Guuto ciidamo Itoobiyaan ah ayaa maanta soo buux dhaafyaya gudahana u soo talaabay Deg-Ceelberde ee gobolka Bakool, waxaana ciidamadaasi ku hubeysan yihiin gaadiidka dagaalka oo tiro badan,sida ay dadka degaanku warbaahinta Gedonet u sheegeen.
Mid ka mid ah dadka degaanka oo aanu khadka telefoonka kula xiiriirnay ayaa noo Sheegay inay ciidamadaasi markii ay gudaha u soo galeen Degmadda Ceelberde ee Gobolka Bakool ay qabqabteen dhawr ruux oo dadka degaanka ah.
Goobjoogahaasi ayaa sheegey inay dadka degaanku cabsi ka muujiyeen ciidamadan itoobiyaan ka ah ee soo galay magaalada gudaheeda islamarkaasna bilaabay inay qabqabtaan dadka rayid ah.
Sidoo kale, waxaa uu goobjoogahaasi noo xaqiijiyey inay ciidamada itoobiyaanka ah ay la socdaan Ciidamo soomaali ah oo uu tababar ugu soo dhamaadey gudaha wadanka Itoobiya,waxaana la sheegey inay ciidamadaasi farisiin ka sameysteen duleedka Degmada Ceelberde ee gobolka Bakool.
Tani ayaanu aheyn markii ugu horeysey ee ciidamo itoobiyaan soo galaan qaybo ka mid ah Gobolka Bakool, walaw amuurahani ay imaanayaa xilli ciidamo itoobiyaan aad u tiro badan iyana ay soo buux dhaafiyaan gudaha qeybo badan oo ka mid ah gobolka Hiiraan.
Xafiiska Warsheekh.com
Baydhabo-Somalia
Guuto Ciidamo Itoobiyaan ah oo maanta soo buuxdhaafiyay gudaha Deg-Ceelberde