Hey’adda UNHCR oo soo bandhigtay tirade dadka barakacayaasha somalida

0
Saturday February 13, 2010 - 14:37:26 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 524
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hey’adda UNHCR oo soo bandhigtay tirade dadka barakacayaasha somalida

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hey’adda UNHCR oo Qaramada midoobey u qaabilsan qaxootiga ayaa warbixin ay soo saaratay ku sheegtay in  todobaadyadii la soo dhaafay ay magalada Muqdisho ka barakaceen dad lagu sheegay ilaa 10-kun oo qoys.
 
UNHCR ayaa  warbixintaan ay soo saartay ku sheegtay in dagaaladii iyo duqeymihii dhowaan ka dhacey Muqdisho ay sababeen in magaalada ay ka barakacaan dad fara badan, waxayna Hey’addu shegatey dadkaan intooda badan in ay yihiin dad rayid ah oo aan wax shuqul ah ku lahayn dagaalada.
 
Afhayeenka UNHCR Melissa Fleming ayaa sheegay in xiliyadii ugu dambeeyey ay si gaara ula socdeen arrimha qaxa ee ka socda Muqdisho, isagoo sheegay inay diiwaangaliyeen  ilaa 8000 kun in ay barakeceen mudo 14 maalmood gudahooda walina ay socdaan.
 
“Waxaan beesha caalamka ka codsaday in ay isku diyariyaan sidii wax loogu qaban laha dadkaan cusub ee barakacay, waxaana u soo jeediyay in dadkaasi gacan la siiyo” ayuu yiri Afhayeenka UNHCR Melissa Fleming.
 
Dhanka kale Hey’adda UNHCR waxay sheegtay inay weli socdaan barakaca ay dadku ka barakacayaan magaalada Muqdisho, waxaana magaalada Muqdisho ka socda dagaalo iyo duqaymo dhibaato ku haya Shacabka Rayidka ah ee aan dagaalada shqada ku lahayn.
 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip