mida deelayda qarniga 21aad (BY:Galayr)

0
Tuesday January 05, 2010 - 19:08:02 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2894
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    (Damac iyo Rag) Maanso ka mida deelayda qarniga 21aad (BY:Galayr)

    maansadan waxaay ka midtahaay diiwaanka cusub ee silsiladaa deelaydaa qarniga 21aad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

maansadan waxaay ka midtahaay diiwaanka cusub ee silsiladaa deelaydaa qarniga 21aad


 


maansadan waxay ka turjumaysaa  doorka ay dumarka nabada ka joogaan iyo sida aysan raaliga uga ahayn in  ragooda dadka dhibaateeyaan balse aysan waxba ka qaban karin waayo dagaal ooge kasta waxaa uu leeyahay qoys hooyo iyo aabe iyo xaas intaasiba raali kama aha dhibaatada uu wada sidaa awgeed maansadani waxay taageeraysaa hooyooyinka soomaaliyeed inaysan wax dhibaato ah ka gaysan dalka  dedaalkooda nabadana aysan ragu ka aqbalin  bal hada iyo maansadii  Damac iyo rag bogasho wacan
 
Deellayda maansada
Diiwaanka qoraniyo
Iyo doodahaan furan
Iyo dirirka suugaan
Murtidaa dareenka leh
Dhalinyaro u daacada
Dalka iyo dadkoodaba
Ay daaddaheeyaan
Dadkuna  ku diirsaday
Sida dirir gu,yoo kale
Ama dayr hagaagtiyo
Carigiyo dadkoo dhami
Dar allee ku doogsaday
Aan dareenka aan qabo
Danta iyo ujeedada
Dulucdana usoo dego
 
Damaca iyo tuugada
Dood iyo dagaaliyo
Dareenkiyo colaadaha
Ayaa dowlad li.idiyo
Dadku inuu is aamino
Derin wada fadhiistaan
Isu diiday shacabkoow
Waxaa dilay dalkeenii
Dabka shidaya abidkiis
Waa daalin iyo tuug
Doonaya kelidiis
Inuu baxo dabkiisoo
Dadka kale dhamaadaan
 
Waxaan uga danleeyahay
Dulmar iyo ninkeedii
Ayaa dood macquuliyo
Dacwad iyo gar galayoo
Duqa oon xasaradiyo
Dulmi hore u gelinoo
Diintiisa raacdoo
Digtooroo daweeyaa
Ruuxii dabiib raba
Dadku jecel yihiinbaa
Durbaan baas garaacoo
Darajiyo madaxiyo
Waxaan doonayaa yidhi
Dadku inay i doortaan
 
Dulmar baa waxay tidhi
Hadaad darajo haysaa
Dadkuna uu ku jecelyahay
Duqaygiii wacnaayoow
Dakaniyo xumaaniyo
Danbi waa dhibaatee
Yaanu daad ku qaadine
Ha u doodin  xumahee
Deji oo naftaadoo
Daayinkaa ka yaabo
Iska daa dhibaatada
 
Waxuu yidhi duqdaydii
Dulmareey  aduunyada
Ninka aad dadkaba dilin
Duhurkii wax gowricin
Een dumminin daaraha
Dadkani maba ciseeyaan
Ninkaan danabyadoodiyo
Duqaydooda dabarjarin
Dadku maba ammaanaan
Ninkaa duunyadoodiyo
Delegoodaa beeraha
Dab ku shidin duqayday
Diric uma yaqaanaan
 
Adiga iyo danabyadayna
Dibadaan idiin diri
Aniguna dagaaliyo
Dirir baan la gelayaa
Ilaa ay i doortaan
Duubta igu xidhaanoo
Ku dakeeyoo doonida
Kursigana aan daawado
Kama daali doonee
Waa inaad ka duushaan
Diyaarahadaha baxiyiyo
Ood daalo raacdaan
Dalka aad ilowdaan
Doolaarka iyo diinaar
Iyo dheeman iyo dahab
Waxaad  adigu doontiyo
Damaashaad i waydiii
 
Waxay tidhi duqaygoow
Danbi ruuxa gala ee
Intuu dunida joogaana
Daayin hadalkii uu yidhi
Iska diida gacaloow
Inuu daalin yahayoo
Aakhiro daluun dheer
Naar iyo dab baxiyiyo
Digo hoos ka nooliyo
Darxumiyo inkaariyo
Duli iyo dhibaatiyo
Dacdariyo waxii daran
Dushiisa ay ahaanoo
Duba lala dhacaayoo
Dalqadana naxaasiyo
Daamur lagaga shubo
Durba miyaad ilowdoo
Dar allee dan kama lihid
Hadaad danabyadaadiyo
Duriyadaad lahaydiyo
Duqdaadiiba dibadiyo
U dirtaa banaanada
Dadka kale dhashooda
Dabka aad ku hurisaa
Saw daayin eebahay
Dusha kaama joogoo
Kuma daawanaayoo
Daynkaad galaysiyo
Dulmigaad falaysaaba
Markaad dilif tiraahdee
Iilka lagugu duugo
Ciid dam lagu siiyee
Dadku kaa dareero
Dar allee su,aaliyo
Dacwad kuma taaloo
Doodna may dhamaanin
 
Waxii yidhi duqdaydaay
Iska daa wacdiga iyo
Diintiyo waxsheegiyo
Aakhiro danbaysiyo
Intaad dunida joogtaan
Dalxiis iyo damaashaad
Baabuur dalacaniyo
Dabaqyaad helaysaan
Wiilashayda doorka ah
Digrii iyo tacliiniyo
Darajay helaayaan
Gabdhahaygu dahabiyo
Dermo iyo xariiriyo
Dalsan bay ku korayaan
Waa la daawan doonaa
Danbigaan anigu galo
Dumadayda weeyaan
Iska daanshadaanshood
Guro doolaarkaagaas
Doodana inaga daa
 
Dulmar baa waxay tidhi
Daayimoow alahayoow
Dumar waad u jeedaa
Dambi maanu gelinoo
Waan ka daalay odaygii
Dartaabaa hanuuniyo
Deeq lagu helaayoo
Adigaa doojin karayee
Duqaygii dhaqaaqyaye
Imaanka deeqsii
Ducaydana allahayaw
Dedeg iga ajiiboo
Dulmiga iyo dhibaatada
Dagaalada dadkaygii
Dalkaygii burburiyee
Damdaguugan naga dhigay
Raboow naga dulqaadoo
Dowlad  daacadnimoliyo
Amiin aan danbiba gelin
Daayimoow inoo door
 
Aamiin aamiin aamiin
 
Waa Qalinkii  iyo Hall_abuurka
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Abdirihiin1@hotmail.com

Halkaan Ka Aqri Maansadi kale ee Diiwaanka Cusub.


(Shacabkaa Dambiila ah ) Diiwaanka Cusub Deelayda (By Abdi  Haro)

( Danasheeg) Diiwaanka Cusub Deelayda (Abwaan Axmed Xaayoow)

(Dal Badbaadshe) Diiwaanka Cusub Deelayda (Abwaan Xasan)

(Dulmidiid) Diiwaanka Cusub Deelayda (By Axmed Xaayoow (Dulmidiid)

( Dulmidiid) Diiwaanka Cusub Deelayda By: Cabdiraxiim  (Galayr)

(Dacwo) Diiwaanka Cusub Deelayda ‏( Abwaan Xasan Abuukar(Abaaji)

 ( Dabataal) Diiwaanka Cusub Deelayda 'By, Axmed Xaawoow'

( Dawo) Diiwaanka Cusub Deelayda (W/C: Muxyadiin X Ciid)

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip